Check out the new design

Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub * - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Fassarar Ma'anoni Aya: (144) Sura: Aal'Imran
وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٞ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِ ٱلرُّسُلُۚ أَفَإِيْن مَّاتَ أَوۡ قُتِلَ ٱنقَلَبۡتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡۚ وَمَن يَنقَلِبۡ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ فَلَن يَضُرَّ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۚ وَسَيَجۡزِي ٱللَّهُ ٱلشَّٰكِرِينَ
144. Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul (Alle), Waxaa tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto27 ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Qofkiina dib ugu gaddooma cirbihiisa, waxba uma dhimayo Alle, Allena waa u abaal gudi kuwa mahdiya.
27. Rasuulka Alle waa qof Aadmi ah uu soo diray Alle Rusul hortiis. Qaarkood la dilay, qaarna u dhinteen jirrooyin, sidaas oo kale Nabigu sc.w. wuu dhiman sida Rusushii horeba. Dagaalkii Uxud waxaa faafay warka dilidda Nabiga s.c.w. warkaasoo qas iyo qalalaase geliyey muslimiiintii, heer muslimiinta qaarkood ay magan weydiisteen Abuu Sufyaan oo ahaa markaas odayga Quraysh. Munaafiqiintiina waxay yidhaahdeen hadduu Muxammad ahaan lahaa Nabi lama dileen. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan si uu u dejiyo quluubta muslimiinta iyo jawaab celin ahaan waxay yidhaahdeen munaafiqiinta. (Saxiix Al- Bukhaari Baabka Jihaadka).
Abuu Bakar a.k.r. wuxuu soo daliilsaday Aayaddan maalintii uu geeriyooday Nabiga s.c.w. si uu u dejiyo Cumar bin Al-Khaddaab iyo saxaabada qaarkood ee rumeysan waayey dhimashada Nabiga s.c.w. ( Saxiix Al- Bukhaari qaybta Taqwada Saxaabada).
Tafsiran larabci:
 
Fassarar Ma'anoni Aya: (144) Sura: Aal'Imran
Teburin Jerin Sunayen Surori Lambar shafi
 
Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

Abdullahi Hassan Ya'aƙub ne ya fassarasu.

Rufewa