Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐጅ   አንቀጽ:
أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَٰتَلُونَ بِأَنَّهُمۡ ظُلِمُواْۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ نَصۡرِهِمۡ لَقَدِيرٌ
39. Waxaa loo idmay kuwa lala dagaallami (inay dagaallamaan)15 waayo waa la dulmiyey, Allena wuu Karaa inuu guul siiyo.
15. Waxaa loola jeedaa halkan asxaabtii Nabiga s.c.w.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ أُخۡرِجُواْ مِن دِيَٰرِهِم بِغَيۡرِ حَقٍّ إِلَّآ أَن يَقُولُواْ رَبُّنَا ٱللَّهُۗ وَلَوۡلَا دَفۡعُ ٱللَّهِ ٱلنَّاسَ بَعۡضَهُم بِبَعۡضٖ لَّهُدِّمَتۡ صَوَٰمِعُ وَبِيَعٞ وَصَلَوَٰتٞ وَمَسَٰجِدُ يُذۡكَرُ فِيهَا ٱسۡمُ ٱللَّهِ كَثِيرٗاۗ وَلَيَنصُرَنَّ ٱللَّهُ مَن يَنصُرُهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَقَوِيٌّ عَزِيزٌ
40. Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro iyagoon waxba geysan, inay yidhaahdeen maahee: Rabbigayo waa Allaah.” Haddayna jirin ku difaacidda Alle dadka qaarkoodba qaar, waxaa la dumin lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, iyo masaajid gudahooda Magaca Alle in badan lagu xuso. Alle wuu u gargaari kuwa u gargaara (Diintiisa), hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ إِن مَّكَّنَّٰهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ أَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُاْ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَمَرُواْ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَنَهَوۡاْ عَنِ ٱلۡمُنكَرِۗ وَلِلَّهِ عَٰقِبَةُ ٱلۡأُمُورِ
41. Kuwa haddaan ku siinno awood arlada, ooga salaadda, bixiya Zakada, oo amra wanaagga, oo reeba xumaha. Alle baana ka taliya aayaha arrimaha oo idil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدۡ كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَعَادٞ وَثَمُودُ
42. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), waxaa hortood beeniyey qolodii Nuux, Caad, iyo Thamuud,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَوۡمُ إِبۡرَٰهِيمَ وَقَوۡمُ لُوطٖ
43. Iyo qolodii Ibraahiim iyo qolodii Luud,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَصۡحَٰبُ مَدۡيَنَۖ وَكُذِّبَ مُوسَىٰۖ فَأَمۡلَيۡتُ لِلۡكَٰفِرِينَ ثُمَّ أَخَذۡتُهُمۡۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ
44. Iyo reer Madyan, Muusena (sidoo kale) waa la beeniyey, markaasaan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna qabtay, ee sidee ahaa Ciqaabkeygii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَا وَهِيَ ظَالِمَةٞ فَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَبِئۡرٖ مُّعَطَّلَةٖ وَقَصۡرٖ مَّشِيدٍ
45. Badanaa inta magaalo aan halaagnay iyadoo dulmi fali, sidaa darteed iyadu ku dambeysay burbur (ilaa iyo maanta),
badanaana inta ceel laga qaxay iyo daaro waaweyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَتَكُونَ لَهُمۡ قُلُوبٞ يَعۡقِلُونَ بِهَآ أَوۡ ءَاذَانٞ يَسۡمَعُونَ بِهَاۖ فَإِنَّهَا لَا تَعۡمَى ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَلَٰكِن تَعۡمَى ٱلۡقُلُوبُ ٱلَّتِي فِي ٱلصُّدُورِ
46. Miyeyna marin dhulka, si ay u yeeshaan qalbiyo ay wax ku gartaan ama dhego ay wax ku maqlaan? Hubaal, Ma aha indha beel isha oo arag beesha, ee indha beelka dhabta ah waa arag beelka quluubta ku jira laabaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐጅ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት