Check out the new design

Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub * - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Fassarar Ma'anoni Aya: (4) Sura: Al'ahzab
مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٖ مِّن قَلۡبَيۡنِ فِي جَوۡفِهِۦۚ وَمَا جَعَلَ أَزۡوَٰجَكُمُ ٱلَّٰٓـِٔي تُظَٰهِرُونَ مِنۡهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمۡۚ وَمَا جَعَلَ أَدۡعِيَآءَكُمۡ أَبۡنَآءَكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ قَوۡلُكُم بِأَفۡوَٰهِكُمۡۖ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلۡحَقَّ وَهُوَ يَهۡدِي ٱلسَّبِيلَ
4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale2, kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen3. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Alle wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).
1. Al-Axzaab waxay tilmaameysaa isbaheysigii qabaa’ishii Carabta ee gaalada ahayd iyagoo col ku ah Muslimiintii degganeyd Madiinah iyagoo ku soo qaaday duullaan loogu magac daray Al-Axzaab ama Al-Khandaq (dagaalkii Godka), dagaalkaas oo dhacay bishii Shawaal, sannadkii shanaad ee Hijrada.
2. Waa ninka oo ku yidhaahda xaaskiisa waxaad iga tahay hooyaday oo kale, waxayna sidaas xaaska kaga noqoneysey ninkeeda xaaraan abadki. Waxaase lagu nasakhay Islaamka, waxayna xaaska u noqon xalaal kaddib markuu baxsho kafaaro gudka lagu xusay Suuradda 58: Aayadaha 3-4.
3. Carruurta aad idinka koriseen oo dar yeesheen. Mowla waa addoonka la xoreeyey ama uu abbaankiisa ka dhigtay wiil uu dhalay ahaan, sida Saalim, wuxuu ka dhigtay Xudayfa wiilkiisa oo kale, waxaana loo yiqiin mowlaa Xudeyfa.
Tafsiran larabci:
 
Fassarar Ma'anoni Aya: (4) Sura: Al'ahzab
Teburin Jerin Sunayen Surori Lambar shafi
 
Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub - Teburin Bayani kan wasu Fassarori

Abdullahi Hassan Ya'aƙub ne ya fassarasu.

Rufewa