Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐጅ   አንቀጽ:

Alxajj

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمۡۚ إِنَّ زَلۡزَلَةَ ٱلسَّاعَةِ شَيۡءٌ عَظِيمٞ
1. Dadow! Iska jira (Ciqaabka) Rabbigiin! Hubaal, Gariirka Saacadda (Qiyaame) waa wax weyn oo daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ تَرَوۡنَهَا تَذۡهَلُ كُلُّ مُرۡضِعَةٍ عَمَّآ أَرۡضَعَتۡ وَتَضَعُ كُلُّ ذَاتِ حَمۡلٍ حَمۡلَهَا وَتَرَى ٱلنَّاسَ سُكَٰرَىٰ وَمَا هُم بِسُكَٰرَىٰ وَلَٰكِنَّ عَذَابَ ٱللَّهِ شَدِيدٞ
2. Maalintaad arki haweeney kastoo ilmo nuujinaysa iyadoo ka tegi ilmahay naaska nuujinaysay, oo haweeney walboo uur leh dhicin waxay uurka ku siddo, waxaadna arki dadka oo (ah sida kuwo) sakhraansan, mana aha kuwo sakhraansan, Cadaabka Alle baase ah mid Daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِي ٱللَّهِ بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَيَتَّبِعُ كُلَّ شَيۡطَٰنٖ مَّرِيدٖ
3. Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle cilmi la’aan, raacana Shaydaan kastoo madax adag.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كُتِبَ عَلَيۡهِ أَنَّهُۥ مَن تَوَلَّاهُ فَأَنَّهُۥ يُضِلُّهُۥ وَيَهۡدِيهِ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ
4. Waxaa loo qoray in qofkii raaca oo tala saarta (sheydaan) inuu lumiyo oo ku hago cadaabka hurka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِي رَيۡبٖ مِّنَ ٱلۡبَعۡثِ فَإِنَّا خَلَقۡنَٰكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٖ ثُمَّ مِن مُّضۡغَةٖ مُّخَلَّقَةٖ وَغَيۡرِ مُخَلَّقَةٖ لِّنُبَيِّنَ لَكُمۡۚ وَنُقِرُّ فِي ٱلۡأَرۡحَامِ مَا نَشَآءُ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى ثُمَّ نُخۡرِجُكُمۡ طِفۡلٗا ثُمَّ لِتَبۡلُغُوٓاْ أَشُدَّكُمۡۖ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرۡذَلِ ٱلۡعُمُرِ لِكَيۡلَا يَعۡلَمَ مِنۢ بَعۡدِ عِلۡمٖ شَيۡـٔٗاۚ وَتَرَى ٱلۡأَرۡضَ هَامِدَةٗ فَإِذَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهَا ٱلۡمَآءَ ٱهۡتَزَّتۡ وَرَبَتۡ وَأَنۢبَتَتۡ مِن كُلِّ زَوۡجِۭ بَهِيجٖ
5. Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan soo bixinta (iilka layska soo saari), Waxaanu idinka abuurnay carro, haddana mani dhibic biyo ah, haddana xinjir, haddana
cad hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Waxaana ku sugnaa ilmo galeennada waxaan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, si aad u gaartaan xooggiina. Waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), waxaana idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Waxaadna aragtaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo dejinno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐጅ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት