Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ   አንቀጽ:
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلۡجِبِلَّةَ ٱلۡأَوَّلِينَ
184. Ee iska jira (ciqaabka Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ
185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran12.
12. Waa haddii loo akhriyo “ minal mussaxariin” waxaa sidoo kale loo akhiryaa akhrin kale “ minal mussaxiriin” markaas mancaha waa kuwa wax sixra.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَسۡقِطۡ عَلَيۡنَا كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
187. Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ
188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمِ ٱلظُّلَّةِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ
189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
190. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ
193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ
194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بِلِسَانٍ عَرَبِيّٖ مُّبِينٖ
195. Isagoo af Carabi faseex ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّهُۥ لَفِي زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ
196. Wuxuuna ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka baa lagu sheegay).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ ءَايَةً أَن يَعۡلَمَهُۥ عُلَمَٰٓؤُاْ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ogaayeen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ نَزَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ بَعۡضِ ٱلۡأَعۡجَمِينَ
198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood13.
13. Macnaha waa aan ku soo dejin lahayn Qur’aanka cid kale aan Carab ahayn, ama si fiican u aqoon afka Carabiga oo aan faseex ahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقَرَأَهُۥ عَلَيۡهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ مُؤۡمِنِينَ
199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray14.
14. Mucjiso ahaan xagga Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَ سَلَكۡنَٰهُ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
200. Sidaasaan u galinnaa diiddada Xaqa quluubta dadka xun ee denbiilayaasha ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
201. Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَيَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَيَقُولُواْ هَلۡ نَحۡنُ مُنظَرُونَ
203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ
204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَرَءَيۡتَ إِن مَّتَّعۡنَٰهُمۡ سِنِينَ
205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُواْ يُوعَدُونَ
206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት