Check out the new design

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simoore sukruf   Aaya:
إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي عَذَابِ جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ
74. Hubaal denbiilayaashu waxay geli cadaabka Naarta iyagoo ku waadhi.
Faccirooji aarabeeji:
لَا يُفَتَّرُ عَنۡهُمۡ وَهُمۡ فِيهِ مُبۡلِسُونَ
75. Lagama nuxuusiyo (Naarta), iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan.
Faccirooji aarabeeji:
وَمَا ظَلَمۡنَٰهُمۡ وَلَٰكِن كَانُواْ هُمُ ٱلظَّٰلِمِينَ
76. Mana aanu dulmin, iyagaase ahaa daalimiin (gar ma qaatayaal).
Faccirooji aarabeeji:
وَنَادَوۡاْ يَٰمَٰلِكُ لِيَقۡضِ عَلَيۡنَا رَبُّكَۖ قَالَ إِنَّكُم مَّٰكِثُونَ
77. Waxayna u dhawaaqi (fura hayeenka Naarta iyagoo leh): Maaligow! Rabbigaa ha noo sameeyo dhammaad. Wuxuu odhan: Waad ku waadhi (Naarta).
Faccirooji aarabeeji:
لَقَدۡ جِئۡنَٰكُم بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَكُمۡ لِلۡحَقِّ كَٰرِهُونَ
78. Waxaan idiin la nimid Xaq, badankiinnuse Xaqa baad nacdaan.
Faccirooji aarabeeji:
أَمۡ أَبۡرَمُوٓاْ أَمۡرٗا فَإِنَّا مُبۡرِمُونَ
79. Mise ma waxay goosteen arrin (qorshe)? Annaguna wax baynu qorsheynaynaa (Ciqaabkooda).
Faccirooji aarabeeji:
أَمۡ يَحۡسَبُونَ أَنَّا لَا نَسۡمَعُ سِرَّهُمۡ وَنَجۡوَىٰهُمۚ بَلَىٰ وَرُسُلُنَا لَدَيۡهِمۡ يَكۡتُبُونَ
80. Mise waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada (malaa’igta ah) baa ag joogta oo qoreysa.
Faccirooji aarabeeji:
قُلۡ إِن كَانَ لِلرَّحۡمَٰنِ وَلَدٞ فَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلۡعَٰبِدِينَ
81. Dheh: Haddii Raxmaanku (Alle) aad leedihiin wiil (buu leeyahay), waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka hufa inuu leeyahay ilmo ama xaas ama shariig).
Faccirooji aarabeeji:
سُبۡحَٰنَ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ رَبِّ ٱلۡعَرۡشِ عَمَّا يَصِفُونَ
82. Waxaa xurmo oo dhan iska leh (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshiga, oo ka hufan waxay ku tilmaamaan (oo been iyo baadil ah).
Faccirooji aarabeeji:
فَذَرۡهُمۡ يَخُوضُواْ وَيَلۡعَبُواْ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ
83. Ee iska daa ha dhunbadeen (baadilkaas) oo ha iska cayaareene intay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay.
Faccirooji aarabeeji:
وَهُوَ ٱلَّذِي فِي ٱلسَّمَآءِ إِلَٰهٞ وَفِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَٰهٞۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡعَلِيمُ
84. (Alle) waa Isaga Ilaaha Keliyee Xaqa ah somooyinka gudahood iyo Ilaaha Keliyee Xaqa ah arlada gudaheed; waana Xakiimka, wax kasta Ogsoon.
Faccirooji aarabeeji:
وَتَبَارَكَ ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَعِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
85. Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, oo ay agti tahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame), Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.
Faccirooji aarabeeji:
وَلَا يَمۡلِكُ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِهِ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَن شَهِدَ بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
86. Oo uma leh awood shafeeco kuwa ay baryaan (Alle) ka sokow, hase ahaatee ciddii qirta xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh (waxbay u shafeeci Idanka Alle kaddib).
Faccirooji aarabeeji:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَهُمۡ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
87. Haddaad (gaalada) weydiiso yaa abuuray iyaga, waxay odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?
Faccirooji aarabeeji:
وَقِيلِهِۦ يَٰرَبِّ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمٞ لَّا يُؤۡمِنُونَ
88. (Nabigu) wuxuu yidhi: Rabbiyow! kuwaanu waa qolo aan rumayneyn (Xaqa).
Faccirooji aarabeeji:
فَٱصۡفَحۡ عَنۡهُمۡ وَقُلۡ سَلَٰمٞۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
89. Iskase saamax (marakan) oo dheh: Nabadgelyo,wayse ogaan (waxa ku dhaca).
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simoore sukruf
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Tippudi firooji ɗii

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddude