Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ બકરહ   આયત:
وَلَمَّا جَآءَهُمۡ كِتَٰبٞ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٞ لِّمَا مَعَهُمۡ وَكَانُواْ مِن قَبۡلُ يَسۡتَفۡتِحُونَ عَلَى ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَلَمَّا جَآءَهُم مَّا عَرَفُواْ كَفَرُواْ بِهِۦۚ فَلَعۡنَةُ ٱللَّهِ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
89. Markuu uga yimid (Yuhuudi) Kitaab (Qur’aan) xagga Alle rumeynaya waxay haystaan (Towraadda), iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markuu u yimid (Nabi) ay garteen bay rumayn diideen. Ee naclad Alle dushooda ha ahaato gaalada.
અરબી તફસીરો:
بِئۡسَمَا ٱشۡتَرَوۡاْ بِهِۦٓ أَنفُسَهُمۡ أَن يَكۡفُرُواْ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بَغۡيًا أَن يُنَزِّلَ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۖ فَبَآءُو بِغَضَبٍ عَلَىٰ غَضَبٖۚ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٞ مُّهِينٞ
90. Xumaa waxay ku gateen nafahooda, inay ku gaaloobaan waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah xasad darti in Alle uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho20. Gaaladuna waxay leeyihiin cadaab dulleysa.
20. Cadho loo geeyey cadho, cadhada hore waa khilaafiddoodii Nabi Muuse c.s. iyo diiddadooda Nabi Ciise c.s. , tan labaadna waa diiddadooda Nabi Muxammad s.c.w.
અરબી તફસીરો:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ ءَامِنُواْ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُواْ نُؤۡمِنُ بِمَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا وَيَكۡفُرُونَ بِمَا وَرَآءَهُۥ وَهُوَ ٱلۡحَقُّ مُصَدِّقٗا لِّمَا مَعَهُمۡۗ قُلۡ فَلِمَ تَقۡتُلُونَ أَنۢبِيَآءَ ٱللَّهِ مِن قَبۡلُ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
91. Marka lagu yidhaahdo, Rumeeya waxa Alle soo dejiyey (Qur’aanka), waxay yidhaahdaan: Waxaanu rumeysannahay waxa naloo soo dejiyey (Towraadda). Waxayna beeniyaan waxa la barbar ah (sida Qur’aanka), isagoo xaq ah rumeyn waxay haystaan (oo Kitaab ah). Dheh: Maxaad haddaba u disheen Anbiyadii Alle kal hore, haddaad tihiin mu’miniin?
અરબી તફસીરો:
۞ وَلَقَدۡ جَآءَكُم مُّوسَىٰ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ ثُمَّ ٱتَّخَذۡتُمُ ٱلۡعِجۡلَ مِنۢ بَعۡدِهِۦ وَأَنتُمۡ ظَٰلِمُونَ
92. Wuxuu dhab ahaan Muuse idiin la yimid xujooyin cad, markaasaad ka dhigateen dibi (ilaah ahaan) maqnaashahiisii, waxaadna tihiin daalimiin.
અરબી તફસીરો:
وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَكُمۡ وَرَفَعۡنَا فَوۡقَكُمُ ٱلطُّورَ خُذُواْ مَآ ءَاتَيۡنَٰكُم بِقُوَّةٖ وَٱسۡمَعُواْۖ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَعَصَيۡنَا وَأُشۡرِبُواْ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلۡعِجۡلَ بِكُفۡرِهِمۡۚ قُلۡ بِئۡسَمَا يَأۡمُرُكُم بِهِۦٓ إِيمَٰنُكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
93. (Xusuusta) markaan idinla galnay ballan, oo kor u qaadnay Buurta dushiinna: Xagsada waxaanu idin siinnay (Towraadda) si sugnaan leh oo ahaada daacad wax maqla. Waxay yidhaahdeen:Waan maqallay waana caasinnay. Waxaana laga waraabiyey Quluubtooda (jaceylkii) dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed. Dheh: Xumaa wuxuu iimaankiinnu idinku amro haddaad tihiin mu’miniin.
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ બકરહ
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો