Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 宰哈柔福   段:
وَمَا نُرِيهِم مِّنۡ ءَايَةٍ إِلَّا هِيَ أَكۡبَرُ مِنۡ أُخۡتِهَاۖ وَأَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡعَذَابِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
48. Ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed kale, waxaana ku qabannay cadaab14 bal inay u soo laabtaan (Xaqa).
14. Cadaabkaas waa cadaab adduunka ah sida raashinka oo ku yaraaday, beeraha oo lagu salliday ayax tiro badan, xoolaha oo ay abaar ka leysey, iwm.
阿拉伯语经注:
وَقَالُواْ يَٰٓأَيُّهَ ٱلسَّاحِرُ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَ إِنَّنَا لَمُهۡتَدُونَ
49. Waxay yidhaahdeen: Kan Saaxirka (caalimka) ahow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kuugula ballantamay. (Haddii nalaga feydo cadaabka) waanu hanuuni (raaci Xaqa).
阿拉伯语经注:
فَلَمَّا كَشَفۡنَا عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابَ إِذَا هُمۡ يَنكُثُونَ
50. Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii.
阿拉伯语经注:
وَنَادَىٰ فِرۡعَوۡنُ فِي قَوۡمِهِۦ قَالَ يَٰقَوۡمِ أَلَيۡسَ لِي مُلۡكُ مِصۡرَ وَهَٰذِهِ ٱلۡأَنۡهَٰرُ تَجۡرِي مِن تَحۡتِيٓۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ
51. Wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Miyaanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan arkeyn?.
阿拉伯语经注:
أَمۡ أَنَا۠ خَيۡرٞ مِّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي هُوَ مَهِينٞ وَلَا يَكَادُ يُبِينُ
52. Sow aniga kama fiicni midkani liita ee aan kareyn inuu caddeeyo hadalkiisa15.
15. Waxay ula jeedaan Nabi Muuse c.s. Taasina dhab bay ahayd ka hor inta aan Muuse laga dhigin Nabi, markii la soo diray isagoo Nabi ah wuxuu Allaah ka furay guntinta carrabkiisa oo ka dhigay cod kar hadal cad.
阿拉伯语经注:
فَلَوۡلَآ أُلۡقِيَ عَلَيۡهِ أَسۡوِرَةٞ مِّن ذَهَبٍ أَوۡ جَآءَ مَعَهُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ مُقۡتَرِنِينَ
53. Maxaa loo siin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo taageerta?
阿拉伯语经注:
فَٱسۡتَخَفَّ قَوۡمَهُۥ فَأَطَاعُوهُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
54. Wuxuu fudaydsaday qolodiisii, wayna adeeceen: waxay ahaayeen qolo caasi ah.
阿拉伯语经注:
فَلَمَّآ ءَاسَفُونَا ٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ فَأَغۡرَقۡنَٰهُمۡ أَجۡمَعِينَ
55. Markay naga Cadheysiiyeen, waan ka aarsannay, waana harqinnay dhammaan.
阿拉伯语经注:
فَجَعَلۡنَٰهُمۡ سَلَفٗا وَمَثَلٗا لِّلۡأٓخِرِينَ
56. Waxaanu ka yeelnay wax tegay oo ay ku tusaale qaataan facyada dambe.
阿拉伯语经注:
۞ وَلَمَّا ضُرِبَ ٱبۡنُ مَرۡيَمَ مَثَلًا إِذَا قَوۡمُكَ مِنۡهُ يَصِدُّونَ
57. Markaan uga yeellayna ina Maryam (Ciise) tusaale, mise qolodaada (mushrikiinta ah) way ka jeesadeen (tusaalahaa)16.
16. Inuu ka mid yahay uunka Ilaahay, kuwaasoo lala barbar caabudo Allaah.
阿拉伯语经注:
وَقَالُوٓاْ ءَأَٰلِهَتُنَا خَيۡرٌ أَمۡ هُوَۚ مَا ضَرَبُوهُ لَكَ إِلَّا جَدَلَۢاۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٌ خَصِمُونَ
58. Waxay yidhaahdeen: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan tusaalahaa waxaan aheyn muran. Waase qolo dood badan17.
17. Iyagoo qaba inay dhammaan isku mid yihiin.
阿拉伯语经注:
إِنۡ هُوَ إِلَّا عَبۡدٌ أَنۡعَمۡنَا عَلَيۡهِ وَجَعَلۡنَٰهُ مَثَلٗا لِّبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
59. Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan ugu nicmaynay (Nabinnimo), waxaana uga yeelnay tusaale ilmahii Israa’iil.
阿拉伯语经注:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَا مِنكُم مَّلَٰٓئِكَةٗ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَخۡلُفُونَ
60. Haddaan doonno, waxaan idinka yeeli lahayn malaa'ig dhulka u hadha18.
18. Ama idin xigsada idinka.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 宰哈柔福
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭