કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ

external-link copy
7 : 1

صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ

7. Jidka kuwa aad u Nicmaysay [3], aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday [4] iyo (jidka) kuwa lunsan midna [5]. info

[3]. Kuwo Alle siiyey Galladdiisa waa Nabiyada, runlowyada, suubbanayaasha, iyo shuhadada.
[4]. Kuwa uu Alle u cadhooday waa kuwa iyagoo u cilmi leh aan ku camal falin diinta ee diida xaqa, sida Yuhuudda iwm.
[5]. Kuwa lunsan waa kuwo cilmi la’aan iska cibaadeysta iyagoo ku socda caqiidooyin gurracan sida Nasaarada iwm.

التفاسير: