Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐጅ   አንቀጽ:
وَهُدُوٓاْ إِلَى ٱلطَّيِّبِ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ وَهُدُوٓاْ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡحَمِيدِ
24. Waxaa lagu hanuuniyaa hadalka kiisa wanaagsan, waxaana lagu hanuuniyaa Jidka la mahdiyo (waa Islaamka ee lagu galo Jannada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ ٱلَّذِي جَعَلۡنَٰهُ لِلنَّاسِ سَوَآءً ٱلۡعَٰكِفُ فِيهِ وَٱلۡبَادِۚ وَمَن يُرِدۡ فِيهِ بِإِلۡحَادِۭ بِظُلۡمٖ نُّذِقۡهُ مِنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ
25. Hubaal, kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle iyo Masjidka Xaramka oo aan ka yeelnay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda5 iyo soo booqdahaba. Qofkii u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin cadaab xanuun badan.
5. Ama ha joogo markaa xuduuddeeda gudaheeda ama ha ka soo damco meel fog oo ka baxsan xuduuddeeda inuu ku sameeyo xumaan gudaheeda. Xaramku waa kaga duwan yahay arrinkan meelaha kale oo dhan, doonis keliya inuu qofku xumaan ku sameeyo (ama ha falo amase yuusan falin) ku filan inay u keento ciqaabka Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ بَوَّأۡنَا لِإِبۡرَٰهِيمَ مَكَانَ ٱلۡبَيۡتِ أَن لَّا تُشۡرِكۡ بِي شَيۡـٔٗا وَطَهِّرۡ بَيۡتِيَ لِلطَّآئِفِينَ وَٱلۡقَآئِمِينَ وَٱلرُّكَّعِ ٱلسُّجُودِ
26. (Xus, Nabi Muxammadow) markaan u cayinnay Ibraahiim halka Beytka (Kacbada), Annagoo leh: “Alle ha la wadaajin (cibaadada) waxba oo ha u shariig yeelin, una daahiri Baytkayga (Kacbada) kuwa dawaafi iyo kuwa u istaagi inay ku tukadaan iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَذِّن فِي ٱلنَّاسِ بِٱلۡحَجِّ يَأۡتُوكَ رِجَالٗا وَعَلَىٰ كُلِّ ضَامِرٖ يَأۡتِينَ مِن كُلِّ فَجٍّ عَمِيقٖ
27. Ogeysiina dadka Xajka, waxay kuugu imaan lug iyo iyagoo fuushan rukuub kasta (oo munaasib ah), waxay ka imaan tub kasta oo fog.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّيَشۡهَدُواْ مَنَٰفِعَ لَهُمۡ وَيَذۡكُرُواْ ٱسۡمَ ٱللَّهِ فِيٓ أَيَّامٖ مَّعۡلُومَٰتٍ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُم مِّنۢ بَهِيمَةِ ٱلۡأَنۡعَٰمِۖ فَكُلُواْ مِنۡهَا وَأَطۡعِمُواْ ٱلۡبَآئِسَ ٱلۡفَقِيرَ
28. Inay goob joogaan ka ahaadaan (u yimaadaan) waxyaalo manaafacaad u leh darteed, oo ay ugu xusaan Magaca Alle maalmo la yaqaan6 wuxuu siiyey oo xoolaha nicmooleyda ah, ee wax ka cuna, waxna ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka.
6. Waa maalinta ciidda Carrafo iyo maalmaha tashriiqa ( hilba waradka) waa maalmaha 11, 12, 13 bisha Dul Xijjah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ لۡيَقۡضُواْ تَفَثَهُمۡ وَلۡيُوفُواْ نُذُورَهُمۡ وَلۡيَطَّوَّفُواْ بِٱلۡبَيۡتِ ٱلۡعَتِيقِ
29. Markaas ha dhammeeyaan basaastooda7, hana oofiyeen nidarraooda, oo ha ku dawaafeen Baytka horreeyey (Kacbada).
7. Waxaa loola jeedaa ha dhammeeyaan basaastooda halkan howlaha ay u baahan yihiin ee leh xiiridda timaha, jaridda ciddiyaha, is nadiifinta, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَۖ وَمَن يُعَظِّمۡ حُرُمَٰتِ ٱللَّهِ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّهُۥ عِندَ رَبِّهِۦۗ وَأُحِلَّتۡ لَكُمُ ٱلۡأَنۡعَٰمُ إِلَّا مَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡۖ فَٱجۡتَنِبُواْ ٱلرِّجۡسَ مِنَ ٱلۡأَوۡثَٰنِ وَٱجۡتَنِبُواْ قَوۡلَ ٱلزُّورِ
30. Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle caagay8, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo (oo laga soo reebay)9 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.
8. Xurumaat ee ku soo arooray Aayadda waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda gaarka ah leh waa: Muxarram, Rajab, Dul Qicdah, iyo Dul Xijjah, waxyaalaha la reebay gaar ahaan bilahaas iyo guud ahaan bilaha oo dhanba. Waxaa sidoo kale loola jeedaa dhulka Xaramka ee ka caaggan in xitaa la damco in xumo lagu falo, waa Kacbada, maqaamu Ibraahiim, xuduudda Xaramka, iwm. Eeg Suuradda 2 Al-Baqara , Aayadda 191.
9. Eeg Suuradda 5: Aayadda 3.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐጅ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት