ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫

ߞߐߜߍ ߝߙߍߕߍ:close

external-link copy
84 : 26

وَٱجۡعَل لِّي لِسَانَ صِدۡقٖ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

84. Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood. info
التفاسير:

external-link copy
85 : 26

وَٱجۡعَلۡنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ

85. Iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah. info
التفاسير:

external-link copy
86 : 26

وَٱغۡفِرۡ لِأَبِيٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ

86. U denbi dhaaf aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane. info
التفاسير:

external-link copy
87 : 26

وَلَا تُخۡزِنِي يَوۡمَ يُبۡعَثُونَ

87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka - Maalinta Qiyaame). info
التفاسير:

external-link copy
88 : 26

يَوۡمَ لَا يَنفَعُ مَالٞ وَلَا بَنُونَ

88. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna. info
التفاسير:

external-link copy
89 : 26

إِلَّا مَنۡ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلۡبٖ سَلِيمٖ

89. Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow [6]. info

[6]. Qalbi ka fayow shirki, gaalnimo, munaafiqnimo, shaki, isla weyni, is cjabin, xasad, xin, xumaato, khiyaano,dhagar, iwm.

التفاسير:

external-link copy
90 : 26

وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ

90. Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada 'ee iska jira xumaha'. info
التفاسير:

external-link copy
91 : 26

وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِلۡغَاوِينَ

91. Loo muujinna Naarta kuwa habowsan. info
التفاسير:

external-link copy
92 : 26

وَقِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ

92. Waxaa lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen? info
التفاسير:

external-link copy
93 : 26

مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلۡ يَنصُرُونَكُمۡ أَوۡ يَنتَصِرُونَ

93. Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda? info
التفاسير:

external-link copy
94 : 26

فَكُبۡكِبُواْ فِيهَا هُمۡ وَٱلۡغَاوُۥنَ

94. Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba. info
التفاسير:

external-link copy
95 : 26

وَجُنُودُ إِبۡلِيسَ أَجۡمَعُونَ

95. Iyo askartii ibliis oo dhan. info
التفاسير:

external-link copy
96 : 26

قَالُواْ وَهُمۡ فِيهَا يَخۡتَصِمُونَ

96. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta), info
التفاسير:

external-link copy
97 : 26

تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ

97. Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad. info
التفاسير:

external-link copy
98 : 26

إِذۡ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

98. Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka. info
التفاسير:

external-link copy
99 : 26

وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلۡمُجۡرِمُونَ

99. Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm). info
التفاسير:

external-link copy
100 : 26

فَمَا لَنَا مِن شَٰفِعِينَ

100. Haatan ma lihin wax garab na siiya. info
التفاسير:

external-link copy
101 : 26

وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٖ

101. Iyo saaxiib run ah midna. info
التفاسير:

external-link copy
102 : 26

فَلَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةٗ فَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta [7]. info

[7]. Dhammaadka hadalka ka go’an waa la iska qiyaasi karaa oo waxaa weeye waxaynu fali lahayn sidaa ama sidaasi.

التفاسير:

external-link copy
103 : 26

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ

103. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn. info
التفاسير:

external-link copy
104 : 26

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

104. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan. info
التفاسير:

external-link copy
105 : 26

كَذَّبَتۡ قَوۡمُ نُوحٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

105. Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii (Alle). info
التفاسير:

external-link copy
106 : 26

إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ

106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhowrsaneyn (shirkiga)? info
التفاسير:

external-link copy
107 : 26

إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ

107. Anigu waxaan xaqiiq idiin ahay Rasuul aamin ah. info
التفاسير:

external-link copy
108 : 26

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

108. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca. info
التفاسير:

external-link copy
109 : 26

وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

109. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka. info
التفاسير:

external-link copy
110 : 26

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

110. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca. info
التفاسير:

external-link copy
111 : 26

۞ قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلۡأَرۡذَلُونَ

111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen? info
التفاسير: