Check out the new design

ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی سوره: مائده   آیه:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ إِلَىٰ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَإِلَى ٱلرَّسُولِ قَالُواْ حَسۡبُنَا مَا وَجَدۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَآۚ أَوَلَوۡ كَانَ ءَابَآؤُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ شَيۡـٔٗا وَلَا يَهۡتَدُونَ
104. Marka lagu yidhaahdona: U kaalaya waxa uu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah iyo xagga Rasuulka. Waxay yidhaahdaan: Waxaa nagu filan waxaanu ka hellay aabbayaashayo, oo haddii aysan aabbayaashood wax ogeyn oo aanay hanuunsanayn (ma raacayaan).
تفسیرهای عربی:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ عَلَيۡكُمۡ أَنفُسَكُمۡۖ لَا يَضُرُّكُم مَّن ضَلَّ إِذَا ٱهۡتَدَيۡتُمۡۚ إِلَى ٱللَّهِ مَرۡجِعُكُمۡ جَمِيعٗا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
105. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu xil idinka saaran yahay nafahiinna. Wax dhib ah idinkama soo gaari karaan ciddii lunta markaad idinku hanuunsan tihiin. Waa xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin, markaasuu idiin sheegi waxaad camal falayseen.
تفسیرهای عربی:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ شَهَٰدَةُ بَيۡنِكُمۡ إِذَا حَضَرَ أَحَدَكُمُ ٱلۡمَوۡتُ حِينَ ٱلۡوَصِيَّةِ ٱثۡنَانِ ذَوَا عَدۡلٖ مِّنكُمۡ أَوۡ ءَاخَرَانِ مِنۡ غَيۡرِكُمۡ إِنۡ أَنتُمۡ ضَرَبۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَأَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةُ ٱلۡمَوۡتِۚ تَحۡبِسُونَهُمَا مِنۢ بَعۡدِ ٱلصَّلَوٰةِ فَيُقۡسِمَانِ بِٱللَّهِ إِنِ ٱرۡتَبۡتُمۡ لَا نَشۡتَرِي بِهِۦ ثَمَنٗا وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰ وَلَا نَكۡتُمُ شَهَٰدَةَ ٱللَّهِ إِنَّآ إِذٗا لَّمِنَ ٱلۡأٓثِمِينَ
106. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maragga dhexdiinna ah markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, waa labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ah, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan13, waa inay ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrinkani, qaraababa ha ahaadee, mana qarineyno Maragga Alle, (haddii kale markaa) waxaanu ka mid ahaan denbiilayaasha.
13. Inay markhaati been ah fureen ama been ku dhaarteen.
تفسیرهای عربی:
فَإِنۡ عُثِرَ عَلَىٰٓ أَنَّهُمَا ٱسۡتَحَقَّآ إِثۡمٗا فَـَٔاخَرَانِ يَقُومَانِ مَقَامَهُمَا مِنَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَحَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَوۡلَيَٰنِ فَيُقۡسِمَانِ بِٱللَّهِ لَشَهَٰدَتُنَآ أَحَقُّ مِن شَهَٰدَتِهِمَا وَمَا ٱعۡتَدَيۡنَآ إِنَّآ إِذٗا لَّمِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
107. Markaa haddii la ogaado inay muteen denbi, labo kale baa meeshooda joogsan (oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddaan xadgudubno) waxaanu markaa ka mid ahaan daalimiinta
تفسیرهای عربی:
ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن يَأۡتُواْ بِٱلشَّهَٰدَةِ عَلَىٰ وَجۡهِهَآ أَوۡ يَخَافُوٓاْ أَن تُرَدَّ أَيۡمَٰنُۢ بَعۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱسۡمَعُواْۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ
108. Arrinkaa baa wanaagsan si ay ula yimaadaan maragga wejigiisa runta ah, ama waxay ka cabsan in dhaaraha (kale) la qaato14 dhaarahooda kaddib. Ee Alle ka cabsada (Oo dhowra xilkuu idin saaray) waxna maqla. Allena ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah (madaxa adag).
14. In la celiyo dhaarahooda waa markhaatiyada dadka aan idinla diinta ahayn, waxaa lagu celiyaa markhaatiyada dadka idiin dhow, kuwa been ku dhaartana waxaa laga goyn adduun iyo aakhiroba beentaas ay ku dhaarteen.
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی سوره: مائده
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمه‌ى عبدالله حسن یعقوب.

بستن