Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ   አንቀጽ:
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
160. Qoonkii Luud waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ
161. Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
162. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
163. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
164. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَتَأۡتُونَ ٱلذُّكۡرَانَ مِنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
165. Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka10.
10. Miyey jiraan wax ka mid ah uumanka Alle aan idinka ahayn oo fala falkaa xun oo ah fal aan caadi ahayn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمۡ رَبُّكُم مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٌ عَادُونَ
166. Oo aad ka tagtaan wuxuu Rabbigiin idiin abuuray oo xaasaskiinna ah? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُخۡرَجِينَ
167. Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلۡقَالِينَ
168. (Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبِّ نَجِّنِي وَأَهۡلِي مِمَّا يَعۡمَلُونَ
169. Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
170. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ
171. Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal 'cadaabka'.
11. Xaaskii Luud, taasoo kaalmeyn jirtey dadkeeda xun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
172. Markaasaan baabbi’innay intii kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ
173. Waxaana ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
174. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
175. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
176. Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ شُعَيۡبٌ أَلَا تَتَّقُونَ
177. Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo Xumaha kale)?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
178. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
179. “Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
180. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ أَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُخۡسِرِينَ
181. Bixiya beeg dhan hana ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَزِنُواْ بِٱلۡقِسۡطَاسِ ٱلۡمُسۡتَقِيمِ
182. Oo wax ku miisaama Miisaan toosan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
183. Ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት