Check out the new design

Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub * - Índice de traducciones

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traducción de significados Versículo: (144) Capítulo: Al-‘Imrán
وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٞ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِ ٱلرُّسُلُۚ أَفَإِيْن مَّاتَ أَوۡ قُتِلَ ٱنقَلَبۡتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡۚ وَمَن يَنقَلِبۡ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ فَلَن يَضُرَّ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۚ وَسَيَجۡزِي ٱللَّهُ ٱلشَّٰكِرِينَ
144. Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul (Alle), Waxaa tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto [27] ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Qofkii dib ugu gaddooma cirbihiisa, waxba uma dhimayo Alle. Alle waa u abaal gudi kuwa mahdiya.
27. Rasuulka Alle waa qof Aadmi ah uu soo diray Alle Rusul hortiis. Qaarkood la dilay, qaarna u dhinteen jirrooyin, sidaas oo kale Nabigu sc.w. wuu dhiman sida Rusushii horeba. Dagaalkii Uxud waxaa faafay warka dilidda Nabiga s.c.w. warkaasoo qas iyo qalalaase geliyey muslimiiintii, heer muslimiinta qaarkood ay magan weydiisteen Abuu Sufyaan oo ahaa markaas odayga Quraysh. Munaafiqiintiina waxay yidhaahdeen hadduu Muxammad ahaan lahaa Nabi lama dileen. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan si uu u dejiyo quluubta muslimiinta iyo jawaab celin ahaan waxay yidhaahdeen munaafiqiinta. (Saxiix Al- Bukhaari Baabka Jihaadka).
Abuu Bakar a.k.r. wuxuu soo daliilsaday Aayaddan maalintii uu geeriyooday Nabiga s.c.w. si uu u dejiyo Cumar bin Al-Khaddaab iyo saxaabada qaarkood ee rumeysan waayey dhimashada Nabiga s.c.w. ( Saxiix Al- Bukhaari qaybta Taqwada Saxaabada).
Las Exégesis Árabes:
 
Traducción de significados Versículo: (144) Capítulo: Al-‘Imrán
Índice de Capítulos Número de página
 
Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub - Índice de traducciones

Traducida por Abdullah Hassan Yaqub.

Cerrar