Check out the new design

पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । * - अनुवादहरूको सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थको अनुवाद सूरः: र्रूम   श्लोक:
وَعۡدَ ٱللَّهِۖ لَا يُخۡلِفُ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
6. Waa Ballan Alle, kama uu baxo Alle Ballankiisa, dadka badankiisuse ma oga.
अरबी व्याख्याहरू:
يَعۡلَمُونَ ظَٰهِرٗا مِّنَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُمۡ عَنِ ٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ غَٰفِلُونَ
7. Waxay yaqaanaan (dadku) daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, nolosha dambe se (Aakhirada) way moog yihiin.
अरबी व्याख्याहरू:
أَوَلَمۡ يَتَفَكَّرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۗ مَّا خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَأَجَلٖ مُّسَمّٗىۗ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ بِلِقَآيِٕ رَبِّهِمۡ لَكَٰفِرُونَ
8. Miyeyna ka fakarin nafahooda: Alle uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo magacaaban? In badan oo dadka ka mid ahna waxay beeniyaan la kulanka Rabbigood.
अरबी व्याख्याहरू:
أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗ وَأَثَارُواْ ٱلۡأَرۡضَ وَعَمَرُوهَآ أَكۡثَرَ مِمَّا عَمَرُوهَا وَجَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
9. Miyeyna marin (gaalada) dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay (ee beeniyey Rusushii Alle)? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog iyo awood badan, waxay beerteen dhulka oo u dhiseen si ka badan siday kuwani u dhiseen, waxaana halkaa ula yimid xujooyin cad Rusushii loo soo diray. Alle ma aha mid dulmiya (dadka), iyaga baase nafahooda ku dulmiya (macaasi).
अरबी व्याख्याहरू:
ثُمَّ كَانَ عَٰقِبَةَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔواْ ٱلسُّوٓأَىٰٓ أَن كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَكَانُواْ بِهَا يَسۡتَهۡزِءُونَ
10. Markaasay noqotay cidhibtii kuwii xuma falay xumaan (Naar), beenintay Aayadaha Alle beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo ku jees-jeesa.
अरबी व्याख्याहरू:
ٱللَّهُ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
11. Alle baa billaabay uunka, haddana dib u soo nooleyn (dhimasho kaddib), Xaggiisaana la idiin soo celin.
अरबी व्याख्याहरू:
وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُبۡلِسُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
12. Maalintay dhici Saacadda (Qiyaame) way quusan denbiilayaashu.
अरबी व्याख्याहरू:
وَلَمۡ يَكُن لَّهُم مِّن شُرَكَآئِهِمۡ شُفَعَٰٓؤُاْ وَكَانُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ كَٰفِرِينَ
13. Ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuway (Alle) la wadaajiyeen (cibaadada), waxayna dafiri shurakadoodii.
अरबी व्याख्याहरू:
وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوۡمَئِذٖ يَتَفَرَّقُونَ
14. Maalintay dhici Saacaddu waa Maalintay kala bixi (dadku).
अरबी व्याख्याहरू:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَهُمۡ فِي رَوۡضَةٖ يُحۡبَرُونَ
15. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha falay, waxaa lagu maamuusi beer (Janno) gudaheed iyagoo faraxsan.
अरबी व्याख्याहरू:
 
अर्थको अनुवाद सूरः: र्रूम
अध्यायहरूको (सूरःहरूको) सूची رقم الصفحة
 
पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । - अनुवादहरूको सूची

अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकुब ।

बन्द गर्नुस्