Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 宰哈柔福   段:
إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي عَذَابِ جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ
74. Hubaal denbiilayaashu waxay geli cadaabka Naarta iyagoo ku waadhi.
阿拉伯语经注:
لَا يُفَتَّرُ عَنۡهُمۡ وَهُمۡ فِيهِ مُبۡلِسُونَ
75. Lagama nuxuusiyo (Naarta), iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan.
阿拉伯语经注:
وَمَا ظَلَمۡنَٰهُمۡ وَلَٰكِن كَانُواْ هُمُ ٱلظَّٰلِمِينَ
76. Ma aanu dulmin, iyagaase ahaa daalimiin (gar ma qaatayaal).
阿拉伯语经注:
وَنَادَوۡاْ يَٰمَٰلِكُ لِيَقۡضِ عَلَيۡنَا رَبُّكَۖ قَالَ إِنَّكُم مَّٰكِثُونَ
77. Waxay u dhawaaqi (fura hayeenka Naarta iyagoo leh): Maaligow! Rabbigaa ha noo yeelo dhammaad. Wuxuu odhan: Waad ku waadhi (Naarta).
阿拉伯语经注:
لَقَدۡ جِئۡنَٰكُم بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَكُمۡ لِلۡحَقِّ كَٰرِهُونَ
78. Waxaan idiin la nimid Xaq, badankiinnuse Xaqa baad nacdaan.
阿拉伯语经注:
أَمۡ أَبۡرَمُوٓاْ أَمۡرٗا فَإِنَّا مُبۡرِمُونَ
79. Mise ma waxay goosteen arrin (qorshe)? Annaguna wax baynu qorsheynaynaa (Ciqaabkooda).
阿拉伯语经注:
أَمۡ يَحۡسَبُونَ أَنَّا لَا نَسۡمَعُ سِرَّهُمۡ وَنَجۡوَىٰهُمۚ بَلَىٰ وَرُسُلُنَا لَدَيۡهِمۡ يَكۡتُبُونَ
80. Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada (malaa’igta ah) baa ag joogta oo qoreysa.
阿拉伯语经注:
قُلۡ إِن كَانَ لِلرَّحۡمَٰنِ وَلَدٞ فَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلۡعَٰبِدِينَ
81. Dheh: Haddii Raxmaanku (Alle, aad leedihiin wuxuu) leeyahay ilmo, waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka hufa inuu leeyahay ilmo ama xaas ama shariig, iwm).
阿拉伯语经注:
سُبۡحَٰنَ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ رَبِّ ٱلۡعَرۡشِ عَمَّا يَصِفُونَ
82. Waxaa xurmo oo dhan iska leh (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshiga, oo ka hufan waxay ku tilmaamaan.
阿拉伯语经注:
فَذَرۡهُمۡ يَخُوضُواْ وَيَلۡعَبُواْ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ
83. Ee iska daa ha dhunbadeen (baadilkaas) oo ha iska cayaareene intay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay.
阿拉伯语经注:
وَهُوَ ٱلَّذِي فِي ٱلسَّمَآءِ إِلَٰهٞ وَفِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَٰهٞۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡعَلِيمُ
84. (Alle) waa Isaga Ilaaha Keliyee Xaqa ah somooyinka gudahood iyo Ilaaha Keliyee Xaqa ah arlada gudaheed. Waa Xakiimka, wax kasta Ogsoon.
阿拉伯语经注:
وَتَبَارَكَ ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَعِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
85. Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, oo ay agti tahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame), Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.
阿拉伯语经注:
وَلَا يَمۡلِكُ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِهِ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَن شَهِدَ بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
86. Oo uma leh awood shafeeco kuwa ay baryaan (Alle) ka sokow, hase ahaatee ciddii qirta xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh (waxbay u shafeeci Idanka Alle kaddib).
阿拉伯语经注:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَهُمۡ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
87. Haddaad (gaalada) weydiiso yaa abuuray iyaga, waxay hubaal odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?
阿拉伯语经注:
وَقِيلِهِۦ يَٰرَبِّ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمٞ لَّا يُؤۡمِنُونَ
88. (Nabigu) wuxuu yidhi: Rabbiyow! kuwaanu waa qolo aan rumayneyn (Xaqa).
阿拉伯语经注:
فَٱصۡفَحۡ عَنۡهُمۡ وَقُلۡ سَلَٰمٞۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
89. Iska saamax oo dheh: Nabadgelyo, wayse ogaan (waxa ku dhaca).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 宰哈柔福
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭