የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አሽ ሹዐራእ   አንቀጽ:

Suurada Ash-shucaraa

طسٓمٓ
1. Taa Siin Miim1.
1. . Xarfahan waa xuruuf ka mid ah alifbeetada afka Carabiga uu Qur’aanku ku soo degay, sidaas oo ay tahay ma jiro axad keeni kara xitaa Suuradda ugu kooban ee Qur’aanka Mucjisada weyn ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee Cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَعَلَّكَ بَٰخِعٞ نَّفۡسَكَ أَلَّا يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ
3. Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن نَّشَأۡ نُنَزِّلۡ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةٗ فَظَلَّتۡ أَعۡنَٰقُهُمۡ لَهَا خَٰضِعِينَ
4. Haddaan doonno, Waxaan kaga soo dejin calaamo cirka, ay luqumahoodu u khuduucaan2.
2. Macnaha waxaa lagu qasbayaa inay rumeeyaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٖ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ مُحۡدَثٍ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهُ مُعۡرِضِينَ
5. Uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka(Alle) iyagoo cusub oo is daba jooga, waase ka jeesadaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقَدۡ كَذَّبُواْ فَسَيَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
6. Waxay beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed waxaa u imaan wararka waxay ku jees-jeesayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَمۡ أَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٖ كَرِيمٍ
7. Miyeyna arkayn dhulka intee baan nooc kasta oo dhir wanaagsan ah sababnay inuu ka soo baxo?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
8. Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
9. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئۡتِ ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
10. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَۚ أَلَا يَتَّقُونَ
11. Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
12. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَضِيقُ صَدۡرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرۡسِلۡ إِلَىٰ هَٰرُونَ
13. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَهُمۡ عَلَيَّ ذَنۢبٞ فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ
14. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ كَلَّاۖ فَٱذۡهَبَا بِـَٔايَٰتِنَآۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسۡتَمِعُونَ
15. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأۡتِيَا فِرۡعَوۡنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
16. U taga Fircoon oo ku dhaha: "Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka".
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَنۡ أَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
17. Ee nagu dar hana raacaane ilmaha Israa’iil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَلَمۡ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدٗا وَلَبِثۡتَ فِينَا مِنۡ عُمُرِكَ سِنِينَ
18. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفَعَلۡتَ فَعۡلَتَكَ ٱلَّتِي فَعَلۡتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
19. Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَعَلۡتُهَآ إِذٗا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
20. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waxaan falay anigoon wax garanayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَفَرَرۡتُ مِنكُمۡ لَمَّا خِفۡتُكُمۡ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكۡمٗا وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
21. Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتِلۡكَ نِعۡمَةٞ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنۡ عَبَّدتَّ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
22. Oo taasi (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib-sheegato, adigoo addoonsaday ilmihii Israa’iil?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فِرۡعَوۡنُ وَمَا رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
23. Fircoon wuxuu yidhi: Muxuu yahay Rabbiga uumanka?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
24. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyneysaan) idinkoo yaqiinsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ لِمَنۡ حَوۡلَهُۥٓ أَلَا تَسۡتَمِعُونَ
25. (Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
26. (Muuse) Wuxuu yidhi: (Alle) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِيٓ أُرۡسِلَ إِلَيۡكُمۡ لَمَجۡنُونٞ
27. (Fircoon) wuxuu yidhi3: Hubaal Rasuulkiinna la idiin soo diray waa jinnoole.
3. Isagoo si ay cadho badan ku jirto ula hadlaya dadkii goob joogga ahaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ
28. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddaad wax fahmeysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذۡتَ إِلَٰهًا غَيۡرِي لَأَجۡعَلَنَّكَ مِنَ ٱلۡمَسۡجُونِينَ
29. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَوَلَوۡ جِئۡتُكَ بِشَيۡءٖ مُّبِينٖ
30.(Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَأۡتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
31. (Fircoon) wuxuu yidhi: La imow, haddaad run sheegi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَلۡقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعۡبَانٞ مُّبِينٞ
32. Markaasuu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِيَ بَيۡضَآءُ لِلنَّٰظِرِينَ
33. Oo soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad (ifeysa) kuwa eegaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ لِلۡمَلَإِ حَوۡلَهُۥٓ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ عَلِيمٞ
34. (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: Kanu waa saaxir xeel dheer.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُرِيدُ أَن يُخۡرِجَكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِۦ فَمَاذَا تَأۡمُرُونَ
35. Raba inuu idin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa, ee maxaad ku talineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ أَرۡجِهۡ وَأَخَاهُ وَٱبۡعَثۡ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ
36. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalki (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya4.
4. Kuwa keena saaxiriin oo soo qora ciidammo badan si looga joojiyo ilmaha Israa’iil inay ka tagaan oo ka baxaan halkaasi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَأۡتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٖ
37. Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَٰتِ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ
38. Markaasaa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلۡ أَنتُم مُّجۡتَمِعُونَ
39. Waxaana lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
40. Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُواْ لِفِرۡعَوۡنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجۡرًا إِن كُنَّا نَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
41. Markay yimaadeen sixiroolayaashii, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddaan innagu adkaanno?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ نَعَمۡ وَإِنَّكُمۡ إِذٗا لَّمِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ
42. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, idinkuna markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwa ii dhow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ
43. Muuse wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَلۡقَوۡاْ حِبَالَهُمۡ وَعِصِيَّهُمۡ وَقَالُواْ بِعِزَّةِ فِرۡعَوۡنَ إِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
44. Markaasay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii oo yidhaahdeen: “Waa nagu sharafta Fircoone, innagaa adkaan".
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَلۡقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلۡقَفُ مَا يَأۡفِكُونَ
45. Markaasuu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سَٰجِدِينَ
46. Sixiroolayaashiina dhulkay la dhaceen sujuud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
47. Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeynay Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
48. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَ فَلَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ أَجۡمَعِينَ
49. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen (Muuse) ka hor intaan idiin idmin; waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, waadse ogaan dontaan, waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf waana idin daldali dhammaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَا ضَيۡرَۖ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ
50. Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Innagu Xagga Rabigayo baan u noqon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا نَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَٰيَٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
51. Waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَسۡرِ بِعِبَادِيٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
52. Waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idinkoo ku baxaya guuro habeennimo, waa la idiin soo raaciye.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَرۡسَلَ فِرۡعَوۡنُ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ
53. Markaasuu Fircoon u diray magaaloo- yinka kuwo soo kulmiya (askartiisii).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَشِرۡذِمَةٞ قَلِيلُونَ
54. (Isagoo leh) kuwani wax koox yar,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّهُمۡ لَنَا لَغَآئِظُونَ
55. Wayna na cadho geliyeen;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَٰذِرُونَ
56. Waxaana nahay kuwo had iyo jeer digtoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخۡرَجۡنَٰهُم مِّن جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
57. Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكُنُوزٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ
58. Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
59. Waa sidaase, waxaan dhaxalsiinnay Ilmahii Israa’iil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَتۡبَعُوهُم مُّشۡرِقِينَ
60. Markaasay (Fircoon iyo askartiisii) soo raaceen (ka daba tageen) goor qorrax soo bax ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلۡجَمۡعَانِ قَالَ أَصۡحَٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدۡرَكُونَ
61. Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Waa nala haleelay”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ كَلَّآۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهۡدِينِ
62. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضۡرِب بِّعَصَاكَ ٱلۡبَحۡرَۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرۡقٖ كَٱلطَّوۡدِ ٱلۡعَظِيمِ
63. Markaasaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaasay kala dhanbalantay oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَزۡلَفۡنَا ثَمَّ ٱلۡأٓخَرِينَ
64. Waana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنجَيۡنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
65. Waxaana badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay dhammaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
66. Kaddib waxaan harqinnay (maan-sheynay) kuwii kale (Fircoon iyo qolodiisii).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
67. Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
68. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ إِبۡرَٰهِيمَ
69. U akhrina qisadii Ibraahiim.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا تَعۡبُدُونَ
70. Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Maxaad caabudaysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ نَعۡبُدُ أَصۡنَامٗا فَنَظَلُّ لَهَا عَٰكِفِينَ
71. Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budi asnaam, oo ag yuruursan (fadhin).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ هَلۡ يَسۡمَعُونَكُمۡ إِذۡ تَدۡعُونَ
72. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوۡ يَنفَعُونَكُمۡ أَوۡ يَضُرُّونَ
73. Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ بَلۡ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ
74. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَفَرَءَيۡتُم مَّا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ
75. Wuxuu yidhi: Bal ka warrama waxaad caabudeysaan -
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلۡأَقۡدَمُونَ
76. “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?-
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنَّهُمۡ عَدُوّٞ لِّيٓ إِلَّا رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
77.Iyagu waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka5.
5. Waayo dadkaasi waxay caabudayeen sannamo la jirka Alle, marka wuxuu Ibraahiim u sheegay inuu barii ka yahay dhammaan waxay caabudaan marka laga soo reebo Alle, Rabbiga uumanka, waan jeclahay Isaga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهۡدِينِ
78. “(Alle), ee i abuuray, ahna Kan i hanuunsha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِي هُوَ يُطۡعِمُنِي وَيَسۡقِينِ
79. Ee ah Kan I quudiya oo i waraabsha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا مَرِضۡتُ فَهُوَ يَشۡفِينِ
80. Markaan bukoodona, Isagaa (Alle) I bogsiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحۡيِينِ
81. (Alle) waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale);
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِيٓ أَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لِي خَطِيٓـَٔتِي يَوۡمَ ٱلدِّينِ
82. Waana Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبِّ هَبۡ لِي حُكۡمٗا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ
83. Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱجۡعَل لِّي لِسَانَ صِدۡقٖ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
84. Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱجۡعَلۡنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ
85. Iga mid yeelna dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱغۡفِرۡ لِأَبِيٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
86. Una denbi dhaaf Aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تُخۡزِنِي يَوۡمَ يُبۡعَثُونَ
87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka dhimasho kaddib - Maalinta Qiyaamaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ لَا يَنفَعُ مَالٞ وَلَا بَنُونَ
88. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا مَنۡ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلۡبٖ سَلِيمٖ
89. Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow6.
6. Qalbi ka fayow shirki, gaalnimo, munaafiqnimo, shaki, isla weyni, is cjabin, xasad, xin, xumaato, khiyaano,dhagar, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ
90. Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada(ee iska jira xumaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِلۡغَاوِينَ
91. Loo muujinna Naarta kuwa habowsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ
92. Waxaana lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلۡ يَنصُرُونَكُمۡ أَوۡ يَنتَصِرُونَ
93. Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكُبۡكِبُواْ فِيهَا هُمۡ وَٱلۡغَاوُۥنَ
94. Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجُنُودُ إِبۡلِيسَ أَجۡمَعُونَ
95. Iyo askartii ibliis oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ وَهُمۡ فِيهَا يَخۡتَصِمُونَ
96. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
97. Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
98. Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلۡمُجۡرِمُونَ
99. Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا لَنَا مِن شَٰفِعِينَ
100. Haatan ma lihin wax garab na siiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٖ
101. Iyo saaxiib run ah midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةٗ فَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta7.
7. Dhammaadka hadalka ka go’an waa la iska qiyaasi karaa oo waxaa weeye waxaynu fali lahayn sidaa ama sidaasi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
103. Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
104. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ نُوحٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
105. Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhawrsaneyn (shirkiga)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
107. Anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
108. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
109. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (fidinta Diinta Alle), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya (Alle) Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
110.Ee iska jira (ciqaabka) Alle oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلۡأَرۡذَلُونَ
111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ وَمَا عِلۡمِي بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
112. Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay fali?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ حِسَابُهُمۡ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّيۖ لَوۡ تَشۡعُرُونَ
113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
114. Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٞ
115. Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ
116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin(ku baaqaaga Towxiidka) Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوۡمِي كَذَّبُونِ
117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱفۡتَحۡ بَيۡنِي وَبَيۡنَهُمۡ فَتۡحٗا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
119. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا بَعۡدُ ٱلۡبَاقِينَ
120. Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
121. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
122. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَتۡ عَادٌ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
123. Caad waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ
124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
125. Anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
126. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
127. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَتَبۡنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةٗ تَعۡبَثُونَ
128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan.
8. Taallo ama wax muujinaya maalka iyo awooddooda. Waxay ka dhisi jireen dhismooyin dhaadheer agagaarka waddooyinka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمۡ تَخۡلُدُونَ
129. Oo yeelataan dhismooyin adag inaad waartaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا بَطَشۡتُم بَطَشۡتُمۡ جَبَّارِينَ
130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin (gar ma qaatayaal) ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
131.Ee iska jira (ciqaabka) Alle oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِيٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعۡلَمُونَ
132. Dhowrana (Amarrada Alle ee ah) Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَدَّكُم بِأَنۡعَٰمٖ وَبَنِينَ
133. Idin siiyey xoolo iyo ilmo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ
134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
135. Waxaan idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَوَعَظۡتَ أَمۡ لَمۡ تَكُن مِّنَ ٱلۡوَٰعِظِينَ
136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلۡأَوَّلِينَ
137. Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ
138. Mana nihin kuwo la cadaabayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَذَّبُوهُ فَأَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
139. Wayse beeniyeen, markaasaan halaagnay. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
140. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
141. Thamuud waxay beenisay Rusushii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ صَٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
142. Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
143. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
144. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
145. Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Diinta Alle), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya (Alle) Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَتُتۡرَكُونَ فِي مَا هَٰهُنَآ ءَامِنِينَ
146. Ma waxaa la idiinkaga tagi halkan idinkoo nabad ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
147. Ku sugan beero iyo ilo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَزُرُوعٖ وَنَخۡلٖ طَلۡعُهَا هَضِيمٞ
148. Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتٗا فَٰرِهِينَ
149. Oo aad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
150.Ee iska jira (ciqaabka) Alle oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تُطِيعُوٓاْ أَمۡرَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
151. Hana adeecina amarka xad gudbayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ
152. Ee ah kuwa fasahaadiya arlada oo aan hagaajin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ
153. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا فَأۡتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
154. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddaad run sheegayso.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ هَٰذِهِۦ نَاقَةٞ لَّهَا شِرۡبٞ وَلَكُمۡ شِرۡبُ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ
155. (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.
9. Hal Mucjiso ahaan loogu soo diray Calaamo ahaan ka timid xagga Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٖ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابُ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
156. Ee ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَعَقَرُوهَا فَأَصۡبَحُواْ نَٰدِمِينَ
157. Waase boqna gooyeen hashii (oo dileen), markaasay ka shallaayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخَذَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
158. Markaasaa waxaa qabtay cadaab. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
159. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
160. Qoonkii Luud waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ
161. Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
162. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
163. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
164. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَتَأۡتُونَ ٱلذُّكۡرَانَ مِنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
165. Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka10.
10. Miyey jiraan wax ka mid ah uumanka Alle aan idinka ahayn oo fala falkaa xun oo ah fal aan caadi ahayn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمۡ رَبُّكُم مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٌ عَادُونَ
166. Oo aad ka tagtaan wuxuu Rabbigiin idiin abuuray oo xaasaskiinna ah? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُخۡرَجِينَ
167. Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلۡقَالِينَ
168. (Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبِّ نَجِّنِي وَأَهۡلِي مِمَّا يَعۡمَلُونَ
169. Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
170. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ
171. Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal(cadaabka).
11. Xaaskii Luud, taasoo kaalmeyn jirtey dadkeeda xun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
172. Markaasaan baabbi’innay intii kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ
173. Waxaana ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
174. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
175. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
176. Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ شُعَيۡبٌ أَلَا تَتَّقُونَ
177. Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo Xumaha kale)?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
178. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
179. “Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
180. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ أَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُخۡسِرِينَ
181. Bixiya beeg dhan hana ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَزِنُواْ بِٱلۡقِسۡطَاسِ ٱلۡمُسۡتَقِيمِ
182. Oo wax ku miisaama Miisaan toosan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
183. Hana ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلۡجِبِلَّةَ ٱلۡأَوَّلِينَ
184. Ee iska jira (ciqaabka Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ
185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran12.
12. Waa haddii loo akhriyo “ minal mussaxariin” waxaa sidoo kale loo akhiryaa akhrin kale “ minal mussaxiriin” markaas mancaha waa kuwa wax sixra.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَسۡقِطۡ عَلَيۡنَا كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
187. Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ
188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمِ ٱلظُّلَّةِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ
189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
190. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga (Alle) Rabbiga Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ
193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ
194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بِلِسَانٍ عَرَبِيّٖ مُّبِينٖ
195. Isagoo af Carabi faseex ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّهُۥ لَفِي زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ
196. Wuxuuna ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka baa lagu sheegay).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ ءَايَةً أَن يَعۡلَمَهُۥ عُلَمَٰٓؤُاْ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ogaayeen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ نَزَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ بَعۡضِ ٱلۡأَعۡجَمِينَ
198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood13.
13. Macnaha waa aan ku soo dejin lahayn Qur’aanka cid kale aan Carab ahayn, ama si fiican u aqoon afka Carabiga oo aan faseex ahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقَرَأَهُۥ عَلَيۡهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ مُؤۡمِنِينَ
199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray14.
14. Mucjiso ahaan xagga Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَ سَلَكۡنَٰهُ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
200. Sidaasaan u galinnaa diiddada Xaqa quluubta dadka xun ee denbiilayaasha ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
201. Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَيَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَيَقُولُواْ هَلۡ نَحۡنُ مُنظَرُونَ
203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ
204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَرَءَيۡتَ إِن مَّتَّعۡنَٰهُمۡ سِنِينَ
205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُواْ يُوعَدُونَ
206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يُمَتَّعُونَ
207. Maxay u tari Waxa loogu raaxeeyey?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ
208. Ma jirtona magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذِكۡرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
209. Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا تَنَزَّلَتۡ بِهِ ٱلشَّيَٰطِينُ
210. Mana ayan keenin15 (Qur’aankan) Shaydaammada.
15. Siday yidhaahdaan gaalada, waxaase Alle Xaggiisa ka keenay malag Jabriil, Ruuxa aaminka ah oo ku soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا يَنۢبَغِي لَهُمۡ وَمَا يَسۡتَطِيعُونَ
211. Kumana habboona, mana laha awood (sheydaammadu) inay isagoo kale (Qur’aanka) keenaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّمۡعِ لَمَعۡزُولُونَ
212. Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan (Qur’aanka)16.
16. Sida lagu xusay Suuradda 72: Aayadda 9.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُعَذَّبِينَ
213. Ee ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنذِرۡ عَشِيرَتَكَ ٱلۡأَقۡرَبِينَ
214. Una dig xigtadaada kuu dhow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
215. Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنۡ عَصَوۡكَ فَقُلۡ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ
216. Haddayse ku caasiyaan dheh: Anigu barii baan ka ahay waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
217. Isku hallee oo talo saaro (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِي يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ
218. Ee ku arka markaad kaceyso17.
17. Markaad ka soo kacdo gogoshaada habeenkii si aad u tukato salaatu leyl adigoo keligaa ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَقَلُّبَكَ فِي ٱلسَّٰجِدِينَ
219. Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood18 kuwa u sujuuda (Alle).
18. Adigoo ku dhex jira kuwaasi kula tukada jameeco ahaanta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
220. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَلۡ أُنَبِّئُكُمۡ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَٰطِينُ
221. Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٖ
222. Waxay ku soo degaan beenaale kasta, denbiile ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُلۡقُونَ ٱلسَّمۡعَ وَأَكۡثَرُهُمۡ كَٰذِبُونَ
223. Waxay dhigtaan dhegaha19, badankoodna waa beenlawyo.
19. Tani waxay ahayd ka hor inta aan arrinkaa laga mamnuucin shayaadiinta oo laga hor joogsan, sida ku soo aroortay Suuradda 72: Aayadaha 8-9.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلۡغَاوُۥنَ
224. Gabyaayadana waxaa raaca kuwa habowsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّهُمۡ فِي كُلِّ وَادٖ يَهِيمُونَ
225. Miyaadan arag inay tog kasta la wareegaan waxa ay ku wareersan yihiin (iyagoo ku ammaanaya dad run iyo beenba)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُمۡ يَقُولُونَ مَا لَا يَفۡعَلُونَ
226. Iyo inay sheegaan waxaysan falayn20.
20. Waxaa loola jeedaa in gabyaayada qaarkood iska tiriyaan gabayga iyagoo aan ugala jeedin khayr fidin, aan lahayn wax mowqif cad ah, iyagoo ku hadla been iyagoo aan wax kala saarin, wax iska ammaana ama caaya iyagoo uun raacaya hawadooda iyo danahooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَذَكَرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱنتَصَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَيَّ مُنقَلَبٖ يَنقَلِبُونَ
227. Kuwa (Xaqa) rumeeyey mooyee oo samaha fala, oo xusa Alle in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib21. Wayna ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi (Qiyaamada)22?
21. Ee ugu jawaaba gabay ahaan wax sheegga gabyaayada cadowga.
22. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: In laabta midkiin malax ka buuxsanto baa ka fiican inuu ka buuxsamo gabay.” Waa gabayada xun aan qiimaha lahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አሽ ሹዐራእ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት