Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ   አንቀጽ:
قَالَ وَمَا عِلۡمِي بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
112. Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay fali?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ حِسَابُهُمۡ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّيۖ لَوۡ تَشۡعُرُونَ
113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
114. Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٞ
115. Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ
116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin 'ku baaqaaga Towxiidka' Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوۡمِي كَذَّبُونِ
117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱفۡتَحۡ بَيۡنِي وَبَيۡنَهُمۡ فَتۡحٗا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
119. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا بَعۡدُ ٱلۡبَاقِينَ
120. Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
121. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
122. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَتۡ عَادٌ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
123. Caad waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ
124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
125. Xaqiiq, anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
126. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
127. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَتَبۡنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةٗ تَعۡبَثُونَ
128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan.
8. Taallo ama wax muujinaya maalka iyo awooddooda. Waxay ka dhisi jireen dhismooyin dhaadheer agagaarka waddooyinka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمۡ تَخۡلُدُونَ
129. Oo yeelataan dhismooyin adag inaad waartaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا بَطَشۡتُم بَطَشۡتُمۡ جَبَّارِينَ
130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
131. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِيٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعۡلَمُونَ
132. Dhawra 'Amarrada Alle' Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَدَّكُم بِأَنۡعَٰمٖ وَبَنِينَ
133. Idin siiyey xoolo iyo ilmo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ
134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
135. Waxaan xaqiiq idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَوَعَظۡتَ أَمۡ لَمۡ تَكُن مِّنَ ٱلۡوَٰعِظِينَ
136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት