Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ   አንቀጽ:
وَٱجۡعَل لِّي لِسَانَ صِدۡقٖ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
84. Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱجۡعَلۡنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ
85. Iga mid yeelna dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱغۡفِرۡ لِأَبِيٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
86. U denbi dhaaf aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تُخۡزِنِي يَوۡمَ يُبۡعَثُونَ
87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka - Maalinta Qiyaame).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ لَا يَنفَعُ مَالٞ وَلَا بَنُونَ
88. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا مَنۡ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلۡبٖ سَلِيمٖ
89. Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow6.
6. Qalbi ka fayow shirki, gaalnimo, munaafiqnimo, shaki, isla weyni, is cjabin, xasad, xin, xumaato, khiyaano,dhagar, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ
90. Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada 'ee iska jira xumaha'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِلۡغَاوِينَ
91. Loo muujinna Naarta kuwa habowsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ
92. Waxaa lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلۡ يَنصُرُونَكُمۡ أَوۡ يَنتَصِرُونَ
93. Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكُبۡكِبُواْ فِيهَا هُمۡ وَٱلۡغَاوُۥنَ
94. Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجُنُودُ إِبۡلِيسَ أَجۡمَعُونَ
95. Iyo askartii ibliis oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ وَهُمۡ فِيهَا يَخۡتَصِمُونَ
96. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
97. Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
98. Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلۡمُجۡرِمُونَ
99. Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا لَنَا مِن شَٰفِعِينَ
100. Haatan ma lihin wax garab na siiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٖ
101. Iyo saaxiib run ah midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةٗ فَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta7.
7. Dhammaadka hadalka ka go’an waa la iska qiyaasi karaa oo waxaa weeye waxaynu fali lahayn sidaa ama sidaasi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
103. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
104. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ نُوحٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
105. Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhawrsaneyn (shirkiga)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
107. Anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
108. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
109. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
110. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلۡأَرۡذَلُونَ
111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት