Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub

Lambar shafi: 369:367 close

external-link copy
61 : 26

فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلۡجَمۡعَانِ قَالَ أَصۡحَٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدۡرَكُونَ

61. Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Xaqiiq, waa nala haleelay”. info
التفاسير:

external-link copy
62 : 26

قَالَ كَلَّآۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهۡدِينِ

62. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo. info
التفاسير:

external-link copy
63 : 26

فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضۡرِب بِّعَصَاكَ ٱلۡبَحۡرَۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرۡقٖ كَٱلطَّوۡدِ ٱلۡعَظِيمِ

63. Markaasaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaasay kala dhanbalantay oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn. info
التفاسير:

external-link copy
64 : 26

وَأَزۡلَفۡنَا ثَمَّ ٱلۡأٓخَرِينَ

64. Waxaana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon). info
التفاسير:

external-link copy
65 : 26

وَأَنجَيۡنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ

65. Waxaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay dhammaan. info
التفاسير:

external-link copy
66 : 26

ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ

66. Kaddib waxaan harqinnay kuwii kale (Fircoon iyo qolodiisii). info
التفاسير:

external-link copy
67 : 26

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ

67. Hubaal, Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn. info
التفاسير:

external-link copy
68 : 26

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

68. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan. info
التفاسير:

external-link copy
69 : 26

وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ إِبۡرَٰهِيمَ

69. Oo u akhri qisadii Ibraahiim. info
التفاسير:

external-link copy
70 : 26

إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا تَعۡبُدُونَ

70. Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Waa maxay waxaad caabudaysaan? info
التفاسير:

external-link copy
71 : 26

قَالُواْ نَعۡبُدُ أَصۡنَامٗا فَنَظَلُّ لَهَا عَٰكِفِينَ

71. Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budi asnaam, oo ag yuruursan (fadhin). info
التفاسير:

external-link copy
72 : 26

قَالَ هَلۡ يَسۡمَعُونَكُمۡ إِذۡ تَدۡعُونَ

72. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?. info
التفاسير:

external-link copy
73 : 26

أَوۡ يَنفَعُونَكُمۡ أَوۡ يَضُرُّونَ

73. Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan? info
التفاسير:

external-link copy
74 : 26

قَالُواْ بَلۡ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ

74. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya. info
التفاسير:

external-link copy
75 : 26

قَالَ أَفَرَءَيۡتُم مَّا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ

75. Wuxuu yidhi: Bal ka warrama waxaad caabudeysaan - info
التفاسير:

external-link copy
76 : 26

أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلۡأَقۡدَمُونَ

76. “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?- info
التفاسير:

external-link copy
77 : 26

فَإِنَّهُمۡ عَدُوّٞ لِّيٓ إِلَّا رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

77.Iyagu waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka [5]. info

[5]. Waayo dadkaasi waxay caabudayeen sannamo la jirka Alle, marka wuxuu Ibraahiim u sheegay inuu barii ka yahay dhammaan waxay caabudaan marka laga soo reebo Alle, Rabbiga uumanka, waan jeclahay Isaga.

التفاسير:

external-link copy
78 : 26

ٱلَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهۡدِينِ

78. “(Alle), ee i abuuray, ahna Kan i hanuunsha. info
التفاسير:

external-link copy
79 : 26

وَٱلَّذِي هُوَ يُطۡعِمُنِي وَيَسۡقِينِ

79. Ee ah Kan I quudiya oo i waraabsha. info
التفاسير:

external-link copy
80 : 26

وَإِذَا مَرِضۡتُ فَهُوَ يَشۡفِينِ

80. Markaan bukoodo, Isagaa (Alle) I bogsiya. info
التفاسير:

external-link copy
81 : 26

وَٱلَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحۡيِينِ

81. Waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale); info
التفاسير:

external-link copy
82 : 26

وَٱلَّذِيٓ أَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لِي خَطِيٓـَٔتِي يَوۡمَ ٱلدِّينِ

82. Waana Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta'Qiyaame'. info
التفاسير:

external-link copy
83 : 26

رَبِّ هَبۡ لِي حُكۡمٗا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ

83. Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan. info
التفاسير: