Check out the new design

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simoori Ruum   Aaya:
وَعۡدَ ٱللَّهِۖ لَا يُخۡلِفُ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
6. Waa Ballan Alle, kama uu baxo Alle Ballankiisa, dadka badankiisuse ma oga.
Faccirooji aarabeeji:
يَعۡلَمُونَ ظَٰهِرٗا مِّنَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُمۡ عَنِ ٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ غَٰفِلُونَ
7. Waxay yaqaanaan (dadku) daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, nolosha dambe se (Aakhirada) way moog yihiin.
Faccirooji aarabeeji:
أَوَلَمۡ يَتَفَكَّرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۗ مَّا خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَأَجَلٖ مُّسَمّٗىۗ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ بِلِقَآيِٕ رَبِّهِمۡ لَكَٰفِرُونَ
8. Miyeyna ka fakarin nafahooda: Alle uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo magacaaban? In badan oo dadka ka mid ahna waxay beeniyaan la kulanka Rabbigood.
Faccirooji aarabeeji:
أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗ وَأَثَارُواْ ٱلۡأَرۡضَ وَعَمَرُوهَآ أَكۡثَرَ مِمَّا عَمَرُوهَا وَجَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
9. Miyeyna marin (gaalada) dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay (ee beeniyey Rusushii Alle)? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog iyo awood badan, waxay beerteen dhulka oo u dhiseen si ka badan siday kuwani u dhiseen, waxaana halkaa ula yimid xujooyin cad Rusushii loo soo diray, Allena ma aha mid dulmiya (dadka), iyaga baase nafahooda ku dulmiya (macaasi).
Faccirooji aarabeeji:
ثُمَّ كَانَ عَٰقِبَةَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔواْ ٱلسُّوٓأَىٰٓ أَن كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَكَانُواْ بِهَا يَسۡتَهۡزِءُونَ
10. Markaasay noqotay cidhibtii kuwii xuma falay xumaan (Naar), beenintay Aayadaha Alle beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo ku jees-jeesa.
Faccirooji aarabeeji:
ٱللَّهُ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
11. Alle baa billaabay abuurista uunka, haddana dib u soo nooleyn (dhimasho kaddib), Xaggiisaana la idiin soo celin.
Faccirooji aarabeeji:
وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُبۡلِسُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
12. Maalintay dhici Saacadda (Qiyaame) way quusan denbiilayaashu.
Faccirooji aarabeeji:
وَلَمۡ يَكُن لَّهُم مِّن شُرَكَآئِهِمۡ شُفَعَٰٓؤُاْ وَكَانُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ كَٰفِرِينَ
13. Ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuway (Alle) la wadaajiyeen (cibaadada), waxayna dafiri shurakadoodii.
Faccirooji aarabeeji:
وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوۡمَئِذٖ يَتَفَرَّقُونَ
14. Maalintay dhici Saacaddu waa Maalintay kala bixi (dadku).
Faccirooji aarabeeji:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَهُمۡ فِي رَوۡضَةٖ يُحۡبَرُونَ
15. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha falay, waxaa lagu maamuusi beer (Janno) gudaheed iyagoo faraxsan.
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simoori Ruum
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Tippudi firooji ɗii

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddude