Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ   አንቀጽ:

Ash-shucaraa

طسٓمٓ
1. Taa Siin Miim1.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee Cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَعَلَّكَ بَٰخِعٞ نَّفۡسَكَ أَلَّا يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ
3. Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن نَّشَأۡ نُنَزِّلۡ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةٗ فَظَلَّتۡ أَعۡنَٰقُهُمۡ لَهَا خَٰضِعِينَ
4. Haddaan doonno, Waxaan kaga soo dejin calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogtaan2.
2. Macnaha waxaa lagu qasbayaa inay rumeeyaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٖ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ مُحۡدَثٍ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهُ مُعۡرِضِينَ
5. Uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka 'Alle' iyagoo cusub oo is daba jooga, waase ka jeesadaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقَدۡ كَذَّبُواْ فَسَيَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
6. Waxay beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed waxaa u imaan wararka waxay ku jees-jeesayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَمۡ أَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٖ كَرِيمٍ
7. Miyeyna arkayn dhulka intee baan nooc kasta oo dhir wanaagsan ah sababnay inuu ka soo baxo?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
8. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
9. Hubaalna Rabbigaa waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئۡتِ ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
10. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَۚ أَلَا يَتَّقُونَ
11. Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
12. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَضِيقُ صَدۡرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرۡسِلۡ إِلَىٰ هَٰرُونَ
13. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَهُمۡ عَلَيَّ ذَنۢبٞ فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ
14. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ كَلَّاۖ فَٱذۡهَبَا بِـَٔايَٰتِنَآۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسۡتَمِعُونَ
15. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأۡتِيَا فِرۡعَوۡنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
16. U taga Fircoon oo ku dhaha: "Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka".
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَنۡ أَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
17. Ee nagu dar hana raacaane ilmaha Israa’iil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَلَمۡ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدٗا وَلَبِثۡتَ فِينَا مِنۡ عُمُرِكَ سِنِينَ
18. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفَعَلۡتَ فَعۡلَتَكَ ٱلَّتِي فَعَلۡتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
19. Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አሽ ሹዐራእ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት