Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - الترجمة الصومالية - يعقوب * - Mealler fihristi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Anlam tercümesi Sure: Sûratu'ş-Şuarâ'   Ayet:

Suurada Ash-shucaraa

طسٓمٓ
1. Taa Siin Miim1.
1. . Xarfahan waa xuruuf ka mid ah alifbeetada afka Carabiga uu Qur’aanku ku soo degay, sidaas oo ay tahay ma jiro axad keeni kara xitaa Suuradda ugu kooban ee Qur’aanka Mucjisada weyn ah).
Arapça tefsirler:
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee Cad.
Arapça tefsirler:
لَعَلَّكَ بَٰخِعٞ نَّفۡسَكَ أَلَّا يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ
3. Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed.
Arapça tefsirler:
إِن نَّشَأۡ نُنَزِّلۡ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةٗ فَظَلَّتۡ أَعۡنَٰقُهُمۡ لَهَا خَٰضِعِينَ
4. Haddaan doonno, Waxaan kaga soo dejin calaamo cirka, ay luqumahoodu u khuduucaan2.
2. Macnaha waxaa lagu qasbayaa inay rumeeyaan.
Arapça tefsirler:
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٖ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ مُحۡدَثٍ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهُ مُعۡرِضِينَ
5. Uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka(Alle) iyagoo cusub oo is daba jooga, waase ka jeesadaan.
Arapça tefsirler:
فَقَدۡ كَذَّبُواْ فَسَيَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
6. Waxay beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed waxaa u imaan wararka waxay ku jees-jeesayeen.
Arapça tefsirler:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَمۡ أَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٖ كَرِيمٍ
7. Miyeyna arkayn dhulka intee baan nooc kasta oo dhir wanaagsan ah sababnay inuu ka soo baxo?
Arapça tefsirler:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
8. Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
9. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
Arapça tefsirler:
وَإِذۡ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئۡتِ ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
10. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Arapça tefsirler:
قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَۚ أَلَا يَتَّقُونَ
11. Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?
Arapça tefsirler:
قَالَ رَبِّ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
12. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,
Arapça tefsirler:
وَيَضِيقُ صَدۡرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرۡسِلۡ إِلَىٰ هَٰرُونَ
13. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo).
Arapça tefsirler:
وَلَهُمۡ عَلَيَّ ذَنۢبٞ فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ
14. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan.
Arapça tefsirler:
قَالَ كَلَّاۖ فَٱذۡهَبَا بِـَٔايَٰتِنَآۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسۡتَمِعُونَ
15. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna.
Arapça tefsirler:
فَأۡتِيَا فِرۡعَوۡنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
16. U taga Fircoon oo ku dhaha: "Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka".
Arapça tefsirler:
أَنۡ أَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
17. Ee nagu dar hana raacaane ilmaha Israa’iil.
Arapça tefsirler:
قَالَ أَلَمۡ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدٗا وَلَبِثۡتَ فِينَا مِنۡ عُمُرِكَ سِنِينَ
18. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?
Arapça tefsirler:
وَفَعَلۡتَ فَعۡلَتَكَ ٱلَّتِي فَعَلۡتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
19. Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe.
Arapça tefsirler:
قَالَ فَعَلۡتُهَآ إِذٗا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
20. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waxaan falay anigoon wax garanayn.
Arapça tefsirler:
فَفَرَرۡتُ مِنكُمۡ لَمَّا خِفۡتُكُمۡ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكۡمٗا وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
21. Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha.
Arapça tefsirler:
وَتِلۡكَ نِعۡمَةٞ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنۡ عَبَّدتَّ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
22. Oo taasi (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib-sheegato, adigoo addoonsaday ilmihii Israa’iil?
Arapça tefsirler:
قَالَ فِرۡعَوۡنُ وَمَا رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
23. Fircoon wuxuu yidhi: Muxuu yahay Rabbiga uumanka?
Arapça tefsirler:
قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
24. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyneysaan) idinkoo yaqiinsan.
Arapça tefsirler:
قَالَ لِمَنۡ حَوۡلَهُۥٓ أَلَا تَسۡتَمِعُونَ
25. (Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn?
Arapça tefsirler:
قَالَ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
26. (Muuse) Wuxuu yidhi: (Alle) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
Arapça tefsirler:
قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِيٓ أُرۡسِلَ إِلَيۡكُمۡ لَمَجۡنُونٞ
27. (Fircoon) wuxuu yidhi3: Hubaal Rasuulkiinna la idiin soo diray waa jinnoole.
3. Isagoo si ay cadho badan ku jirto ula hadlaya dadkii goob joogga ahaa.
Arapça tefsirler:
قَالَ رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ
28. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddaad wax fahmeysaan.
Arapça tefsirler:
قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذۡتَ إِلَٰهًا غَيۡرِي لَأَجۡعَلَنَّكَ مِنَ ٱلۡمَسۡجُونِينَ
29. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan.
Arapça tefsirler:
قَالَ أَوَلَوۡ جِئۡتُكَ بِشَيۡءٖ مُّبِينٖ
30.(Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad?
Arapça tefsirler:
قَالَ فَأۡتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
31. (Fircoon) wuxuu yidhi: La imow, haddaad run sheegi.
Arapça tefsirler:
فَأَلۡقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعۡبَانٞ مُّبِينٞ
32. Markaasuu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda.
Arapça tefsirler:
وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِيَ بَيۡضَآءُ لِلنَّٰظِرِينَ
33. Oo soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad (ifeysa) kuwa eegaya.
Arapça tefsirler:
قَالَ لِلۡمَلَإِ حَوۡلَهُۥٓ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ عَلِيمٞ
34. (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: Kanu waa saaxir xeel dheer.
Arapça tefsirler:
يُرِيدُ أَن يُخۡرِجَكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِۦ فَمَاذَا تَأۡمُرُونَ
35. Raba inuu idin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa, ee maxaad ku talineysaan?
Arapça tefsirler:
قَالُوٓاْ أَرۡجِهۡ وَأَخَاهُ وَٱبۡعَثۡ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ
36. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalki (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya4.
4. Kuwa keena saaxiriin oo soo qora ciidammo badan si looga joojiyo ilmaha Israa’iil inay ka tagaan oo ka baxaan halkaasi.
Arapça tefsirler:
يَأۡتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٖ
37. Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer.
Arapça tefsirler:
فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَٰتِ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ
38. Markaasaa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan
Arapça tefsirler:
وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلۡ أَنتُم مُّجۡتَمِعُونَ
39. Waxaana lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan?
Arapça tefsirler:
لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
40. Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan.
Arapça tefsirler:
فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُواْ لِفِرۡعَوۡنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجۡرًا إِن كُنَّا نَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
41. Markay yimaadeen sixiroolayaashii, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddaan innagu adkaanno?
Arapça tefsirler:
قَالَ نَعَمۡ وَإِنَّكُمۡ إِذٗا لَّمِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ
42. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, idinkuna markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwa ii dhow.
Arapça tefsirler:
قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ
43. Muuse wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan.
Arapça tefsirler:
فَأَلۡقَوۡاْ حِبَالَهُمۡ وَعِصِيَّهُمۡ وَقَالُواْ بِعِزَّةِ فِرۡعَوۡنَ إِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
44. Markaasay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii oo yidhaahdeen: “Waa nagu sharafta Fircoone, innagaa adkaan".
Arapça tefsirler:
فَأَلۡقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلۡقَفُ مَا يَأۡفِكُونَ
45. Markaasuu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen.
Arapça tefsirler:
فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سَٰجِدِينَ
46. Sixiroolayaashiina dhulkay la dhaceen sujuud.
Arapça tefsirler:
قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
47. Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeynay Rabbiga uumanka.
Arapça tefsirler:
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
48. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.
Arapça tefsirler:
قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَ فَلَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ أَجۡمَعِينَ
49. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen (Muuse) ka hor intaan idiin idmin; waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, waadse ogaan dontaan, waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf waana idin daldali dhammaan.
Arapça tefsirler:
قَالُواْ لَا ضَيۡرَۖ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ
50. Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Innagu Xagga Rabigayo baan u noqon.
Arapça tefsirler:
إِنَّا نَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَٰيَٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
51. Waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa).
Arapça tefsirler:
۞ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَسۡرِ بِعِبَادِيٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
52. Waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idinkoo ku baxaya guuro habeennimo, waa la idiin soo raaciye.
Arapça tefsirler:
فَأَرۡسَلَ فِرۡعَوۡنُ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ
53. Markaasuu Fircoon u diray magaaloo- yinka kuwo soo kulmiya (askartiisii).
Arapça tefsirler:
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَشِرۡذِمَةٞ قَلِيلُونَ
54. (Isagoo leh) kuwani wax koox yar,
Arapça tefsirler:
وَإِنَّهُمۡ لَنَا لَغَآئِظُونَ
55. Wayna na cadho geliyeen;
Arapça tefsirler:
وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَٰذِرُونَ
56. Waxaana nahay kuwo had iyo jeer digtoon.
Arapça tefsirler:
فَأَخۡرَجۡنَٰهُم مِّن جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
57. Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo.
Arapça tefsirler:
وَكُنُوزٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ
58. Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan.
Arapça tefsirler:
كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
59. Waa sidaase, waxaan dhaxalsiinnay Ilmahii Israa’iil.
Arapça tefsirler:
فَأَتۡبَعُوهُم مُّشۡرِقِينَ
60. Markaasay (Fircoon iyo askartiisii) soo raaceen (ka daba tageen) goor qorrax soo bax ah.
Arapça tefsirler:
فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلۡجَمۡعَانِ قَالَ أَصۡحَٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدۡرَكُونَ
61. Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Waa nala haleelay”.
Arapça tefsirler:
قَالَ كَلَّآۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهۡدِينِ
62. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo.
Arapça tefsirler:
فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضۡرِب بِّعَصَاكَ ٱلۡبَحۡرَۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرۡقٖ كَٱلطَّوۡدِ ٱلۡعَظِيمِ
63. Markaasaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaasay kala dhanbalantay oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn.
Arapça tefsirler:
وَأَزۡلَفۡنَا ثَمَّ ٱلۡأٓخَرِينَ
64. Waana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon).
Arapça tefsirler:
وَأَنجَيۡنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
65. Waxaana badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay dhammaan.
Arapça tefsirler:
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
66. Kaddib waxaan harqinnay (maan-sheynay) kuwii kale (Fircoon iyo qolodiisii).
Arapça tefsirler:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
67. Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
68. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan.
Arapça tefsirler:
وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ إِبۡرَٰهِيمَ
69. U akhrina qisadii Ibraahiim.
Arapça tefsirler:
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا تَعۡبُدُونَ
70. Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Maxaad caabudaysaan?
Arapça tefsirler:
قَالُواْ نَعۡبُدُ أَصۡنَامٗا فَنَظَلُّ لَهَا عَٰكِفِينَ
71. Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budi asnaam, oo ag yuruursan (fadhin).
Arapça tefsirler:
قَالَ هَلۡ يَسۡمَعُونَكُمۡ إِذۡ تَدۡعُونَ
72. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?.
Arapça tefsirler:
أَوۡ يَنفَعُونَكُمۡ أَوۡ يَضُرُّونَ
73. Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?
Arapça tefsirler:
قَالُواْ بَلۡ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ
74. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya.
Arapça tefsirler:
قَالَ أَفَرَءَيۡتُم مَّا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ
75. Wuxuu yidhi: Bal ka warrama waxaad caabudeysaan -
Arapça tefsirler:
أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلۡأَقۡدَمُونَ
76. “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?-
Arapça tefsirler:
فَإِنَّهُمۡ عَدُوّٞ لِّيٓ إِلَّا رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
77.Iyagu waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka5.
5. Waayo dadkaasi waxay caabudayeen sannamo la jirka Alle, marka wuxuu Ibraahiim u sheegay inuu barii ka yahay dhammaan waxay caabudaan marka laga soo reebo Alle, Rabbiga uumanka, waan jeclahay Isaga.
Arapça tefsirler:
ٱلَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهۡدِينِ
78. “(Alle), ee i abuuray, ahna Kan i hanuunsha.
Arapça tefsirler:
وَٱلَّذِي هُوَ يُطۡعِمُنِي وَيَسۡقِينِ
79. Ee ah Kan I quudiya oo i waraabsha.
Arapça tefsirler:
وَإِذَا مَرِضۡتُ فَهُوَ يَشۡفِينِ
80. Markaan bukoodona, Isagaa (Alle) I bogsiya.
Arapça tefsirler:
وَٱلَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحۡيِينِ
81. (Alle) waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale);
Arapça tefsirler:
وَٱلَّذِيٓ أَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لِي خَطِيٓـَٔتِي يَوۡمَ ٱلدِّينِ
82. Waana Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada).
Arapça tefsirler:
رَبِّ هَبۡ لِي حُكۡمٗا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ
83. Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan.
Arapça tefsirler:
وَٱجۡعَل لِّي لِسَانَ صِدۡقٖ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
84. Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood.
Arapça tefsirler:
وَٱجۡعَلۡنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ
85. Iga mid yeelna dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.
Arapça tefsirler:
وَٱغۡفِرۡ لِأَبِيٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
86. Una denbi dhaaf Aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane.
Arapça tefsirler:
وَلَا تُخۡزِنِي يَوۡمَ يُبۡعَثُونَ
87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka dhimasho kaddib - Maalinta Qiyaamaha).
Arapça tefsirler:
يَوۡمَ لَا يَنفَعُ مَالٞ وَلَا بَنُونَ
88. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna.
Arapça tefsirler:
إِلَّا مَنۡ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلۡبٖ سَلِيمٖ
89. Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow6.
6. Qalbi ka fayow shirki, gaalnimo, munaafiqnimo, shaki, isla weyni, is cjabin, xasad, xin, xumaato, khiyaano,dhagar, iwm.
Arapça tefsirler:
وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ
90. Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada(ee iska jira xumaha).
Arapça tefsirler:
وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِلۡغَاوِينَ
91. Loo muujinna Naarta kuwa habowsan.
Arapça tefsirler:
وَقِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ
92. Waxaana lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen?
Arapça tefsirler:
مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلۡ يَنصُرُونَكُمۡ أَوۡ يَنتَصِرُونَ
93. Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?
Arapça tefsirler:
فَكُبۡكِبُواْ فِيهَا هُمۡ وَٱلۡغَاوُۥنَ
94. Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba.
Arapça tefsirler:
وَجُنُودُ إِبۡلِيسَ أَجۡمَعُونَ
95. Iyo askartii ibliis oo dhan.
Arapça tefsirler:
قَالُواْ وَهُمۡ فِيهَا يَخۡتَصِمُونَ
96. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),
Arapça tefsirler:
تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
97. Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad.
Arapça tefsirler:
إِذۡ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
98. Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka.
Arapça tefsirler:
وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلۡمُجۡرِمُونَ
99. Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm).
Arapça tefsirler:
فَمَا لَنَا مِن شَٰفِعِينَ
100. Haatan ma lihin wax garab na siiya.
Arapça tefsirler:
وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٖ
101. Iyo saaxiib run ah midna.
Arapça tefsirler:
فَلَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةٗ فَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta7.
7. Dhammaadka hadalka ka go’an waa la iska qiyaasi karaa oo waxaa weeye waxaynu fali lahayn sidaa ama sidaasi.
Arapça tefsirler:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
103. Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
104. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
Arapça tefsirler:
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ نُوحٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
105. Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
Arapça tefsirler:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhawrsaneyn (shirkiga)?
Arapça tefsirler:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
107. Anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
Arapça tefsirler:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
108. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
Arapça tefsirler:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
109. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (fidinta Diinta Alle), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya (Alle) Rabbiga uumanka.
Arapça tefsirler:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
110.Ee iska jira (ciqaabka) Alle oo i adeeca.
Arapça tefsirler:
۞ قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلۡأَرۡذَلُونَ
111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?
Arapça tefsirler:
قَالَ وَمَا عِلۡمِي بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
112. Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay fali?
Arapça tefsirler:
إِنۡ حِسَابُهُمۡ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّيۖ لَوۡ تَشۡعُرُونَ
113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan.
Arapça tefsirler:
وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
114. Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.
Arapça tefsirler:
إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٞ
115. Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.
Arapça tefsirler:
قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ
116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin(ku baaqaaga Towxiidka) Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.
Arapça tefsirler:
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوۡمِي كَذَّبُونِ
117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.
Arapça tefsirler:
فَٱفۡتَحۡ بَيۡنِي وَبَيۡنَهُمۡ فَتۡحٗا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.
Arapça tefsirler:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
119. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday.
Arapça tefsirler:
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا بَعۡدُ ٱلۡبَاقِينَ
120. Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii).
Arapça tefsirler:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
121. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
122. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
Arapça tefsirler:
كَذَّبَتۡ عَادٌ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
123. Caad waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
Arapça tefsirler:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ
124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
Arapça tefsirler:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
125. Anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
Arapça tefsirler:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
126. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
Arapça tefsirler:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
127. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
Arapça tefsirler:
أَتَبۡنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةٗ تَعۡبَثُونَ
128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan.
8. Taallo ama wax muujinaya maalka iyo awooddooda. Waxay ka dhisi jireen dhismooyin dhaadheer agagaarka waddooyinka.
Arapça tefsirler:
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمۡ تَخۡلُدُونَ
129. Oo yeelataan dhismooyin adag inaad waartaan.
Arapça tefsirler:
وَإِذَا بَطَشۡتُم بَطَشۡتُمۡ جَبَّارِينَ
130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin (gar ma qaatayaal) ah?
Arapça tefsirler:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
131.Ee iska jira (ciqaabka) Alle oo i adeeca.
Arapça tefsirler:
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِيٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعۡلَمُونَ
132. Dhowrana (Amarrada Alle ee ah) Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.
Arapça tefsirler:
أَمَدَّكُم بِأَنۡعَٰمٖ وَبَنِينَ
133. Idin siiyey xoolo iyo ilmo.
Arapça tefsirler:
وَجَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ
134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo.
Arapça tefsirler:
إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
135. Waxaan idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin daran.
Arapça tefsirler:
قَالُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَوَعَظۡتَ أَمۡ لَمۡ تَكُن مِّنَ ٱلۡوَٰعِظِينَ
136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.
Arapça tefsirler:
إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلۡأَوَّلِينَ
137. Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay).
Arapça tefsirler:
وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ
138. Mana nihin kuwo la cadaabayo.
Arapça tefsirler:
فَكَذَّبُوهُ فَأَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
139. Wayse beeniyeen, markaasaan halaagnay. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
140. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
Arapça tefsirler:
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
141. Thamuud waxay beenisay Rusushii.
Arapça tefsirler:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ صَٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
142. Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
Arapça tefsirler:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
143. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah.
Arapça tefsirler:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
144. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
Arapça tefsirler:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
145. Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Diinta Alle), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya (Alle) Rabbiga uumanka.
Arapça tefsirler:
أَتُتۡرَكُونَ فِي مَا هَٰهُنَآ ءَامِنِينَ
146. Ma waxaa la idiinkaga tagi halkan idinkoo nabad ah?
Arapça tefsirler:
فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
147. Ku sugan beero iyo ilo.
Arapça tefsirler:
وَزُرُوعٖ وَنَخۡلٖ طَلۡعُهَا هَضِيمٞ
148. Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay.
Arapça tefsirler:
وَتَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتٗا فَٰرِهِينَ
149. Oo aad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn.
Arapça tefsirler:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
150.Ee iska jira (ciqaabka) Alle oo i adeeca.
Arapça tefsirler:
وَلَا تُطِيعُوٓاْ أَمۡرَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
151. Hana adeecina amarka xad gudbayaasha.
Arapça tefsirler:
ٱلَّذِينَ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ
152. Ee ah kuwa fasahaadiya arlada oo aan hagaajin.
Arapça tefsirler:
قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ
153. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran.
Arapça tefsirler:
مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا فَأۡتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
154. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddaad run sheegayso.
Arapça tefsirler:
قَالَ هَٰذِهِۦ نَاقَةٞ لَّهَا شِرۡبٞ وَلَكُمۡ شِرۡبُ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ
155. (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.
9. Hal Mucjiso ahaan loogu soo diray Calaamo ahaan ka timid xagga Alle.
Arapça tefsirler:
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٖ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابُ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
156. Ee ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin daran.
Arapça tefsirler:
فَعَقَرُوهَا فَأَصۡبَحُواْ نَٰدِمِينَ
157. Waase boqna gooyeen hashii (oo dileen), markaasay ka shallaayeen.
Arapça tefsirler:
فَأَخَذَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
158. Markaasaa waxaa qabtay cadaab. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
159. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
Arapça tefsirler:
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
160. Qoonkii Luud waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
Arapça tefsirler:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ
161. Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
Arapça tefsirler:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
162. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
Arapça tefsirler:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
163. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
Arapça tefsirler:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
164. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
Arapça tefsirler:
أَتَأۡتُونَ ٱلذُّكۡرَانَ مِنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
165. Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka10.
10. Miyey jiraan wax ka mid ah uumanka Alle aan idinka ahayn oo fala falkaa xun oo ah fal aan caadi ahayn?
Arapça tefsirler:
وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمۡ رَبُّكُم مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٌ عَادُونَ
166. Oo aad ka tagtaan wuxuu Rabbigiin idiin abuuray oo xaasaskiinna ah? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudba.
Arapça tefsirler:
قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُخۡرَجِينَ
167. Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro.
Arapça tefsirler:
قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلۡقَالِينَ
168. (Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun).
Arapça tefsirler:
رَبِّ نَجِّنِي وَأَهۡلِي مِمَّا يَعۡمَلُونَ
169. Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan.
Arapça tefsirler:
فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
170. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.
Arapça tefsirler:
إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ
171. Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal(cadaabka).
11. Xaaskii Luud, taasoo kaalmeyn jirtey dadkeeda xun.
Arapça tefsirler:
ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
172. Markaasaan baabbi’innay intii kale.
Arapça tefsirler:
وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ
173. Waxaana ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
Arapça tefsirler:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
174. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
175. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
Arapça tefsirler:
كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
176. Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
Arapça tefsirler:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ شُعَيۡبٌ أَلَا تَتَّقُونَ
177. Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo Xumaha kale)?.
Arapça tefsirler:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
178. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
Arapça tefsirler:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
179. “Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
Arapça tefsirler:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
180. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
Arapça tefsirler:
۞ أَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُخۡسِرِينَ
181. Bixiya beeg dhan hana ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima.
Arapça tefsirler:
وَزِنُواْ بِٱلۡقِسۡطَاسِ ٱلۡمُسۡتَقِيمِ
182. Oo wax ku miisaama Miisaan toosan.
Arapça tefsirler:
وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
183. Hana ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad.
Arapça tefsirler:
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلۡجِبِلَّةَ ٱلۡأَوَّلِينَ
184. Ee iska jira (ciqaabka Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba.
Arapça tefsirler:
قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ
185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran12.
12. Waa haddii loo akhriyo “ minal mussaxariin” waxaa sidoo kale loo akhiryaa akhrin kale “ minal mussaxiriin” markaas mancaha waa kuwa wax sixra.
Arapça tefsirler:
وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada.
Arapça tefsirler:
فَأَسۡقِطۡ عَلَيۡنَا كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
187. Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi.
Arapça tefsirler:
قَالَ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ
188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan.
Arapça tefsirler:
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمِ ٱلظُّلَّةِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ
189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran.
Arapça tefsirler:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
190. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga (Alle) Rabbiga Rabbiga uumanka.
Arapça tefsirler:
نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ
193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .
Arapça tefsirler:
عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ
194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.
Arapça tefsirler:
بِلِسَانٍ عَرَبِيّٖ مُّبِينٖ
195. Isagoo af Carabi faseex ah.
Arapça tefsirler:
وَإِنَّهُۥ لَفِي زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ
196. Wuxuuna ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka baa lagu sheegay).
Arapça tefsirler:
أَوَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ ءَايَةً أَن يَعۡلَمَهُۥ عُلَمَٰٓؤُاْ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ogaayeen?
Arapça tefsirler:
وَلَوۡ نَزَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ بَعۡضِ ٱلۡأَعۡجَمِينَ
198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood13.
13. Macnaha waa aan ku soo dejin lahayn Qur’aanka cid kale aan Carab ahayn, ama si fiican u aqoon afka Carabiga oo aan faseex ahayn.
Arapça tefsirler:
فَقَرَأَهُۥ عَلَيۡهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ مُؤۡمِنِينَ
199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray14.
14. Mucjiso ahaan xagga Alle.
Arapça tefsirler:
كَذَٰلِكَ سَلَكۡنَٰهُ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
200. Sidaasaan u galinnaa diiddada Xaqa quluubta dadka xun ee denbiilayaasha ah.
Arapça tefsirler:
لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
201. Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan.
Arapça tefsirler:
فَيَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn.
Arapça tefsirler:
فَيَقُولُواْ هَلۡ نَحۡنُ مُنظَرُونَ
203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?
Arapça tefsirler:
أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ
204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?
Arapça tefsirler:
أَفَرَءَيۡتَ إِن مَّتَّعۡنَٰهُمۡ سِنِينَ
205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.
Arapça tefsirler:
ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُواْ يُوعَدُونَ
206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo.
Arapça tefsirler:
مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يُمَتَّعُونَ
207. Maxay u tari Waxa loogu raaxeeyey?
Arapça tefsirler:
وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ
208. Ma jirtona magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal.
Arapça tefsirler:
ذِكۡرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
209. Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka).
Arapça tefsirler:
وَمَا تَنَزَّلَتۡ بِهِ ٱلشَّيَٰطِينُ
210. Mana ayan keenin15 (Qur’aankan) Shaydaammada.
15. Siday yidhaahdaan gaalada, waxaase Alle Xaggiisa ka keenay malag Jabriil, Ruuxa aaminka ah oo ku soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.
Arapça tefsirler:
وَمَا يَنۢبَغِي لَهُمۡ وَمَا يَسۡتَطِيعُونَ
211. Kumana habboona, mana laha awood (sheydaammadu) inay isagoo kale (Qur’aanka) keenaan.
Arapça tefsirler:
إِنَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّمۡعِ لَمَعۡزُولُونَ
212. Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan (Qur’aanka)16.
16. Sida lagu xusay Suuradda 72: Aayadda 9.
Arapça tefsirler:
فَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُعَذَّبِينَ
213. Ee ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo.
Arapça tefsirler:
وَأَنذِرۡ عَشِيرَتَكَ ٱلۡأَقۡرَبِينَ
214. Una dig xigtadaada kuu dhow.
Arapça tefsirler:
وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
215. Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta.
Arapça tefsirler:
فَإِنۡ عَصَوۡكَ فَقُلۡ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ
216. Haddayse ku caasiyaan dheh: Anigu barii baan ka ahay waxaad fashaan.
Arapça tefsirler:
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
217. Isku hallee oo talo saaro (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,
Arapça tefsirler:
ٱلَّذِي يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ
218. Ee ku arka markaad kaceyso17.
17. Markaad ka soo kacdo gogoshaada habeenkii si aad u tukato salaatu leyl adigoo keligaa ah.
Arapça tefsirler:
وَتَقَلُّبَكَ فِي ٱلسَّٰجِدِينَ
219. Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood18 kuwa u sujuuda (Alle).
18. Adigoo ku dhex jira kuwaasi kula tukada jameeco ahaanta.
Arapça tefsirler:
إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
220. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
Arapça tefsirler:
هَلۡ أُنَبِّئُكُمۡ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَٰطِينُ
221. Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada?
Arapça tefsirler:
تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٖ
222. Waxay ku soo degaan beenaale kasta, denbiile ah.
Arapça tefsirler:
يُلۡقُونَ ٱلسَّمۡعَ وَأَكۡثَرُهُمۡ كَٰذِبُونَ
223. Waxay dhigtaan dhegaha19, badankoodna waa beenlawyo.
19. Tani waxay ahayd ka hor inta aan arrinkaa laga mamnuucin shayaadiinta oo laga hor joogsan, sida ku soo aroortay Suuradda 72: Aayadaha 8-9.
Arapça tefsirler:
وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلۡغَاوُۥنَ
224. Gabyaayadana waxaa raaca kuwa habowsan.
Arapça tefsirler:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّهُمۡ فِي كُلِّ وَادٖ يَهِيمُونَ
225. Miyaadan arag inay tog kasta la wareegaan waxa ay ku wareersan yihiin (iyagoo ku ammaanaya dad run iyo beenba)?
Arapça tefsirler:
وَأَنَّهُمۡ يَقُولُونَ مَا لَا يَفۡعَلُونَ
226. Iyo inay sheegaan waxaysan falayn20.
20. Waxaa loola jeedaa in gabyaayada qaarkood iska tiriyaan gabayga iyagoo aan ugala jeedin khayr fidin, aan lahayn wax mowqif cad ah, iyagoo ku hadla been iyagoo aan wax kala saarin, wax iska ammaana ama caaya iyagoo uun raacaya hawadooda iyo danahooda.
Arapça tefsirler:
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَذَكَرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱنتَصَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَيَّ مُنقَلَبٖ يَنقَلِبُونَ
227. Kuwa (Xaqa) rumeeyey mooyee oo samaha fala, oo xusa Alle in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib21. Wayna ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi (Qiyaamada)22?
21. Ee ugu jawaaba gabay ahaan wax sheegga gabyaayada cadowga.
22. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: In laabta midkiin malax ka buuxsanto baa ka fiican inuu ka buuxsamo gabay.” Waa gabayada xun aan qiimaha lahayn.
Arapça tefsirler:
 
Anlam tercümesi Sure: Sûratu'ş-Şuarâ'
Surelerin fihristi Sayfa numarası
 
Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - الترجمة الصومالية - يعقوب - Mealler fihristi

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

Kapat