Check out the new design

Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob * - Indise ng mga Salin

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-Hajj   Ayah:
وَهُدُوٓاْ إِلَى ٱلطَّيِّبِ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ وَهُدُوٓاْ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡحَمِيدِ
24. Waxaana lagu hanuuniyaa hadalka kiisa wanaagsan, waxaana lagu hanuuniyaa Jidka la mahdiyo (Islaamka ee lagu galo Jannada).
Ang mga Tafsir na Arabe:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ ٱلَّذِي جَعَلۡنَٰهُ لِلنَّاسِ سَوَآءً ٱلۡعَٰكِفُ فِيهِ وَٱلۡبَادِۚ وَمَن يُرِدۡ فِيهِ بِإِلۡحَادِۭ بِظُلۡمٖ نُّذِقۡهُ مِنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ
25. Hubaal kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle iyo Masjidka Xaramka oo aan ka yeelnay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda5 iyo soo booqdahaba. Qofkii u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin cadaab xanuun badan.
5. Ama ha joogo markaa xuduuddeeda gudaheeda ama ha ka soo damco meel fog oo ka baxsan xuduuddeeda inuu ku sameeyo xumaan gudaheeda. Xaramku waa kaga duwan yahay arrinkan meelaha kale oo dhan, doonis keliya inuu qofku xumaan ku sameeyo (ama ha falo amase yuusan falin) ku filan inay u keento ciqaabka Alle.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَإِذۡ بَوَّأۡنَا لِإِبۡرَٰهِيمَ مَكَانَ ٱلۡبَيۡتِ أَن لَّا تُشۡرِكۡ بِي شَيۡـٔٗا وَطَهِّرۡ بَيۡتِيَ لِلطَّآئِفِينَ وَٱلۡقَآئِمِينَ وَٱلرُّكَّعِ ٱلسُّجُودِ
26. (Xus, Nabi Muxammadow) markaan u cayinnay Ibraahiim halka Beytka (Kacbada), Annagoo leh: “Alle ha la wadaajin (cibaadada) waxba oo ha u shariig yeelin, una daahiri Baytkayga (Kacbada) kuwa dawaafi iyo kuwa u istaagi inay ku tukadaan iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَأَذِّن فِي ٱلنَّاسِ بِٱلۡحَجِّ يَأۡتُوكَ رِجَالٗا وَعَلَىٰ كُلِّ ضَامِرٖ يَأۡتِينَ مِن كُلِّ فَجٍّ عَمِيقٖ
27. Ogeysiina dadka Xajka, waxay kuugu imaan lug iyo iyagoo fuushan rukuub kasta (oo munaasib ah), waxay ka imaan tub kasta oo fog.
Ang mga Tafsir na Arabe:
لِّيَشۡهَدُواْ مَنَٰفِعَ لَهُمۡ وَيَذۡكُرُواْ ٱسۡمَ ٱللَّهِ فِيٓ أَيَّامٖ مَّعۡلُومَٰتٍ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُم مِّنۢ بَهِيمَةِ ٱلۡأَنۡعَٰمِۖ فَكُلُواْ مِنۡهَا وَأَطۡعِمُواْ ٱلۡبَآئِسَ ٱلۡفَقِيرَ
28. Inay joogaan (u yimaadaan) waxyaalo manaafacaad u leh darteed, oo ay ugu xusaan Magaca Alle maalmo la yaqaan6 wuxuu siiyey oo xoolaha nicmooleyda ah, ee wax ka cuna, waxna ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka.
6. Waa maalinta ciidda Carrafo iyo maalmaha tashriiqa ( hilba waradka) waa maalmaha 11, 12, 13 bisha Dul Xijjah.
Ang mga Tafsir na Arabe:
ثُمَّ لۡيَقۡضُواْ تَفَثَهُمۡ وَلۡيُوفُواْ نُذُورَهُمۡ وَلۡيَطَّوَّفُواْ بِٱلۡبَيۡتِ ٱلۡعَتِيقِ
29. Markaas ha dhammeeyaan basaastooda7, hana oofiyeen nadarkooda, oo ha ku dawaafeen Baytka horreeyey (Kacbada).
7. Waxaa loola jeedaa ha dhammeeyaan basaastooda halkan howlaha ay u baahan yihiin ee leh xiiridda timaha, jaridda ciddiyaha, is nadiifinta, iwm.
Ang mga Tafsir na Arabe:
ذَٰلِكَۖ وَمَن يُعَظِّمۡ حُرُمَٰتِ ٱللَّهِ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّهُۥ عِندَ رَبِّهِۦۗ وَأُحِلَّتۡ لَكُمُ ٱلۡأَنۡعَٰمُ إِلَّا مَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡۖ فَٱجۡتَنِبُواْ ٱلرِّجۡسَ مِنَ ٱلۡأَوۡثَٰنِ وَٱجۡتَنِبُواْ قَوۡلَ ٱلزُّورِ
30. Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle caagay8, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo (oo laga soo reebay)9 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.
8. Xurumaat ee ku soo arooray Aayadda waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda gaarka ah leh waa: Muxarram, Rajab, Dul Qicdah, iyo Dul Xijjah, waxyaalaha la reebay gaar ahaan bilahaas iyo guud ahaan bilaha oo dhanba. Waxaa sidoo kale loola jeedaa dhulka Xaramka ee ka caaggan in xitaa la damco in xumo lagu falo, waa Kacbada, maqaamu Ibraahiim, xuduudda Xaramka, iwm. Eeg Suuradda 2 Al-Baqara , Aayadda 191.
9. Eeg Suuradda 5: Aayadda 3.
Ang mga Tafsir na Arabe:
 
Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-Hajj
Indise ng mga Surah Numero ng Pahina
 
Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob - Indise ng mga Salin

Isinalin ito ni Abdullah Hasan Yakub.

Isara