Check out the new design

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simoore roɓo   Aaya:
مَّن كَانَ يُرِيدُ ٱلۡعَاجِلَةَ عَجَّلۡنَا لَهُۥ فِيهَا مَا نَشَآءُ لِمَن نُّرِيدُ ثُمَّ جَعَلۡنَا لَهُۥ جَهَنَّمَ يَصۡلَىٰهَا مَذۡمُومٗا مَّدۡحُورٗا
18. Qofkii raba noloshatan dhaqso dhammaaneysa (adduunyada), Waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno. Markaas kaddib waxaan ka yeellaa mid gala Jahannama isagoo dulleysan oo dayro ah.
Faccirooji aarabeeji:
وَمَنۡ أَرَادَ ٱلۡأٓخِرَةَ وَسَعَىٰ لَهَا سَعۡيَهَا وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ كَانَ سَعۡيُهُم مَّشۡكُورٗا
19. Qofkiise raba Aakhirada oo u dadaala dadaalkeeda lagu helayo oo mu’min ah, kuwaa dadaalkooda waa mid la tixgeliyo9.
9. Kuwa doonaya wanaagga, toosnaanta, u degdegidda ka tawbad keenidda denbiyada iyo gefefka uu galay dacfiga aadmiga awgeed, Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu u ballan qaaday cafis iyo masaamax.
Faccirooji aarabeeji:
كُلّٗا نُّمِدُّ هَٰٓؤُلَآءِ وَهَٰٓؤُلَآءِ مِنۡ عَطَآءِ رَبِّكَۚ وَمَا كَانَ عَطَآءُ رَبِّكَ مَحۡظُورًا
20. Dhammaan waan siinnaa deeq - kuwaan (dooni adduun) iyo sidoo kale kuwaa (dooni Aakhiro) - ka mid ah deeqda Rabbigaa. Mana aha deeqda Rabbigaa mid reebban.
Faccirooji aarabeeji:
ٱنظُرۡ كَيۡفَ فَضَّلۡنَا بَعۡضَهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ وَلَلۡأٓخِرَةُ أَكۡبَرُ دَرَجَٰتٖ وَأَكۡبَرُ تَفۡضِيلٗا
21. Fiiri, sidaan uga fadilnay qaarkoodba qaar (adduunkan gudihi), Aakhirada baana lagu sii kala derejo weyn yahay oo lagu sii kala fadli badan yahay.
Faccirooji aarabeeji:
لَّا تَجۡعَلۡ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَقۡعُدَ مَذۡمُومٗا مَّخۡذُولٗا
22. Ha yeelin la jirka Alle ilaah kale, si aadan u fadhiisan (cadaab dhexdi) adigoo dulleysan deyro ah.
Faccirooji aarabeeji:
۞ وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّآ إِيَّاهُ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنًاۚ إِمَّا يَبۡلُغَنَّ عِندَكَ ٱلۡكِبَرَ أَحَدُهُمَآ أَوۡ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَآ أُفّٖ وَلَا تَنۡهَرۡهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوۡلٗا كَرِيمٗا
23. Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darra ah haba ahaatee “uf”10, hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.
10: Waxaa la isu diiday in lagu yidhaahdo waalidka : "Uf aan la maqleyn ” marka wixii ka sii weyn oo qowl ama ficil ah ka daran oo ka denbi weyn, mana bannaana. Bal wuxuu Alle amray in la xurmeeyo oo la xaq dhowro oo si fiican loo xiriiriyo oo la wanaajiyo oo loogu adeego si farxad iyo laab furni leh. Uf waa muujin diiddo ama nac.
Faccirooji aarabeeji:
وَٱخۡفِضۡ لَهُمَا جَنَاحَ ٱلذُّلِّ مِنَ ٱلرَّحۡمَةِ وَقُل رَّبِّ ٱرۡحَمۡهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرٗا
24. U raaricina ( waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar.
Faccirooji aarabeeji:
رَّبُّكُمۡ أَعۡلَمُ بِمَا فِي نُفُوسِكُمۡۚ إِن تَكُونُواْ صَٰلِحِينَ فَإِنَّهُۥ كَانَ لِلۡأَوَّٰبِينَ غَفُورٗا
25. Rabbigiin baa dhab u ogsoon waxa ku jira nafahiinna. Haddaad wanaagsan tihiin, markaa hubaal, wuu u denbi dhaafaa kuwa tawbad keenka badan.
Faccirooji aarabeeji:
وَءَاتِ ذَا ٱلۡقُرۡبَىٰ حَقَّهُۥ وَٱلۡمِسۡكِينَ وَٱبۡنَ ٱلسَّبِيلِ وَلَا تُبَذِّرۡ تَبۡذِيرًا
26. Sii kan qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo tub ku joogga (musaafirka go’doonsan), hana ku bixinnina maalka wax xun oo dayac ah11.
11.Macnaha waa ha ku bixin wax xaaraan ah ama kuu caasiyoobid Alle.
Faccirooji aarabeeji:
إِنَّ ٱلۡمُبَذِّرِينَ كَانُوٓاْ إِخۡوَٰنَ ٱلشَّيَٰطِينِۖ وَكَانَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لِرَبِّهِۦ كَفُورٗا
27. Kuwa dayaca ee wax xun ku bixiya maalka waa walaalaha shayaadiinta, Shay- daanna waa mid ka abaal dhaca Rabbigi.
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simoore roɓo
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Tippudi firooji ɗii

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddude