Check out the new design

Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub * - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Fassarar Ma'anoni Sura: Al'israa   Aya:
وَمَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلۡمُهۡتَدِۖ وَمَن يُضۡلِلۡ فَلَن تَجِدَ لَهُمۡ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِهِۦۖ وَنَحۡشُرُهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ عُمۡيٗا وَبُكۡمٗا وَصُمّٗاۖ مَّأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ كُلَّمَا خَبَتۡ زِدۡنَٰهُمۡ سَعِيرٗا
97. Qofkuu Alle hanuuniyo unbaa hanuunsan; qofkuu lumiyana - uma heleysid gargaare Alle sokadi, Waxaana soo kulmin Maalinta Qiyaamaha iyagoo wejiyada ku socda aan wax arkayn, oo hadlayn, oo wax maqlayn; hoygooduna waa Jahannama; mar kastoo ay nuxuusto, waxaan u kordhin huritaan.
Tafsiran larabci:
ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُم بِأَنَّهُمۡ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَقَالُوٓاْ أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمٗا وَرُفَٰتًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ خَلۡقٗا جَدِيدًا
98. Kaasi waa abaalkooda, waayo waxay rumeyn diideen Aayaadkayaga oo yidhaahdeen: Ma markaan noqonno lafo iyo boor carro ah miyaa markaa nala soo bixin innagoo abuur cusub ah?
Tafsiran larabci:
۞ أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ قَادِرٌ عَلَىٰٓ أَن يَخۡلُقَ مِثۡلَهُمۡ وَجَعَلَ لَهُمۡ أَجَلٗا لَّا رَيۡبَ فِيهِ فَأَبَى ٱلظَّٰلِمُونَ إِلَّا كُفُورٗا
99. Miyeyna ogeyn in Alle ee abuuray samooyinka iyo arlada uu awoodo inuu abuuro iyagoo kale, wuxuuna u yeelay muddo aan shaki lahayn. Wayse diideen daalimiinta waxaan ahayn xaq diiddo iyo gaalnimo.
Tafsiran larabci:
قُل لَّوۡ أَنتُمۡ تَمۡلِكُونَ خَزَآئِنَ رَحۡمَةِ رَبِّيٓ إِذٗا لَّأَمۡسَكۡتُمۡ خَشۡيَةَ ٱلۡإِنفَاقِۚ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ قَتُورٗا
100. Dheh: Haddaad hanataan khasnadaha Naxariista Rabbigay, markaas waad ceshan lahaydeen baqe aad ka qabtaan inaad bixisaan (oo idinka le'do maalka), aadmiguna waa dhabcaal (masuug badan qofuu Alle iimaan ku dhowro maahee).
Tafsiran larabci:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ تِسۡعَ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖۖ فَسۡـَٔلۡ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ إِذۡ جَآءَهُمۡ فَقَالَ لَهُۥ فِرۡعَوۡنُ إِنِّي لَأَظُنُّكَ يَٰمُوسَىٰ مَسۡحُورٗا
101. Waxaan dhab ahaan siinnay Muuse sagaal calaamadood oo cad cad26; ee weydii Ilmahii Israa’iil markuu u yimid oo Fircoon ku yidhi: Waxaan kuu malaynayaa Muusow inaad tahay mid sixran.
26. Sagaalka mucjisadood waxaa weeye: Usha maska noqon, gacanta ifeysa, abaar lagu salliday, ayax, injir lagu salliday, raha, duufaanta, kala dhanbalidda badda, iyo biyaha oo isu beddelaya dhiig.
Tafsiran larabci:
قَالَ لَقَدۡ عَلِمۡتَ مَآ أَنزَلَ هَٰٓؤُلَآءِ إِلَّا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ بَصَآئِرَ وَإِنِّي لَأَظُنُّكَ يَٰفِرۡعَوۡنُ مَثۡبُورٗا
102. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa ogtahay in aanay soo dejinin kuwani cidaan ahayn Rabbiga samooyinka iyo arlada xujooyin cad ahaan. Anna waxaan kuu maleyn Fircoonow inaad tahay mid loo qoray halaag.
Tafsiran larabci:
فَأَرَادَ أَن يَسۡتَفِزَّهُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ فَأَغۡرَقۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ جَمِيعٗا
103. Markaasuu doonay inuu ka fiijiyo arlada. waase harqinnay isaga iyo wixii la socday oo dhan.
Tafsiran larabci:
وَقُلۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ لِبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱسۡكُنُواْ ٱلۡأَرۡضَ فَإِذَا جَآءَ وَعۡدُ ٱلۡأٓخِرَةِ جِئۡنَا بِكُمۡ لَفِيفٗا
104. Waxaana ku nidhi Ilmihii Israa’iil (Fircoon) kadambow: Dega dhulka (Shaam - Falastiin), markase uu yimaado yabooha nolosha dambe (ee Qiyaamaha) inuu fulo. Waxaan idin keeni dhammaan (banka Qiyaamaha si la idiinla xisaabtamo).
Tafsiran larabci:
 
Fassarar Ma'anoni Sura: Al'israa
Teburin Jerin Sunayen Surori Lambar shafi
 
Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

Abdullahi Hassan Ya'aƙub ne ya fassarasu.

Rufewa