Check out the new design

Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub * - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Fassarar Ma'anoni Sura: Alhajj   Aya:

Alxajj

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمۡۚ إِنَّ زَلۡزَلَةَ ٱلسَّاعَةِ شَيۡءٌ عَظِيمٞ
1. Dadow! Iska jira (Ciqaabka) Rabbigiin! Hubaal, Gariirka Saacadda (Qiyaame) waa wax weyn oo daran.
Tafsiran larabci:
يَوۡمَ تَرَوۡنَهَا تَذۡهَلُ كُلُّ مُرۡضِعَةٍ عَمَّآ أَرۡضَعَتۡ وَتَضَعُ كُلُّ ذَاتِ حَمۡلٍ حَمۡلَهَا وَتَرَى ٱلنَّاسَ سُكَٰرَىٰ وَمَا هُم بِسُكَٰرَىٰ وَلَٰكِنَّ عَذَابَ ٱللَّهِ شَدِيدٞ
2. Maalintaad arki haweeney kastoo ilmo nuujinaysa iyadoo ka tegi ilmahay naaska nuujinaysay, oo haweeney walboo uur leh dhicin waxay uurka ku siddo, waxaadna arki dadka oo (ah sida kuwo) sakhraansan, mana aha kuwo sakhraansan, Cadaabka Alle baase ah mid Daran.
Tafsiran larabci:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِي ٱللَّهِ بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَيَتَّبِعُ كُلَّ شَيۡطَٰنٖ مَّرِيدٖ
3. Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle cilmi la’aan, raacana Shaydaan kastoo madax adag.
Tafsiran larabci:
كُتِبَ عَلَيۡهِ أَنَّهُۥ مَن تَوَلَّاهُ فَأَنَّهُۥ يُضِلُّهُۥ وَيَهۡدِيهِ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ
4. Waxaa loo qoray in qofkii raaca (sheydaan) oo saaxiib ka yeesha inuu lumiyo oo ku hago cadaabka hurka badan.
Tafsiran larabci:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِي رَيۡبٖ مِّنَ ٱلۡبَعۡثِ فَإِنَّا خَلَقۡنَٰكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٖ ثُمَّ مِن مُّضۡغَةٖ مُّخَلَّقَةٖ وَغَيۡرِ مُخَلَّقَةٖ لِّنُبَيِّنَ لَكُمۡۚ وَنُقِرُّ فِي ٱلۡأَرۡحَامِ مَا نَشَآءُ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى ثُمَّ نُخۡرِجُكُمۡ طِفۡلٗا ثُمَّ لِتَبۡلُغُوٓاْ أَشُدَّكُمۡۖ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرۡذَلِ ٱلۡعُمُرِ لِكَيۡلَا يَعۡلَمَ مِنۢ بَعۡدِ عِلۡمٖ شَيۡـٔٗاۚ وَتَرَى ٱلۡأَرۡضَ هَامِدَةٗ فَإِذَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهَا ٱلۡمَآءَ ٱهۡتَزَّتۡ وَرَبَتۡ وَأَنۢبَتَتۡ مِن كُلِّ زَوۡجِۭ بَهِيجٖ
5. Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan soo bixinta (iilka layska soo saari), Waxaanu idinka abuurnay carro, haddana dhibic mani ah, haddana xinjir, haddana
cad hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Waxaana ku sugnaa ilmo galeennada waxaan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, si aad u gaartaan xooggiina. Waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), waxaana idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Waxaadna arkaysaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo dejinno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh.
Tafsiran larabci:
 
Fassarar Ma'anoni Sura: Alhajj
Teburin Jerin Sunayen Surori Lambar shafi
 
Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

Abdullahi Hassan Ya'aƙub ne ya fassarasu.

Rufewa