Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub

Lambar shafi:close

external-link copy
184 : 26

وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلۡجِبِلَّةَ ٱلۡأَوَّلِينَ

184. Oo ka cabsada (Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba. info
التفاسير:

external-link copy
185 : 26

قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ

185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran [12]. info

[12]. Waa haddii loo akhriyo “ minal mussaxariin” waxaa sidoo kale loo akhiryaa akhrin kale “ minal mussaxiriin” markaas mancaha waa kuwa wax sixra.

التفاسير:

external-link copy
186 : 26

وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ

186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada. info
التفاسير:

external-link copy
187 : 26

فَأَسۡقِطۡ عَلَيۡنَا كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ

187. Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi. info
التفاسير:

external-link copy
188 : 26

قَالَ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ

188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan. info
التفاسير:

external-link copy
189 : 26

فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمِ ٱلظُّلَّةِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ

189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran. info
التفاسير:

external-link copy
190 : 26

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ

190. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn. info
التفاسير:

external-link copy
191 : 26

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan. info
التفاسير:

external-link copy
192 : 26

وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka. info
التفاسير:

external-link copy
193 : 26

نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ

193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) . info
التفاسير:

external-link copy
194 : 26

عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ

194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
195 : 26

بِلِسَانٍ عَرَبِيّٖ مُّبِينٖ

195. Isagoo af Carabi faseex ah. info
التفاسير:

external-link copy
196 : 26

وَإِنَّهُۥ لَفِي زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ

196. Wuxuuna xaqiiq ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka). info
التفاسير:

external-link copy
197 : 26

أَوَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ ءَايَةً أَن يَعۡلَمَهُۥ عُلَمَٰٓؤُاْ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ

197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii reer Israa'iil ogaayeen? info
التفاسير:

external-link copy
198 : 26

وَلَوۡ نَزَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ بَعۡضِ ٱلۡأَعۡجَمِينَ

198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood [13]. info

[13]. Macnaha waa aan ku soo dejin lahayn Qur’aanka cid kale aan Carab ahayn, ama si fiican u aqoon afka Carabiga oo aan faseex ahayn.

التفاسير:

external-link copy
199 : 26

فَقَرَأَهُۥ عَلَيۡهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ مُؤۡمِنِينَ

199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray [14]. info

[14]. Mucjiso ahaan xagga Alle.

التفاسير:

external-link copy
200 : 26

كَذَٰلِكَ سَلَكۡنَٰهُ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

200. Sidaasaan u galinnaa 'diiddada Xaqa' quluubta denbiilayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
201 : 26

لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ

201. Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan. info
التفاسير:

external-link copy
202 : 26

فَيَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ

202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn. info
التفاسير:

external-link copy
203 : 26

فَيَقُولُواْ هَلۡ نَحۡنُ مُنظَرُونَ

203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)? info
التفاسير:

external-link copy
204 : 26

أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ

204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan? info
التفاسير:

external-link copy
205 : 26

أَفَرَءَيۡتَ إِن مَّتَّعۡنَٰهُمۡ سِنِينَ

205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin. info
التفاسير:

external-link copy
206 : 26

ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُواْ يُوعَدُونَ

206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo. info
التفاسير: