6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda5, xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Ilaahay xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka6.
5. Nabiga s.c.w. baa sii mudan in la maqlo oo daacad loo ahaado. Mu’miniinta dhabta ahna waxay jecel yihiin Nabiga s.c.w. wax ka badan nafahooda arrin kasta oo la soo gudboonaada.
6. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka. Waxaa halkan loola jeedaa siismada cidaan waraso ahayn in loo dardaarmo wax aan ka badneyn seddex meeloodoo meel dhaxalka laga tagey.
8. Si uu (Alle) wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda7, Wuxuuna u diyaariyey gaalada cadaab xanuun badan.
7. Si uu u weydiiyo Anbiyada waxa ay soo gaarsiiyeen dadkooda iyo sida loogu jawaabay. Runlowyada waxaa sidoo kale loola jeedi karaa kuwaasi rumeeyey dhambaalka ay soo gaarsiiyeen anbiyadooda oo sii gaarsiiyey dadka kale.
18. Alle dhab ahaan waa og yahay kuwa idinka mid ah ee ka reeba (jihaadka Jidka Alle)11, iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya12; mana yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee13.
11. Kuwa ka cesha dadka kale inay taageero siiyaan jihaadka oo garab istaagaan mujaahidiinta dagaalka.
12. Halkii ay ku biiri lahaayeen.
13. Markaasna waxay u baxaan ujeeddooyin kale sida aad maal heshaan, iwm.
19. Ee bakhayllada ah xaggiinna14, markase cabsi timaaddo waxaad arki iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin (Xaqa). Sidaa awgeed buu Alle u buriyey acmaashooda, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.
14. Masuug badan waxaa loola jeedaa aan dooneyn inay siiyaan wax kaalmo ah hirgelinta diinta iyo jihaadka Jidka Alle.
20. Waxay moodaan Axzaabtu inayan tegin15, haddayna axzaabtu imaan (mar kale)16, waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan reer miyiga oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; hadday idin dhex joogi lahaayeenna ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee.
15. Cabsidooda zaa’idka ah munaafiqiinta, kuwaasoo fulayo ah, marka ma rumeystaan in ciidammada cadowga la jebiyey.
16. Dagaalkii Godka muslimiinta ma gelin dagaal, waayo Alle wuxuu soo diray dabeyl iyo malaa’ig kala firdhisay gaaladii.
23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay ballankay la galeen Alle, marka waxaa ka mid ah mid gutay waajibkiisii (oo shahiiday), waxaana ka mid ah mid weli sugaya; mana ayan beddelin (ballankay la galeen Alle) in yarba ha ahaatee.
24. Waa si uu Alle uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta hadduu doono ama uga tawbad aqbalo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
25. Wuxuu Alle dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; Alle baana ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan. Alle waa Xoog Badane, Adkaada.
26. Wuxuu ka soo saarayna kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka19 ee caawiyey (gaalada mushrikiinta ah) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, qaar (kalena) soo qafaalateen.
19. Waa Yuhuuddii Banii Quraydah ee uga baxay ballanka Muslimiinta.
28. Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddaad tihiin kuwo raba nolosha adduun- kan iyo quruxdeeda - kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin diri diritaan quruxsan.
32. Xaasaska Nabigow! La mid ma tihin haweenka kale oo dhan, ee haddaad Alle ka cabsataan, ha ahaannina kuwo dabacsan oo nugul xagga hadal(kiinna)22, si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin23, ku hadlana hadal wanaagsan oo gar ah.
22. Waa hadalka ku xambaari kara dadka kale inay falaan fal aan wanaagsaneyn ama damac gelin kara.
23. Qofka jecel xumaanta sida zinada iwm.
37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku lahayd kan uu Alle u nicmeeyay27 adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Allena ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen (oo iskood u fureen)28. Amarka Alle waa mid abad fula oo hirgala.
27. Waxay tilmaameysaa Addoonkii Nabiga s.c.w. uu xoreeyey, Zayd bin Xaarithah a.k.r. 28. Arrinkani waa si loo caddeeyo in uu nimi guursan karo haweeney uu horey u qabay wiil uu soo korsaday ha yeeshee uusan dhalin.
38. Ma aha Nabiga dushiisa wax dhib ah inuu falaa waxa Alle u banneeyey29. Waa jidkii Alle ee kuwii hore ee tegay. Amarka Alle waa qaddar horay ka fula.
39. (Waxaa ammaan mudan) kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Alle oo ka baqa30, oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Alle ku filan xisaabiye ahaan.
30. Waa anbiyada Alle (Nabad korkooda ha ahaatee), iyaga kaddibna kuwa raaca Nabi Muxammad s.c.w. ee lagu khatimay anbiyada, kuwaasoo si daacadnimo ah Ilaahay darti Keliya u gaarsiiya Dhambaalka Alle dadka oo idil.
43. Waa Isaga 'Alle' Kan soo dira Barakooyinkiisa korkiinna32, malaa’igtiisuna idiin duceyso, si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. (Alle) waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.
32. Alle Subxaanahu watacaalaa wuu idin daryeelaa oo idiinku deeqaa Naxariistiisa. Macno kale oo zaa’id ah waxaa weeye Wuxuu Alle idinku ammaanaa kulanka sare ee malaa’igta dhexdooda.
50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwa uu Alle kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
52. Kuuma bannaana (Nabiyow, guursiga) haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga (xaasaskaaga furto oo) ku beddalatid xaasas kale midna, xataa hadday quruxdoodu ku cajabiso marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Alle wuu u jeedaa wax walba.
53. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryaha Nabiga in cunno la idiinku yeedho mooyee idinkoon sugeyn bislaadkeeda34. markase la idiin yeedho gala, markaad cuntaanna raashinka kala taga idinkoon sugeyn sheeko. Hubaal (arrin) kani waxay dhibi Nabiga, wuuse idinka xishoon (inuu idin bixiyo), Alle se kama xishoodo xaqa. Markaad weydiisanaysaan (haweenka Nabiga) wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin)kani baa u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiinna iyo quluubtoodaba. Xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Alle iyo inaad guursataanba xaasaskiisa gadaashi marnaba. Hubaal (arrin)kani Alle xaggi waa wax Daran oo denbi weyn ah.
34. Aayaddan waxay reebtay inay saxaabada soo galaan guriga Nabiga s.c.w. iyagoo sugaya intay cuntada ka bislaato oo la kariyo.
Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii laygu yeedho casumaad ah cudud waan ajiibayaa, haddiina la ii hadiyeeyo kolay ku tahay majin waan aqbalayaa, markaad se ka faaruqdaan wixii laydiinku yeedhay ka dul qaada qoyska guriga culeyska oo kala aada guryihiinna.”
55. Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood35 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.
35. Way u bannaan tahay haweeni inay uga hor muuqato kuwaasi aan gayin abadkood iyadoo aan xirneyn xijaab kaamil ah, iyo inay la keliyowdo. Labada waalid walaalahood (adeerradda iyo abtiyada) waxay soo galayaan aabbayaasha.
56. Alle iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga36, ee kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan37.
36. Ku sallinta uu Alle ku salliyo Nabigiisa waa inuu ammaano oo siiyo naxariistiisa oo barakeeyo, oo kor yeelo meeqaankiisa, salliga malaa’igtana waa inay u weydiiyaan denbi dhaaf Alle, tan mu’miniinta waa duco inuu Alle barakeeyo, u naxariisto.
37. Inuu ka nabad ahaado xumaan kasta.
57. Kuwa ku dhiba Alle (shirki, xume fal iyo hadal xun) Rasuulkiisana (qowl ama ficil) - Alle wuu nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyey Cadaab dulleysa.
60. Haddayan munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka38 iyo kuwa gilgili (wararka beenta ah ku faafiya) magaalada joojinin (waxay ku jiraan), waanu kugu salladi oo ka adkaan, markaas kugulama deris ahaanayaan in yar ma’ahee.
38. Waxaa loola jeedaa kuwaasi jecel falidda zinada ama xumaha la midka ah.
69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf).
72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen (Culeyska amaanada41). Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga42. Waa dulmi badane, jahli badan.
41. Aqbalaadda waajibyada iyo xilalka iyo adeecidda Alle iyo Rusushiisa.
42. Iyagoo u hanqal taagaya abaalgudkeeda, halka ay illoobaan ciqaabka gabidda qaadista xilka la saaray.
Contents of the translations can be downloaded and re-published, with the following terms and conditions:
1. No modification, addition, or deletion of the content.
2. Clearly referring to the publisher and the source (QuranEnc.com).
3. Mentioning the version number when re-publishing the translation.
4. Keeping the transcript information inside the document.
5. Notifying the source (QuranEnc.com) of any note on the translation.
6. Updating the translation according to the latest version issued from the source (QuranEnc.com).
7. Inappropriate advertisements must not be included when displaying translations of the meanings of the Noble Quran.
Sakamakon Bincike:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".