Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን ነምል   አንቀጽ:

An-naml

طسٓۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡقُرۡءَانِ وَكِتَابٖ مُّبِينٍ
1. Daa Siin1
Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka oo Kitaab cad ah.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
2. U ah hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ
3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo bixiya Sakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمۡ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَهُمۡ يَعۡمَهُونَ
4. Kuwaanse rumeyn Aakhirada, waxaan u qurxinnay acmaashooda (xun), waana ku jaha wareersan yihiin habowgooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَهُمۡ سُوٓءُ ٱلۡعَذَابِ وَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡأَخۡسَرُونَ
5. Kuwaa waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan), Aakhirana iyaga uun baa ugu khasaare badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى ٱلۡقُرۡءَانَ مِن لَّدُنۡ حَكِيمٍ عَلِيمٍ
6. Wuxuu adigu (Rasuul Allow) kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Mid Xakiim ah, wax kasta Ogsoon (Allaah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهۡلِهِۦٓ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا سَـَٔاتِيكُم مِّنۡهَا بِخَبَرٍ أَوۡ ءَاتِيكُم بِشِهَابٖ قَبَسٖ لَّعَلَّكُمۡ تَصۡطَلُونَ
7. (Xus) markuu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war (waddada loo maro Masar) ama waxaan idiinka keeni dhimbilo dab ah inaad kulaashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَهَا نُودِيَ أَنۢ بُورِكَ مَن فِي ٱلنَّارِ وَمَنۡ حَوۡلَهَا وَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
8. Markiise uu yimid, cod baa dhawaaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dabka agti ah iyo waxa hareera joogaba, xurmona waxaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Allaah, Rabbiga uumanka oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّهُۥٓ أَنَا ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
9. “Muusow! Waa Aniga Allaah, Adkaadaha Sare, Xikmadda Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَلۡقِ عَصَاكَۚ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهۡتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنّٞ وَلَّىٰ مُدۡبِرٗا وَلَمۡ يُعَقِّبۡۚ يَٰمُوسَىٰ لَا تَخَفۡ إِنِّي لَا يَخَافُ لَدَيَّ ٱلۡمُرۡسَلُونَ
10. “Oo tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dibna umuu soo jaleecin. Muusow! Ha cabsan, kuma cabsadaan agtayda Rusushu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسۡنَۢا بَعۡدَ سُوٓءٖ فَإِنِّي غَفُورٞ رَّحِيمٞ
11. Ciddiise dulma fasha markaas wanaag ku beddesha xumaan kaddib, Anigu waxaan ahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَدۡخِلۡ يَدَكَ فِي جَيۡبِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٖۖ فِي تِسۡعِ ءَايَٰتٍ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَقَوۡمِهِۦٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
12. Gali gacantaada goshaada, waxay soo bixi durbaba caddaan (baras iyo) cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamadood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo qolodiisa. Xaqiiq, waa qolo fallaago 'caasiyaal' ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَتۡهُمۡ ءَايَٰتُنَا مُبۡصِرَةٗ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٞ
13. Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen (Fircoon iyo qolodiisii), waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَحَدُواْ بِهَا وَٱسۡتَيۡقَنَتۡهَآ أَنفُسُهُمۡ ظُلۡمٗا وَعُلُوّٗاۚ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
14. Way dafireen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii xume 'iyo fasahaad' wadeenka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ عِلۡمٗاۖ وَقَالَا ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٖ مِّنۡ عِبَادِهِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
15. Waxaan dhab ahaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi. Waxay yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga faddilay in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوَرِثَ سُلَيۡمَٰنُ دَاوُۥدَۖ وَقَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمۡنَا مَنطِقَ ٱلطَّيۡرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيۡءٍۖ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡمُبِينُ
16. Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba2. Hubaal, kani waa Fadli 'Alle baxsho' oo cad.
2. Nabi Sulaymaan c.s. waxaa la siiyey Nabinnimada iyo Boqortooyada kaddib aabbihi Nabi Daawuud c.s.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَحُشِرَ لِسُلَيۡمَٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ وَٱلطَّيۡرِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ
17. Waxaa loo soo kulmiyey Sulaymaan askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَوۡاْ عَلَىٰ وَادِ ٱلنَّمۡلِ قَالَتۡ نَمۡلَةٞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّمۡلُ ٱدۡخُلُواْ مَسَٰكِنَكُمۡ لَا يَحۡطِمَنَّكُمۡ سُلَيۡمَٰنُ وَجُنُودُهُۥ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
18. ilaa, markay yimaadeen toggii qudhaanjada, qudhaanjo baa waxay tidhi: “Qudhaanjooy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَبَسَّمَ ضَاحِكٗا مِّن قَوۡلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوۡزِعۡنِيٓ أَنۡ أَشۡكُرَ نِعۡمَتَكَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَيَّ وَأَنۡ أَعۡمَلَ صَٰلِحٗا تَرۡضَىٰهُ وَأَدۡخِلۡنِي بِرَحۡمَتِكَ فِي عِبَادِكَ ٱلصَّٰلِحِينَ
19. Markaasuu (Sulaymaan) muusooday, isagoo ku qosli hadalkeeda, oo yidhi: Rabbiyow! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan falo camal san aad ka raalli tahay, oo igu geli3 Naxariistaada addoomahaaga wanaagsan dhexdooda4.
3. Erey ahaan macnaha waxaa weeye igu dhex kulmi oo faafi quwad iyo awood aad u sarreysa ee I sahasha adeeciddaada iyo gudashada cibaadada.
4. Macnaha sidoo kale wuxuu noqon karaa: “ oo I geli la jirka addoomahaaga wanaagsan (jannada) lagu waadho.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَفَقَّدَ ٱلطَّيۡرَ فَقَالَ مَالِيَ لَآ أَرَى ٱلۡهُدۡهُدَ أَمۡ كَانَ مِنَ ٱلۡغَآئِبِينَ
20. Wuxuu (Sulaymaan) kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki la'ahay hud-hudkii5, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan?
5. Hud-hud gaar ah oo heer sare ah ka mid ah shimbiraha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَأُعَذِّبَنَّهُۥ عَذَابٗا شَدِيدًا أَوۡ لَأَاْذۡبَحَنَّهُۥٓ أَوۡ لَيَأۡتِيَنِّي بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ
21. Waxaan ciqaabi ciqaab daran ama waan gowrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَكَثَ غَيۡرَ بَعِيدٖ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمۡ تُحِطۡ بِهِۦ وَجِئۡتُكَ مِن سَبَإِۭ بِنَبَإٖ يَقِينٍ
22.Mase maqnaan muddo dheer, (wuxuuna joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin, waxaana kaaga keenay Saba6 war la hubo.
6. Saba’ waa magaca boqortooyo jirtay Yaman waa’ hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي وَجَدتُّ ٱمۡرَأَةٗ تَمۡلِكُهُمۡ وَأُوتِيَتۡ مِن كُلِّ شَيۡءٖ وَلَهَا عَرۡشٌ عَظِيمٞ
23. Waxaan helay haweeney7 xukumeysa, oo la siiyey wax walba (oo mulki adduun ah)8, waxayna leedahay Carshi Weyn.
7. Balqiis (ama Makeda) waxay ka talineysey Saba’ waagii Sulaymaan.
8. Sida maal, beero badan, macaadinta dhulka, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَدتُّهَا وَقَوۡمَهَا يَسۡجُدُونَ لِلشَّمۡسِ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ فَهُمۡ لَا يَهۡتَدُونَ
24. Waxaan helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Alle, wuxuuna u qurxiyey shaydaan camalladooda (xun), oo ka duway Jidka (Toosan ee Islaamka), marka ma ay hanuunsana.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَّاۤ يَسۡجُدُواْۤ لِلَّهِ ٱلَّذِي يُخۡرِجُ ٱلۡخَبۡءَ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَيَعۡلَمُ مَا تُخۡفُونَ وَمَا تُعۡلِنُونَ
25. May u sujuudaan Alle ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxaad qarisaan, iyo waxaad muujisaanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ۩
26. Allaah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقۡتَ أَمۡ كُنتَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
27. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waanu eegi inaad run sheegi ama inaad ka mid tahay beenlowyada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱذۡهَب بِّكِتَٰبِي هَٰذَا فَأَلۡقِهۡ إِلَيۡهِمۡ ثُمَّ تَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَٱنظُرۡ مَاذَا يَرۡجِعُونَ
28. Qaad warqaddaydaan oo u dhiib, kana soo laabo, markaas fiiri waxay (jawaab) soo celiyaan”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَتۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ إِنِّيٓ أُلۡقِيَ إِلَيَّ كِتَٰبٞ كَرِيمٌ
29. Waxay tidhi: Mudanayaal! Waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ مِن سُلَيۡمَٰنَ وَإِنَّهُۥ بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
30. Waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَّا تَعۡلُواْ عَلَيَّ وَأۡتُونِي مُسۡلِمِينَ
31. Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَتۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ أَفۡتُونِي فِيٓ أَمۡرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمۡرًا حَتَّىٰ تَشۡهَدُونِ
32. Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin9.
9. Inaad ila joogtaan maahee golaha wada tashiga (baarlamaanka), oo aad oggolaansho cad i siisaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ نَحۡنُ أُوْلُواْ قُوَّةٖ وَأُوْلُواْ بَأۡسٖ شَدِيدٖ وَٱلۡأَمۡرُ إِلَيۡكِ فَٱنظُرِي مَاذَا تَأۡمُرِينَ
33. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh iyo geesinnimo, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxaad amreyso.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَتۡ إِنَّ ٱلۡمُلُوكَ إِذَا دَخَلُواْ قَرۡيَةً أَفۡسَدُوهَا وَجَعَلُوٓاْ أَعِزَّةَ أَهۡلِهَآ أَذِلَّةٗۚ وَكَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ
34. Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Sidaasayna falaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنِّي مُرۡسِلَةٌ إِلَيۡهِم بِهَدِيَّةٖ فَنَاظِرَةُۢ بِمَ يَرۡجِعُ ٱلۡمُرۡسَلُونَ
35. Waxaanse u diri hadiyad oo sugi waxay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَ سُلَيۡمَٰنَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٖ فَمَآ ءَاتَىٰنِۦَ ٱللَّهُ خَيۡرٞ مِّمَّآ ءَاتَىٰكُمۚ بَلۡ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمۡ تَفۡرَحُونَ
36. Markiise (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Alle baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Waxaadse ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱرۡجِعۡ إِلَيۡهِمۡ فَلَنَأۡتِيَنَّهُم بِجُنُودٖ لَّا قِبَلَ لَهُم بِهَا وَلَنُخۡرِجَنَّهُم مِّنۡهَآ أَذِلَّةٗ وَهُمۡ صَٰغِرُونَ
37. U celi iyaga, waxaana ula imaaneynaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, waxaana ka saari magaalada iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ أَيُّكُمۡ يَأۡتِينِي بِعَرۡشِهَا قَبۡلَ أَن يَأۡتُونِي مُسۡلِمِينَ
38. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni carshigeeda ka hor inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan oo Muslimiin ah?”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ عِفۡرِيتٞ مِّنَ ٱلۡجِنِّ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبۡلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَۖ وَإِنِّي عَلَيۡهِ لَقَوِيٌّ أَمِينٞ
39. Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Anigaa kuu keenaya ka hor intaad ka kicin golahaaga, oo xaqiiq waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱلَّذِي عِندَهُۥ عِلۡمٞ مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبۡلَ أَن يَرۡتَدَّ إِلَيۡكَ طَرۡفُكَۚ فَلَمَّا رَءَاهُ مُسۡتَقِرًّا عِندَهُۥ قَالَ هَٰذَا مِن فَضۡلِ رَبِّي لِيَبۡلُوَنِيٓ ءَأَشۡكُرُ أَمۡ أَكۡفُرُۖ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشۡكُرُ لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّي غَنِيّٞ كَرِيمٞ
40. Mid haystay cilmi Kitaabka ah10 wuxuu yidhi: Anigaa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Markuu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay - si uu ii imtixaano inaan ku mahdiyo ama aan ka abaal dhaco. Qofkii (Alle) ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiina ka abaal dhaca (Alle), hubaal Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan.
10. Waxaa loola jeedaa Kitaab halkan Kitaabkii la soo dejiyey ka hor Sulaymaan oo ah Towraadda iyo Zabuurka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ نَكِّرُواْ لَهَا عَرۡشَهَا نَنظُرۡ أَتَهۡتَدِيٓ أَمۡ تَكُونُ مِنَ ٱلَّذِينَ لَا يَهۡتَدُونَ
41. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno inay garato, mise inay noqoto mid aan garanayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَتۡ قِيلَ أَهَٰكَذَا عَرۡشُكِۖ قَالَتۡ كَأَنَّهُۥ هُوَۚ وَأُوتِينَا ٱلۡعِلۡمَ مِن قَبۡلِهَا وَكُنَّا مُسۡلِمِينَ
42. Markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Waxaana nala siiyey cilmi horteed, waxaanu nahay Muslimiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَصَدَّهَا مَا كَانَت تَّعۡبُدُ مِن دُونِ ٱللَّهِۖ إِنَّهَا كَانَتۡ مِن قَوۡمٖ كَٰفِرِينَ
43. Waxaa (Xaqa) ka jeediyey waxay caabudeysey Alle sokadi, waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah11.
11. Balqiis waxay ku ogaatay Nabinnimada Sulaymaan ka hor inta aan la keenin carshigeeda xagga Falastiin soo celintii dib loogu soo celiyey hadiyaddii ay dirtay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قِيلَ لَهَا ٱدۡخُلِي ٱلصَّرۡحَۖ فَلَمَّا رَأَتۡهُ حَسِبَتۡهُ لُجَّةٗ وَكَشَفَتۡ عَن سَاقَيۡهَاۚ قَالَ إِنَّهُۥ صَرۡحٞ مُّمَرَّدٞ مِّن قَوَارِيرَۗ قَالَتۡ رَبِّ إِنِّي ظَلَمۡتُ نَفۡسِي وَأَسۡلَمۡتُ مَعَ سُلَيۡمَٰنَ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
44. Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta12, markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase waxaan la jirka Sulaymaan u Islaamay Alle darti, Rabbiga uumanka oo dhan.
12. Daartaa waxay ahayd mid loo malaasay si qurux badan, aad u salaaxan, marmarkeedu ka sameysan yahay muraayado layska arko, hoostiisana waxaa sii ahaa biyo badan oo socda, iyo kalluun, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمۡ فَرِيقَانِ يَخۡتَصِمُونَ
45. Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Alle (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya13.
13. Nabi Saalix c.s iyo qolodiisii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَٰقَوۡمِ لِمَ تَسۡتَعۡجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِۖ لَوۡلَا تَسۡتَغۡفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaan (cadaab) ka hor samaan14 (Naxariista Alle)? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto?
14. Iyagoo kula dooday Saalix inuu u keeno cadaabka uu ugu gooddiyey, halkii ay dalbi lahaayeen Naxariis Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ ٱطَّيَّرۡنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَۚ قَالَ طَٰٓئِرُكُمۡ عِندَ ٱللَّهِۖ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تُفۡتَنُونَ
47.Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: "Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Alle agti15; waxaadse tihiin qolo la imtaxaanayo.”
15. Qaddarka iyo qadahiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَانَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ تِسۡعَةُ رَهۡطٖ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ
48. Waxaa magaalada16 ku sugnaa sagaal nin17, ku fala fasahaad arlada aan wax hagaajin.
16. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa magaalada halkan magaaladii qolodii Thamuud, waana magaaladii Al-Xijir – dhadhaab.
17. Oo ahaa madaxdoodii iyo wiilasha ay dhaleen oo diinta colaadinayey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ تَقَاسَمُواْ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدۡنَا مَهۡلِكَ أَهۡلِهِۦ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
49. Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Alle inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow18: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi.
18. Midka ay saaran tahay inuu fuliyo dardaarankiisa, oo leh diyadiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَكَرُواْ مَكۡرٗا وَمَكَرۡنَا مَكۡرٗا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
50. Waxayna tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ مَكۡرِهِمۡ أَنَّا دَمَّرۡنَٰهُمۡ وَقَوۡمَهُمۡ أَجۡمَعِينَ
51. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتِلۡكَ بُيُوتُهُمۡ خَاوِيَةَۢ بِمَا ظَلَمُوٓاْۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
52. Waana kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Hubaal, arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنجَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ
53. Waxaanu badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhawrsanayey (shirkiga iyo macaasida).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ
54. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho19 idinkoo arka20?
19. Faaxishah wax xille oo foolxun waxaa halkan loola jeedaa zinada iyo ficilkii qoomu luud -Falalka khaniisnimada ah, iwm.
20. Si caddaan ah, tafsiir kale waa idinkoo ogsoon inay tahay denbi weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهۡوَةٗ مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تَجۡهَلُونَ
55. Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin qolo jaahiliin ah aan garan (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ أَخۡرِجُوٓاْ ءَالَ لُوطٖ مِّن قَرۡيَتِكُمۡۖ إِنَّهُمۡ أُنَاسٞ يَتَطَهَّرُونَ
56.Mase ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara reer Luud magaaladiinna, waa dad is daahirine.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَٰهَا مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
57. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisii marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (la halaagay).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ
58. Waxaana ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ وَسَلَٰمٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَىٰٓۗ ءَآللَّهُ خَيۡرٌ أَمَّا يُشۡرِكُونَ
59. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, nabadna ha ahaato addoomahiisa uu doortay dushooda. Ma Alle baa wanaagsan, mise kuwa (ilaahyada beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَنۢبَتۡنَا بِهِۦ حَدَآئِقَ ذَاتَ بَهۡجَةٖ مَّا كَانَ لَكُمۡ أَن تُنۢبِتُواْ شَجَرَهَآۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٞ يَعۡدِلُونَ
60. Mayee, (Alle baa wanaagsan) ee ah Kan abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, waa qolo ka weecata (Xaqa oo la wadaajiya Alle cibaadada cid kale oo la mid dhiga).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَّن جَعَلَ ٱلۡأَرۡضَ قَرَارٗا وَجَعَلَ خِلَٰلَهَآ أَنۡهَٰرٗا وَجَعَلَ لَهَا رَوَٰسِيَ وَجَعَلَ بَيۡنَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ حَاجِزًاۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
61. (Waxaa wanaagsan Alle ee) ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, yeelayna dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, badankood garasho ma leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَّن يُجِيبُ ٱلۡمُضۡطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكۡشِفُ ٱلسُّوٓءَ وَيَجۡعَلُكُمۡ خُلَفَآءَ ٱلۡأَرۡضِۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ
62. (Waxaa Wanaagsan Alle ee ah) Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, idinkana yeela kuwa u hadha (oo isku beddela) dhulka21. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Yaraa intaad xusuusataan (oo waantowdaan).
21. Fac walba uu xigsado fac kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَّن يَهۡدِيكُمۡ فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ وَمَن يُرۡسِلُ ٱلرِّيَٰحَ بُشۡرَۢا بَيۡنَ يَدَيۡ رَحۡمَتِهِۦٓۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ تَعَٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
63. (Waxaa wanaagsan Alle ee ah) Kan idin haga markaad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabeylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Waa ka sarreeyaa Alle waxay la wadaajiyaan cibaadada (oo la mid dhigaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَّن يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَمَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
64. (Alle ee ah) Kan billaaba asal ahaan abuurka, haddana soo celin, ee ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Dheh: Keena Xujadiinna, haddaad run sheegaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل لَّا يَعۡلَمُ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلۡغَيۡبَ إِلَّا ٱللَّهُۚ وَمَا يَشۡعُرُونَ أَيَّانَ يُبۡعَثُونَ
65. Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada oo ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Allaah ma’ahee, mana ay oga goorta la soo bixin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلِ ٱدَّٰرَكَ عِلۡمُهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ مِّنۡهَاۖ بَلۡ هُم مِّنۡهَا عَمُونَ
66. Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Waxaybase ka qabaan shaki, wayna ka indha la' yihiin xaggeeda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبٗا وَءَابَآؤُنَآ أَئِنَّا لَمُخۡرَجُونَ
67.Kuwa gaalooba waxay dhahaan: Ma markaan noqonno carro, innaga iyo aabba- yaashayo, miyaa nala soo bixin (mar kale)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَدۡ وُعِدۡنَا هَٰذَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
68. Waxaa naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
69. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَلَا تَكُن فِي ضَيۡقٖ مِّمَّا يَمۡكُرُونَ
70. Ee ha u murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagar dhigi darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
71. Waxay yidhaahdaan: Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعۡضُ ٱلَّذِي تَسۡتَعۡجِلُونَ
72. Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxaad rabtaan in la soo dedjiyo (Cadaabka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَشۡكُرُونَ
73. Hubaalna Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, badankooduse ma mahad naqaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعۡلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمۡ وَمَا يُعۡلِنُونَ
74. Rabbigaa waa Og yahay waxay laabahoodu qarin iyo waxay muujinba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا مِنۡ غَآئِبَةٖ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٍ
75. Ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad22 .
22. Looxa Maxfuudka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ أَكۡثَرَ ٱلَّذِي هُمۡ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
76. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu kaga qisoon (warrami) ilmahii Israa’iil badi waxay isku hayeen oo ay isku khilaafsanaayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّهُۥ لَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
77. Xaqiiq, waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُم بِحُكۡمِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ
78. Hubaalna Rabbigaa wuxuu ugu kala garsoori dhexdooda xukunkiisa, waana Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنَّكَ عَلَى ٱلۡحَقِّ ٱلۡمُبِينِ
79. Ee isku hallee oo talo saaro Alle; hubaal, waxaad ku sugan tahay Xaq Cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّكَ لَا تُسۡمِعُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَلَا تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوۡاْ مُدۡبِرِينَ
80. Adigu dhabtii wax ma maqashiin kartid
meytida, mana maqashiin kartid dhagoolaha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِي ٱلۡعُمۡيِ عَن ضَلَٰلَتِهِمۡۖ إِن تُسۡمِعُ إِلَّا مَن يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسۡلِمُونَ
81. Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu Muslimiin ah hoggaansan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَإِذَا وَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِمۡ أَخۡرَجۡنَا لَهُمۡ دَآبَّةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ تُكَلِّمُهُمۡ أَنَّ ٱلنَّاسَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا لَا يُوقِنُونَ
82. Markuu Qawlka (Cadaabka) ku fulo dushooda23, Waxaan uga soo bixin Neef (dugaag) arlada la hadleysa inay dadku ahaayeen kuwo aan yaqiinsaneyn Aayadahayaga.
23. Markay soo dhowaato Saacadda Qiyaame.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَوۡمَ نَحۡشُرُ مِن كُلِّ أُمَّةٖ فَوۡجٗا مِّمَّن يُكَذِّبُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُمۡ يُوزَعُونَ
83. (Oo ka dig) Maalintaan ka soo saari ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga iyagoo is cidhiidhyi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُو قَالَ أَكَذَّبۡتُم بِـَٔايَٰتِي وَلَمۡ تُحِيطُواْ بِهَا عِلۡمًا أَمَّاذَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
84. Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinkoon ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِم بِمَا ظَلَمُواْ فَهُمۡ لَا يَنطِقُونَ
85.Waxaa ku fuli Qowlkii (Cadaabka)24, dulmigoodii darti, marka ma hadlayaan.
24. Qaddarka Alle baa ku dhaboobi korkooda, oo yaboohiisa waa fuli.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا جَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ لِيَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
86. Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan, Maalintana iftiin? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُۚ وَكُلٌّ أَتَوۡهُ دَٰخِرِينَ
87. (Ka dig) Maalinta buunka la afuufi, oo ay argagixi kuwa ku sugan cirarka iyo kuwa ku sugan dhulka cidduu Alle doono mooyee, kullina waxay u imaan iyagoo dullaysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَى ٱلۡجِبَالَ تَحۡسَبُهَا جَامِدَةٗ وَهِيَ تَمُرُّ مَرَّ ٱلسَّحَابِۚ صُنۡعَ ٱللَّهِ ٱلَّذِيٓ أَتۡقَنَ كُلَّ شَيۡءٍۚ إِنَّهُۥ خَبِيرُۢ بِمَا تَفۡعَلُونَ
88. Waxaad arkaysaa buurahii aad u maleyn wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Alle ee hagaajiyey wax waliba. Hubaal, waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيۡرٞ مِّنۡهَا وَهُم مِّن فَزَعٖ يَوۡمَئِذٍ ءَامِنُونَ
89. Qofkii la yimaada wanaag25 wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), argagaxa Maalinta (Qiyaamena) waa ka aamin.
25. Halkan wanaagga waxaa loola jeedaa towxiidka iyo camal kastoo san.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَكُبَّتۡ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
90. Qofkiise la yimaada xumaan26 waxaa loogu tuuri weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku abaal marin waxaan ahayn waxaad fasheen (wax la mid ah oo xumaan ah)?
26. Halkan xumaanta waxaa loola jeedaa shirkiga iyo macaasida.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَآ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ رَبَّ هَٰذِهِ ٱلۡبَلۡدَةِ ٱلَّذِي حَرَّمَهَا وَلَهُۥ كُلُّ شَيۡءٖۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
91. Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan27 (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Waxaana la I amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta (kuwa isu dhiiba Alle ee u hoggaansan).
27. Waxaa loola jeedaa Makkah iyo hareeraheeda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنۡ أَتۡلُوَاْ ٱلۡقُرۡءَانَۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَقُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ
92. Iyo inaan akhriyo Qur’aanka. Qofkii hanuuna, wuxuu uun u hanuunaa naftiisa, qofkiise lumaa, dheh: Anigu waxaan ahay uun mid ka mid ah digayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ فَتَعۡرِفُونَهَاۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
93. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Wuxuu idin tusi calaamoo- yinkiisa, waadna garan doontaan. Ma aha Rabbigaa mid moog waxaad falaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን ነምል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት