ترجمهٔ معانی قرآن کریم - الترجمة الصومالية - يعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی آیه: (7) سوره: سوره حشر
مَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡقُرَىٰ فَلِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ كَيۡ لَا يَكُونَ دُولَةَۢ بَيۡنَ ٱلۡأَغۡنِيَآءِ مِنكُمۡۚ وَمَآ ءَاتَىٰكُمُ ٱلرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَىٰكُمۡ عَنۡهُ فَٱنتَهُواْۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
7. Wuxuu Alle uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka (dagaal la'aan)4, waxaa leh Allaah, Rasuulka, qaraabada dhow (ee Rasuulka)5, agoomaha, masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan) si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Wuxuu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, wuxuu idinka
reebona ka jooga, oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle. Hubaal, Alle wuu Daran yahay Ciqaabkiisu.
4. Xukunka la xiriira maalka ay ka tagaan cadowga oo la helo dagaal la’aan waa ka duwan yahay kaa lagu xusay Suuradda Al-Anfaal, Aayadda 41aad.
5. Qaraabdada Rasuulka waa kuwaa ka midka ah Banuu Haashim iyo Banuu Muddalib uu Nabigu s.c.w. ka xaaraanshay qaadashada sadaqada.
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی آیه: (7) سوره: سوره حشر
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - الترجمة الصومالية - يعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

بستن