Check out the new design

Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub * - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Fassarar Ma'anoni Sura: Al'israa   Aya:
مَّن كَانَ يُرِيدُ ٱلۡعَاجِلَةَ عَجَّلۡنَا لَهُۥ فِيهَا مَا نَشَآءُ لِمَن نُّرِيدُ ثُمَّ جَعَلۡنَا لَهُۥ جَهَنَّمَ يَصۡلَىٰهَا مَذۡمُومٗا مَّدۡحُورٗا
18. Qofkii raba noloshatan dhaqso dhammaaneysa (adduunyada), Waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno. Markaas kaddib waxaan ka yeellaa mid gala Jahannama isagoo dulleysan oo dayro ah.
Tafsiran larabci:
وَمَنۡ أَرَادَ ٱلۡأٓخِرَةَ وَسَعَىٰ لَهَا سَعۡيَهَا وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ كَانَ سَعۡيُهُم مَّشۡكُورٗا
19. Qofkiise raba Aakhirada oo u dadaala dadaalkeeda lagu helayo oo mu’min ah, kuwaa dadaalkooda waa mid la tixgeliyo9.
9. Kuwa doonaya wanaagga, toosnaanta, u degdegidda ka toobid keenidda denbiyada iyo gefefka uu galay dacfiga aadmiga awgeed, Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu u ballan qaaday cafis iyo masaamax.
Tafsiran larabci:
كُلّٗا نُّمِدُّ هَٰٓؤُلَآءِ وَهَٰٓؤُلَآءِ مِنۡ عَطَآءِ رَبِّكَۚ وَمَا كَانَ عَطَآءُ رَبِّكَ مَحۡظُورًا
20. Dhammaan waan siinnaa deeq - kuwaan (doona adduun) iyo sidoo kale kuwaa (doona Aakhiro) - ka mid ah deeqda Rabbigaa. Mana aha deeqda Rabbigaa mid reebban.
Tafsiran larabci:
ٱنظُرۡ كَيۡفَ فَضَّلۡنَا بَعۡضَهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ وَلَلۡأٓخِرَةُ أَكۡبَرُ دَرَجَٰتٖ وَأَكۡبَرُ تَفۡضِيلٗا
21. Fiiri, sidaan uga fadilnay qaarkoodba qaar (adduunkan gudihi), Aakhirada baana lagu sii kala derejo weyn yahay oo lagu sii kala fadli badan yahay.
Tafsiran larabci:
لَّا تَجۡعَلۡ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَقۡعُدَ مَذۡمُومٗا مَّخۡذُولٗا
22. Ha u shariik yeelin Alle ilaah kale mid uu ahaadaba, si aadan u fadhiisan (cadaab dhexdi) adigoo dulleysan dacdarreysan deyro ah.
Tafsiran larabci:
۞ وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّآ إِيَّاهُ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنًاۚ إِمَّا يَبۡلُغَنَّ عِندَكَ ٱلۡكِبَرَ أَحَدُهُمَآ أَوۡ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَآ أُفّٖ وَلَا تَنۡهَرۡهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوۡلٗا كَرِيمٗا
23. Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darra ah haba ahaatee “uf”10, hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.
10: Waxaa la isu diiday in lagu yidhaahdo waalidka : "Uf aan la maqleyn ” marka wixii ka sii weyn oo qowl ama ficil ah ka daran oo ka denbi weyn, mana bannaana. Bal wuxuu Alle amray in la xurmeeyo oo la xaq dhowro oo si fiican loo xiriiriyo oo la wanaajiyo oo loogu adeego si farxad iyo laab furni leh. Uf waa muujin diiddo ama nac.
Tafsiran larabci:
وَٱخۡفِضۡ لَهُمَا جَنَاحَ ٱلذُّلِّ مِنَ ٱلرَّحۡمَةِ وَقُل رَّبِّ ٱرۡحَمۡهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرٗا
24. U raaricina ( waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar.
Tafsiran larabci:
رَّبُّكُمۡ أَعۡلَمُ بِمَا فِي نُفُوسِكُمۡۚ إِن تَكُونُواْ صَٰلِحِينَ فَإِنَّهُۥ كَانَ لِلۡأَوَّٰبِينَ غَفُورٗا
25. Rabbigiin baa dhab u ogsoon waxa ku jira nafahiinna. Haddaad wanaagsan tihiin, markaa hubaal, wuu u denbi dhaafaa kuwa toobad keenka badan.
Tafsiran larabci:
وَءَاتِ ذَا ٱلۡقُرۡبَىٰ حَقَّهُۥ وَٱلۡمِسۡكِينَ وَٱبۡنَ ٱلسَّبِيلِ وَلَا تُبَذِّرۡ تَبۡذِيرًا
26. Sii kan qaraabada ah (iyo deriska) xaqiisa iyo miskiinka iyo musaafirka (go’doonsan), hana ku bixinnina maalka wax xun oo dayac ah11.
11.Macnaha waa ha ku bixin wax xaaraan ah ama kuu caasiyoobid Alle.
Tafsiran larabci:
إِنَّ ٱلۡمُبَذِّرِينَ كَانُوٓاْ إِخۡوَٰنَ ٱلشَّيَٰطِينِۖ وَكَانَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لِرَبِّهِۦ كَفُورٗا
27. Kuwa dayaca ee wax xun ku bixiya maalka waa walaalaha shayaadiinta, Shay- daanna waa mid ka abaal dhaca Rabbigi.
Tafsiran larabci:
 
Fassarar Ma'anoni Sura: Al'israa
Teburin Jerin Sunayen Surori Lambar shafi
 
Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

Ya fassarata Abdullahi Hassan Ya'ƙub.

Rufewa