કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - શોમાલી ભાષાતર - યાકુબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અબસ   આયત:

Suurada Cabasa

عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
1. (Wejiguu) kuduuday oo jeesaday (Nebiga s.c.w),
અરબી તફસીરો:
أَن جَآءَهُ ٱلۡأَعۡمَىٰ
2. Inuu u yimid indhoolihii1 darteed,
1. Waa Cabdullaah ibn Um Maktuum a.k.r.
અરબી તફસીરો:
وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ
3. Miyaad ogtahay (Nabiyow) waa intaasoo uu hanuuno oo daahir noqdo,
અરબી તફસીરો:
أَوۡ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكۡرَىٰٓ
4. Ama waansamo, oo waanadu anfacdo.
અરબી તફસીરો:
أَمَّا مَنِ ٱسۡتَغۡنَىٰ
5. Kan is deeqtoonsiiya (ee isla weyn),
અરબી તફસીરો:
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ
6. Miyaad adigu u bambixi,
અરબી તફસીરો:
وَمَا عَلَيۡكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
7. Eedna kaama saarna hadduusan hanuunin oo daahirin naftiisa,
અરબી તફસીરો:
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسۡعَىٰ
8. Kan se kuu yimid isagoo dadaalaya,
અરબી તફસીરો:
وَهُوَ يَخۡشَىٰ
9. Oo (Alle ka) baqa,
અરબી તફસીરો:
فَأَنتَ عَنۡهُ تَلَهَّىٰ
10. Miyaad adigu ka mashquuli.
અરબી તફસીરો:
كَلَّآ إِنَّهَا تَذۡكِرَةٞ
11. Mayee, Aayadahani waa waano.
અરબી તફસીરો:
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
12. Ee qofkii doona ha ku waano qaato.
અરબી તફસીરો:
فِي صُحُفٖ مُّكَرَّمَةٖ
13. Waxay ku sugan tahay (waanadan) kutub la sharfay (Looxa Maxfuudka).
અરબી તફસીરો:
مَّرۡفُوعَةٖ مُّطَهَّرَةِۭ
14. Kor ah, la dahiray.
અરબી તફસીરો:
بِأَيۡدِي سَفَرَةٖ
15. Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig).
અરબી તફસીરો:
كِرَامِۭ بَرَرَةٖ
16. Sharaf leh oo baariyaal ah.
અરબી તફસીરો:
قُتِلَ ٱلۡإِنسَٰنُ مَآ أَكۡفَرَهُۥ
17. Belo ha ku dhacdo aadmigee (waa kan gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay!
અરબી તફસીરો:
مِنۡ أَيِّ شَيۡءٍ خَلَقَهُۥ
18. Muxuu Alle ka abuuray?
અરબી તફસીરો:
مِن نُّطۡفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ
19. Mani yar buu ka abuuray wuuna ekeeyey.
અરબી તફસીરો:
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ
20. Markaas uga dhigay sahal dhabbaha (waa ka soo bixitaanka uurka hooyadi ama dhabbaha nolosha Ama jidka hanuunka);
અરબી તફસીરો:
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقۡبَرَهُۥ
21. Markaasuu sababaa inuu dhinto, oo qabri lagu aaso;
અરબી તફસીરો:
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ
22. Markuu doonana wuu soo bixin.
અરબી તફસીરો:
كَلَّا لَمَّا يَقۡضِ مَآ أَمَرَهُۥ
23. Mayee, ma uusan yeelin wuxuu amray.
અરબી તફસીરો:
فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ
24. Ee qofku bal ha eego cunnadiisa.
અરબી તફસીરો:
أَنَّا صَبَبۡنَا ٱلۡمَآءَ صَبّٗا
25. Annagaa soo shubna biyaha (roobka) soo shubid badan,
અરબી તફસીરો:
ثُمَّ شَقَقۡنَا ٱلۡأَرۡضَ شَقّٗا
26. Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin.
અરબી તફસીરો:
فَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا حَبّٗا
27. Oo ka soo bixinnaa hadhuudh,
અરબી તફસીરો:
وَعِنَبٗا وَقَضۡبٗا
28. Iyo cinab iyo naq.
અરબી તફસીરો:
وَزَيۡتُونٗا وَنَخۡلٗا
29. Iyo zaytuun iyo geedo timireed.
અરબી તફસીરો:
وَحَدَآئِقَ غُلۡبٗا
30. Iyo beero tanaad ah.
અરબી તફસીરો:
وَفَٰكِهَةٗ وَأَبّٗا
31. Iyo midho iyo caws.
અરબી તફસીરો:
مَّتَٰعٗا لَّكُمۡ وَلِأَنۡعَٰمِكُمۡ
32. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolihiinnuba.
અરબી તફસીરો:
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ
33. Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo (afuufka labaad ee Buunka).
અરબી તફસીરો:
يَوۡمَ يَفِرُّ ٱلۡمَرۡءُ مِنۡ أَخِيهِ
34. Maalinta uu qofku ka carari walaalki,
અરબી તફસીરો:
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ
35. Iyo hooyadi iyo aabbihi.
અરબી તફસીરો:
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ
36. Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa,
અરબી તફસીરો:
لِكُلِّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُمۡ يَوۡمَئِذٖ شَأۡنٞ يُغۡنِيهِ
37. Qof walba oo ka mid ah Maalinkaas waxaa heysan arrin ku filan.
અરબી તફસીરો:
وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٖ مُّسۡفِرَةٞ
38. Wejiyo (qaar) Maalinkaas way ifi.
અરબી તફસીરો:
ضَاحِكَةٞ مُّسۡتَبۡشِرَةٞ
39. Iyagoo qosli ku faraxsan (Jannada) loogu bishaareyey.
અરબી તફસીરો:
وَوُجُوهٞ يَوۡمَئِذٍ عَلَيۡهَا غَبَرَةٞ
40. Wejiyona Maalinkaas (Qiyaame) waxay ahaan kuwo booreysan dulli ka muuqdo;
અરબી તફસીરો:
تَرۡهَقُهَا قَتَرَةٌ
41. Mugdi baa dabooli (iyo naxdin).
અરબી તફસીરો:
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَفَرَةُ ٱلۡفَجَرَةُ
42. Kuwaasi waa kuwa ah gaalada, denbiilayaasha.
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અબસ
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - શોમાલી ભાષાતર - યાકુબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

શોમાલી ભાષામાં કુરઆન મજીદનું ભાષાતર ; તેનું ભાષાતર અબ્દુલ્લાહ હસન યાકુબે કર્યું

બંધ કરો