Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali translation - Jacob * - Translations’ Index

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the meanings Surah: Al-Ahzāb   Ayah:

Suurada Al-axzaab

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
1. Nabiyow! Ku sugnow cabsida Alle (adigoo dhowraya xilkuu ku saaray), ha adeecinna gaalada iyo munaafiqiinta. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xikmad Badan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
2. Raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa; hubaal Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
3. Isku hallee oo talo saarona Alle, Alle ku Filan wakiil uu ahaado.
Arabic explanations of the Qur’an:
مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٖ مِّن قَلۡبَيۡنِ فِي جَوۡفِهِۦۚ وَمَا جَعَلَ أَزۡوَٰجَكُمُ ٱلَّٰٓـِٔي تُظَٰهِرُونَ مِنۡهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمۡۚ وَمَا جَعَلَ أَدۡعِيَآءَكُمۡ أَبۡنَآءَكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ قَوۡلُكُم بِأَفۡوَٰهِكُمۡۖ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلۡحَقَّ وَهُوَ يَهۡدِي ٱلسَّبِيلَ
4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale2, kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen3. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Allena wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).
1. Al-Axzaab waxay tilmaameysaa isbaheysigii qabaa’ishii Carabta ee gaalada ahayd iyagoo col ku ah Muslimiintii degganeyd Madiinah iyagoo ku soo qaaday duullaan loogu magac daray Al-Axzaab ama Al-Khandaq (dagaalkii Godka).
2. Waa ninka oo ku yidhaahda xaaskiisa waxaad iga tahay hooyaday oo kale, waxayna sidaas xaaska kaga noqoneysey ninkeeda xaaraan abadki. Waxaase lagu nasakhay Islaamka, waxayna xaaska u noqon xalaal kaddib markuu baxsho kafaaro gudda lagu xusay Suuradda 58: Aayadaha 3-4.
3. Carruurta aad idinka koriseen oo dar yeesheen. Mowla waa addoonka la xoreeyey ama uu abbaankiisa ka dhigtay wiil uu dhalay ahaan, sida Saalim, wuxuu ka dhigtay Xudayfa wiilkiisa oo kale, waxaana loo yiqiin mowlaa Xudeyfa.
Arabic explanations of the Qur’an:
ٱدۡعُوهُمۡ لِأٓبَآئِهِمۡ هُوَ أَقۡسَطُ عِندَ ٱللَّهِۚ فَإِن لَّمۡ تَعۡلَمُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ فَإِخۡوَٰنُكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمۡۚ وَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٞ فِيمَآ أَخۡطَأۡتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا تَعَمَّدَتۡ قُلُوبُكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا
5. Ugu abtiriya (ilmahaas aad soo korsateen uun) aabbayaashood dhalay, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo kuwaad ka xoreyseen addoonnimada 'aad xidhiidhka adag wadaagtaan iyo isu hiillinta,' kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu4, Allena waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.
4. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu ummaddan ka saamaxay wixii uga dhaca gef aan ula kac ahayn, hilmaanka, iyo wixii lagu qasbo.”
Arabic explanations of the Qur’an:
ٱلنَّبِيُّ أَوۡلَىٰ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡ أَنفُسِهِمۡۖ وَأَزۡوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَٰتُهُمۡۗ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفۡعَلُوٓاْ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِكُم مَّعۡرُوفٗاۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَسۡطُورٗا
6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda5, xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Ilaahay xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka6.
5. Nabiga s.c.w. baa sii mudan in la maqlo oo daacad loo ahaado. Mu’miniinta dhabta ahna waxay jecel yihiin Nabiga s.c.w. wax ka badan nafahooda arrin kasta oo la soo gudboonaada.
6. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka. Waxaa halkan loola jeedaa siismada cidaan waraso ahayn in loo dardaarmo wax aan ka badneyn seddex meeloodoo meel dhaxalka laga tagey.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِيثَٰقَهُمۡ وَمِنكَ وَمِن نُّوحٖ وَإِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَۖ وَأَخَذۡنَا مِنۡهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا
7. (Xus Nabiyow) markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adigaba, iyo Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise - ina Maryam. Oo ka qaadnay ballan adag.
Arabic explanations of the Qur’an:
لِّيَسۡـَٔلَ ٱلصَّٰدِقِينَ عَن صِدۡقِهِمۡۚ وَأَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابًا أَلِيمٗا
8. Si uu (Alle) wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda7, Wuxuuna u diyaariyey gaalada cadaab xanuun badan.
7. Si uu u weydiiyo Anbiyada waxa ay soo gaarsiiyeen dadkooda iyo sida loogu jawaabay. Runlowyada waxaa sidoo kale loola jeedi karaa kuwaasi rumeeyey dhambaalka ay soo gaarsiiyeen anbiyadooda oo sii gaarsiiyey dadka kale.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ جَآءَتۡكُمۡ جُنُودٞ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا وَجُنُودٗا لَّمۡ تَرَوۡهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرًا
9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle idiin galay markay idin yimaadeen ciidammo8, markaasaan ku dirnay dabeyl daran iyo ciidammo aydaan arag, Allena waxaad fashaan wuu Arkaa.
8. Aayaddan waxay ka hadleysaa qisada axzaabtii, waana kooxo lagu jabiyey dagaalkii Godka, waayo waxay ka hor yimaadeen Alle iyo Rasuulkiisa. Waxaana loola jeedaa askar aydan arkin malaa’igta, wuxuu Allaah u soo diray inay halaagaan cadowyadiisa.
Arabic explanations of the Qur’an:
إِذۡ جَآءُوكُم مِّن فَوۡقِكُمۡ وَمِنۡ أَسۡفَلَ مِنكُمۡ وَإِذۡ زَاغَتِ ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَبَلَغَتِ ٱلۡقُلُوبُ ٱلۡحَنَاجِرَ وَتَظُنُّونَ بِٱللَّهِ ٱلظُّنُونَا۠
10 (Xusuusta) markay idiinkaga yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, indhuhuna iisheen, wadnayaashuna soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Alle malooyin (kala duwan).
Arabic explanations of the Qur’an:
هُنَالِكَ ٱبۡتُلِيَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَزُلۡزِلُواْ زِلۡزَالٗا شَدِيدٗا
11. Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaa- nay, oo la gilgilay gil-gilid daran.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَإِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ مَّا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ إِلَّا غُرُورٗا
12. Markay munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka (iimaankoodu daciif yahay) lahaayeen: Alle iyo Rasuulkiisu waxa ay noo yabooheen (oo guul ah) waa waxaan waxba ka jirin oo hoditaan ah.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَإِذۡ قَالَت طَّآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ يَٰٓأَهۡلَ يَثۡرِبَ لَا مُقَامَ لَكُمۡ فَٱرۡجِعُواْۚ وَيَسۡتَـٔۡذِنُ فَرِيقٞ مِّنۡهُمُ ٱلنَّبِيَّ يَقُولُونَ إِنَّ بُيُوتَنَا عَوۡرَةٞ وَمَا هِيَ بِعَوۡرَةٍۖ إِن يُرِيدُونَ إِلَّا فِرَارٗا
13. Markay koox idinka mid ahi tidhi, Reer Yathribow9! Halkaan joogitaan idiin ma leh ee noqda (xagga Madiina). Koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Guryahayagu waa baylah, mana ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay cararaan.
9. Yathrib waa magacii hore ee loo yaqiin Madiinah ka hor imaanshaha Nabiga s.c.w.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَلَوۡ دُخِلَتۡ عَلَيۡهِم مِّنۡ أَقۡطَارِهَا ثُمَّ سُئِلُواْ ٱلۡفِتۡنَةَ لَأٓتَوۡهَا وَمَا تَلَبَّثُواْ بِهَآ إِلَّا يَسِيرٗا
14. Haddii laga soo weerari lahaa Magaalada dhinacyadeeda, markaas laga dalbi lahaa (munaafiqiinta) fidno (inay gaaloobaan), horay bay ka yeeli lahaayeen, kamana laba laabeeyeen wax yar mooyee.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَلَقَدۡ كَانُواْ عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ لَا يُوَلُّونَ ٱلۡأَدۡبَٰرَۚ وَكَانَ عَهۡدُ ٱللَّهِ مَسۡـُٔولٗا
15. Oo waxay horay axdi kula galeen Alle inaysan jeedineyn dhabarradooda (waqtiga dagaalka), Axdiga Allena waa mid lays weydiin.
Arabic explanations of the Qur’an:
قُل لَّن يَنفَعَكُمُ ٱلۡفِرَارُ إِن فَرَرۡتُم مِّنَ ٱلۡمَوۡتِ أَوِ ٱلۡقَتۡلِ وَإِذٗا لَّا تُمَتَّعُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
16. Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddaad ka carartaan geeri ama dil, markaas laydiin ku raaxeyn maayo (adduunka) in yar mooyaane.
Arabic explanations of the Qur’an:
قُلۡ مَن ذَا ٱلَّذِي يَعۡصِمُكُم مِّنَ ٱللَّهِ إِنۡ أَرَادَ بِكُمۡ سُوٓءًا أَوۡ أَرَادَ بِكُمۡ رَحۡمَةٗۚ وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
17. Dheh: Waa kuma kan idinka qaban kara Alle hadduu idinla doono dhibaato ama idinla doono naxariis10? Umana helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
10. Waxaa loola jeedaa Yaa ka joojin kara Arrinka Alle inuu fulo.
Arabic explanations of the Qur’an:
۞ قَدۡ يَعۡلَمُ ٱللَّهُ ٱلۡمُعَوِّقِينَ مِنكُمۡ وَٱلۡقَآئِلِينَ لِإِخۡوَٰنِهِمۡ هَلُمَّ إِلَيۡنَاۖ وَلَا يَأۡتُونَ ٱلۡبَأۡسَ إِلَّا قَلِيلًا
18. Alle waa og yahay kuwa idinka mid ah ee ka reeba (kuwa kale jihaadka Jidka Alle)11, iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya12; mana yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee13.
11. Kuwa ka cesha dadka kale inay taageero siiyaan jihaadka oo garab istaagaan mujaahidiinta dagaalka.
12. Halkii ay ku biiri lahaayeen.
13. Markaasna waxay u baxaan ujeeddooyin kale sida aad maal heshaan, iwm.
Arabic explanations of the Qur’an:
أَشِحَّةً عَلَيۡكُمۡۖ فَإِذَا جَآءَ ٱلۡخَوۡفُ رَأَيۡتَهُمۡ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ تَدُورُ أَعۡيُنُهُمۡ كَٱلَّذِي يُغۡشَىٰ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡمَوۡتِۖ فَإِذَا ذَهَبَ ٱلۡخَوۡفُ سَلَقُوكُم بِأَلۡسِنَةٍ حِدَادٍ أَشِحَّةً عَلَى ٱلۡخَيۡرِۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَمۡ يُؤۡمِنُواْ فَأَحۡبَطَ ٱللَّهُ أَعۡمَٰلَهُمۡۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا
19. Ee bakhayllada ah xaggiinna14, markase cabsi timaaddo waxaad arki iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin (Xaqa). Sidaa awgeed buu Alle u buriyey acmaashooda, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.
14. Masuug badan waxaa loola jeedaa aan dooneyn inay siiyaan wax kaalmo ah hirgelinta diinta iyo jihaadka Jidka Alle.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَحۡسَبُونَ ٱلۡأَحۡزَابَ لَمۡ يَذۡهَبُواْۖ وَإِن يَأۡتِ ٱلۡأَحۡزَابُ يَوَدُّواْ لَوۡ أَنَّهُم بَادُونَ فِي ٱلۡأَعۡرَابِ يَسۡـَٔلُونَ عَنۡ أَنۢبَآئِكُمۡۖ وَلَوۡ كَانُواْ فِيكُم مَّا قَٰتَلُوٓاْ إِلَّا قَلِيلٗا
20. Waxay moodaan Axzaabtu inayan tegin15, haddayna axzaabtu imaan (mar kale)16, waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan reer miyiga oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; hadday idin dhex joogi lahaayeenna ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee.
15. Cabsidooda zaa’idka ah munaafiqiinta, kuwaasoo fulayo ah, marka ma rumeystaan in ciidammada cadowga la jebiyey.
16. Dagaalkii Godka muslimiinta ma gelin dagaal, waayo Alle wuxuu soo diray dabeyl iyo malaa’ig kala firdhisay gaaladii.
Arabic explanations of the Qur’an:
لَّقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِي رَسُولِ ٱللَّهِ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَذَكَرَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا
21. Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle tusaale wanaagsan17 uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Alle in badan.
17. Nabiga s.c.w. waa tusaale lagu daydo oo la raaco xag kasta nolosha iyo xagga jihaadkaba.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَلَمَّا رَءَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلۡأَحۡزَابَ قَالُواْ هَٰذَا مَا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَصَدَقَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥۚ وَمَا زَادَهُمۡ إِلَّآ إِيمَٰنٗا وَتَسۡلِيمٗا
22. Markay Mu’minintu arkeen xizbiyadii (gaaladii isu soo baheystay) waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Alle iyo Rasuulkiisu noo yabooheen18, Alle iyo Rasuuliisuna run bay sheegeen, umana kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan.
18. Alle wuxuu u ballan qaaday Rasuulkiisa iyo mu’miniinta guul kaddib dhibka iyo shiddada. Waxaana la amray inay sugaan waxa uu Alle u yaboohay.
Arabic explanations of the Qur’an:
مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ رِجَالٞ صَدَقُواْ مَا عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ عَلَيۡهِۖ فَمِنۡهُم مَّن قَضَىٰ نَحۡبَهُۥ وَمِنۡهُم مَّن يَنتَظِرُۖ وَمَا بَدَّلُواْ تَبۡدِيلٗا
23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay ballankay la galeen Alle, marka waxaa ka mid ah mid gutay waajibkiisii (oo shahiiday), waxaana ka mid ah mid weli sugaya; mana ayan beddelin (ballankay la galeen Alle) in yarba ha ahaatee.
Arabic explanations of the Qur’an:
لِّيَجۡزِيَ ٱللَّهُ ٱلصَّٰدِقِينَ بِصِدۡقِهِمۡ وَيُعَذِّبَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ إِن شَآءَ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
24. Waa si uu Alle uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta hadduu doono ama ugu toobad aqbalo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَرَدَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِغَيۡظِهِمۡ لَمۡ يَنَالُواْ خَيۡرٗاۚ وَكَفَى ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلۡقِتَالَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ قَوِيًّا عَزِيزٗا
25. Wuxuu Alle dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; Alle baana ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan, Alle waa Xoog Badane, Adkaada.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَأَنزَلَ ٱلَّذِينَ ظَٰهَرُوهُم مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ مِن صَيَاصِيهِمۡ وَقَذَفَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلرُّعۡبَ فَرِيقٗا تَقۡتُلُونَ وَتَأۡسِرُونَ فَرِيقٗا
26. Wuxuu ka soo saarayna kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka19 ee caawiyey (gaalada mushrikiinta ah) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, qaar (kalena) soo qafaalateen.
19. Waa Yuhuuddii Banii Quraydah ee uga baxay ballanka Muslimiinta.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَأَوۡرَثَكُمۡ أَرۡضَهُمۡ وَدِيَٰرَهُمۡ وَأَمۡوَٰلَهُمۡ وَأَرۡضٗا لَّمۡ تَطَـُٔوهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٗا
27. Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda20 iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin21, Alle wax walba wuu Karaa.
20. Kaddib markay kala tageen kooxihii isa soo baheystey, wuxuu Alle amray Nabigiisa inay duullaan ku qaadaan banii Quraydah, qabiil Yahuud ah oo wax ka degganaa Madiinah oo kaga baxay Muslimiinta axdigii ay wada galeen, oo gacan siiyey cadowgooda, markaasay hareereeyeen, markaasaa la laayey wixii dagaal geli karay, oo la soo qafaashay haweenka iyo carruurtoodii.
21. Arladaasoo ay galeen ciidanka Muslimiinta, oo ay ku furteen duullaamo xigay duullaankaa.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ إِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا وَزِينَتَهَا فَتَعَالَيۡنَ أُمَتِّعۡكُنَّ وَأُسَرِّحۡكُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا
28. Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddaad tihiin kuwo raba nolosha adduun- kan iyo quruxdeeda - kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin diri diritaan quruxsan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَإِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَ فَإِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡمُحۡسِنَٰتِ مِنكُنَّ أَجۡرًا عَظِيمٗا
29. Haddaadse rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, hubaal Alle wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud weyn (Janno).
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ مَن يَأۡتِ مِنكُنَّ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖ يُضَٰعَفۡ لَهَا ٱلۡعَذَابُ ضِعۡفَيۡنِۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا
30. Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan (macsi) cad, waxaa loo labalaabi cadaabka, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.
Arabic explanations of the Qur’an:
۞ وَمَن يَقۡنُتۡ مِنكُنَّ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا نُّؤۡتِهَآ أَجۡرَهَا مَرَّتَيۡنِ وَأَعۡتَدۡنَا لَهَا رِزۡقٗا كَرِيمٗا
31. Tiise idinka mid ah ee adeecda Alle iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin ajarkeeda labo jibbaar, waxaana u diyaarin- nay risiq sharaf leh (Jannada gudaheeda).
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ لَسۡتُنَّ كَأَحَدٖ مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِنِ ٱتَّقَيۡتُنَّۚ فَلَا تَخۡضَعۡنَ بِٱلۡقَوۡلِ فَيَطۡمَعَ ٱلَّذِي فِي قَلۡبِهِۦ مَرَضٞ وَقُلۡنَ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا
32. Xaasaska Nabigow! La mid ma tihin haweenka kale oo dhan, ee haddaad Alle ka cabsataan, ha ahaannina kuwo dabacsan oo nugul xagga hadal(kiinna)22, si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin23, ku hadlana hadal wanaagsan oo gar ah.
22. Waa hadalka ku xambaari kara dadka kale inay falaan fal aan wanaagsaneyn ama damac gelin kara.
23. Qofka jecel xumaanta sida zinada iwm.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَقَرۡنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجۡنَ تَبَرُّجَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ ٱلۡأُولَىٰۖ وَأَقِمۡنَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتِينَ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِعۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُذۡهِبَ عَنكُمُ ٱلرِّجۡسَ أَهۡلَ ٱلۡبَيۡتِ وَيُطَهِّرَكُمۡ تَطۡهِيرٗا
33. Ku sugnaadana guryihiinna24, hana muujinnina quruxdiinna sida ismuujintii iyo isbandhiggii jaahiliyaddii hore25, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa, Alle wuxuu rabaa uun inuu idinka fogeeyo fadarada (denbiga) Ehlu baytkow26, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan.
24. Waxaa la amray haweenka Nabiga s.c.w. oo haweenka kalena ay soo galayaan inay joogaan guryahooda oo ayan uga bixin waxaan ahayn dan bannaan.
25. Jaahiliyaddii hore: Waxaa loola jeedaa gaalnimadii jirtey ka hor waqtiga Nabiga s.c.w., waxaa sidoo kale la yidhaahdaa jaahiliyad: macsida iyo denbiga la galo kaddib qaadashada Islaamka.
26. Ahlul Bayt: Waxaa loo jeedaa xaasaska Nabiga s.c.w iyo qaraabadiisa soke.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَٱذۡكُرۡنَ مَا يُتۡلَىٰ فِي بُيُوتِكُنَّ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱلۡحِكۡمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ لَطِيفًا خَبِيرًا
34. Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Alle ah iyo Xikmadda; Hubaal Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah (Xeel Dheer).
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّ ٱلۡمُسۡلِمِينَ وَٱلۡمُسۡلِمَٰتِ وَٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ وَٱلۡقَٰنِتِينَ وَٱلۡقَٰنِتَٰتِ وَٱلصَّٰدِقِينَ وَٱلصَّٰدِقَٰتِ وَٱلصَّٰبِرِينَ وَٱلصَّٰبِرَٰتِ وَٱلۡخَٰشِعِينَ وَٱلۡخَٰشِعَٰتِ وَٱلۡمُتَصَدِّقِينَ وَٱلۡمُتَصَدِّقَٰتِ وَٱلصَّٰٓئِمِينَ وَٱلصَّٰٓئِمَٰتِ وَٱلۡحَٰفِظِينَ فُرُوجَهُمۡ وَٱلۡحَٰفِظَٰتِ وَٱلذَّٰكِرِينَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱلذَّٰكِرَٰتِ أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُم مَّغۡفِرَةٗ وَأَجۡرًا عَظِيمٗا
35. Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, ragga Alle adeeca iyo haweenka Alle adeeca, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, ragga samra iyo haweenka samra, ragga u khushuuca (Alle) iyo dumarka u khushuuca, ragga wax sadaqeysta iyo haweenka wax sadaqeysta, ragga sooma iyo haweenka sooma iyo dhowrsanayaa- sha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinka. Alle wuxuu u diyaariyey denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).
Arabic explanations of the Qur’an:
وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٖ وَلَا مُؤۡمِنَةٍ إِذَا قَضَى ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ أَمۡرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ ٱلۡخِيَرَةُ مِنۡ أَمۡرِهِمۡۗ وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلٗا مُّبِينٗا
36. Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, markay Alle iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah; qofkiina caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, wuxuu lumay lumid cad.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَإِذۡ تَقُولُ لِلَّذِيٓ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَأَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِ أَمۡسِكۡ عَلَيۡكَ زَوۡجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخۡفِي فِي نَفۡسِكَ مَا ٱللَّهُ مُبۡدِيهِ وَتَخۡشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخۡشَىٰهُۖ فَلَمَّا قَضَىٰ زَيۡدٞ مِّنۡهَا وَطَرٗا زَوَّجۡنَٰكَهَا لِكَيۡ لَا يَكُونَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ حَرَجٞ فِيٓ أَزۡوَٰجِ أَدۡعِيَآئِهِمۡ إِذَا قَضَوۡاْ مِنۡهُنَّ وَطَرٗاۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولٗا
37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku lahayd kan uu Alle u nicmeeyay27 adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Allena ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen (oo iskood u fureen)28, Amarka Allena waa mid abad fula oo hirgala.
27. Waxay tilmaameysaa Addoonkii Nabiga s.c.w. uu xoreeyey, Zayd bin Xaarithah a.k.r. 28. Arrinkani waa si loo caddeeyo in uu nimi guursan karo haweeney uu horey u qabay wiil uu soo korsaday ha yeeshee uusan dhalin.
Arabic explanations of the Qur’an:
مَّا كَانَ عَلَى ٱلنَّبِيِّ مِنۡ حَرَجٖ فِيمَا فَرَضَ ٱللَّهُ لَهُۥۖ سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ قَدَرٗا مَّقۡدُورًا
38. Ma aha Nabiga dushiisa wax dhib ah inuu falaa waxa Alle u banneeyey29. Waa jidkii Alle ee kuwii hore ee tegay. Amarka Allena waa qaddar horay ka fula.
29. Ama waxa uu u banneeyey inuu fali karo.
Arabic explanations of the Qur’an:
ٱلَّذِينَ يُبَلِّغُونَ رِسَٰلَٰتِ ٱللَّهِ وَيَخۡشَوۡنَهُۥ وَلَا يَخۡشَوۡنَ أَحَدًا إِلَّا ٱللَّهَۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا
39. (Waxaa ammaan mudan) kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Alle oo ka baqa30, oo aan ka baqin cidna Alle maahee, Allena ku filan xisaabiye uu ahaado.
30. Waa anbiyada Alle (Nabad korkooda ha ahaatee), iyaga kaddibna kuwa raaca Nabi Muxammad s.c.w. ee lagu khatimay anbiyada, kuwaasoo si daacadnimo ah Ilaahay darti Keliya u gaarsiiya Dhambaalka Alle dadka oo idil.
Arabic explanations of the Qur’an:
مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَآ أَحَدٖ مِّن رِّجَالِكُمۡ وَلَٰكِن رَّسُولَ ٱللَّهِ وَخَاتَمَ ٱلنَّبِيِّـۧنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
40. Muxammad ma aha aabbaha qofna ka mid ah raggiina, waase Rasuul Alle iyo kan u dambeeyey ee lagu khatimay Nabiyada31, Allena wax walba wuu Og yahay.
31. Nabi Muxammad s.c.w. ma aha aabbaha nin ka mid ah asxaabta, sidaas awgeed Nabiga s.c.w. way u bannaaneyd inuu guursado Zaynab binti Jaxash a.k.r.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ ذِكۡرٗا كَثِيرٗا
41. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusa Alle xusid badan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَسَبِّحُوهُ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلًا
42. Xurmad weyneeyana oo u tasbiixsada (ka hufa xumaan) aroor iyo galabba.
Arabic explanations of the Qur’an:
هُوَ ٱلَّذِي يُصَلِّي عَلَيۡكُمۡ وَمَلَٰٓئِكَتُهُۥ لِيُخۡرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَكَانَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ رَحِيمٗا
43. (Alle) waa Kan soo dira Barakooyinkiisa korkiinna32, malaa’igtiisuna idiin duceyso, si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka, (Allena) waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.
32. Alle Subxaanahu watacaalaa wuu idin daryeelaa oo idiinku deeqaa Naxariistiisa. Macno kale oo zaa’id ah waxaa weeye Wuxuu Alle idinku ammaanaa kulanka sare ee malaa’igta dhexdooda.
Arabic explanations of the Qur’an:
تَحِيَّتُهُمۡ يَوۡمَ يَلۡقَوۡنَهُۥ سَلَٰمٞۚ وَأَعَدَّ لَهُمۡ أَجۡرٗا كَرِيمٗا
44. Bariidaoodu Maalintay (Alle) la Kulmi waa Salaam: Nabad ahaada, Wuxuuna u diyaariyey abaal gud sharaf badan (Janno).
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan33.
33. Nabiga s.c.w. wuxuu ku odhan jirey asxaabtiisa: Bishaareeya, oo ha didinnina dadka, oo wax fududeeya oo ha adkeynina.”
Arabic explanations of the Qur’an:
وَدَاعِيًا إِلَى ٱللَّهِ بِإِذۡنِهِۦ وَسِرَاجٗا مُّنِيرٗا
46. Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeedha (dadka) xagga Alle si Idankiisa ah iyo nal ifi.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ بِأَنَّ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَضۡلٗا كَبِيرٗا
47. Ugu bishaaree mu'miniinta inay xagga Alle ku leeyihiin deeq Weyn (beeraha Jannada).
Arabic explanations of the Qur’an:
وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَدَعۡ أَذَىٰهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
48. Ha adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, iskuna hallee Alle oo talo saaro, Allena ku Filan xafide uu ahaado iyo wakiil.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَكَحۡتُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ طَلَّقۡتُمُوهُنَّ مِن قَبۡلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ فَمَا لَكُمۡ عَلَيۡهِنَّ مِنۡ عِدَّةٖ تَعۡتَدُّونَهَاۖ فَمَتِّعُوهُنَّ وَسَرِّحُوهُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا
49. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad guursataan dumar mu’minaat ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax ciddo ah ay tirsan, ee siiya xoogaa sahay ah oo dira diritaan quruxsan.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَحۡلَلۡنَا لَكَ أَزۡوَٰجَكَ ٱلَّٰتِيٓ ءَاتَيۡتَ أُجُورَهُنَّ وَمَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَ مِمَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَيۡكَ وَبَنَاتِ عَمِّكَ وَبَنَاتِ عَمَّٰتِكَ وَبَنَاتِ خَالِكَ وَبَنَاتِ خَٰلَٰتِكَ ٱلَّٰتِي هَاجَرۡنَ مَعَكَ وَٱمۡرَأَةٗ مُّؤۡمِنَةً إِن وَهَبَتۡ نَفۡسَهَا لِلنَّبِيِّ إِنۡ أَرَادَ ٱلنَّبِيُّ أَن يَسۡتَنكِحَهَا خَالِصَةٗ لَّكَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۗ قَدۡ عَلِمۡنَا مَا فَرَضۡنَا عَلَيۡهِمۡ فِيٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ لِكَيۡلَا يَكُونَ عَلَيۡكَ حَرَجٞۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwa uu Alle kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga,Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Arabic explanations of the Qur’an:
۞ تُرۡجِي مَن تَشَآءُ مِنۡهُنَّ وَتُـٔۡوِيٓ إِلَيۡكَ مَن تَشَآءُۖ وَمَنِ ٱبۡتَغَيۡتَ مِمَّنۡ عَزَلۡتَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكَۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن تَقَرَّ أَعۡيُنُهُنَّ وَلَا يَحۡزَنَّ وَيَرۡضَيۡنَ بِمَآ ءَاتَيۡتَهُنَّ كُلُّهُنَّۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا فِي قُلُوبِكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَلِيمٗا
51. Waad dib dhigi kartaa (Nabiyow) taad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa taad doonto, waadna soo dhoweyn kartaa taad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan dhammaantood waxaad siiso. Alle baa og waxa ku jira quluubtiinna. Allena waa wax kasta Oge, Dulqaad Badan.
Arabic explanations of the Qur’an:
لَّا يَحِلُّ لَكَ ٱلنِّسَآءُ مِنۢ بَعۡدُ وَلَآ أَن تَبَدَّلَ بِهِنَّ مِنۡ أَزۡوَٰجٖ وَلَوۡ أَعۡجَبَكَ حُسۡنُهُنَّ إِلَّا مَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ رَّقِيبٗا
52. Kuuma bannaana (Nabiyow, guursiga) haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga (xaasaskaaga furto oo) ku beddalatid xaasas kale midna, xataa hadday quruxdoodu ku cajabiso marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Allena wuu u jeedaa wax walba.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَدۡخُلُواْ بُيُوتَ ٱلنَّبِيِّ إِلَّآ أَن يُؤۡذَنَ لَكُمۡ إِلَىٰ طَعَامٍ غَيۡرَ نَٰظِرِينَ إِنَىٰهُ وَلَٰكِنۡ إِذَا دُعِيتُمۡ فَٱدۡخُلُواْ فَإِذَا طَعِمۡتُمۡ فَٱنتَشِرُواْ وَلَا مُسۡتَـٔۡنِسِينَ لِحَدِيثٍۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ يُؤۡذِي ٱلنَّبِيَّ فَيَسۡتَحۡيِۦ مِنكُمۡۖ وَٱللَّهُ لَا يَسۡتَحۡيِۦ مِنَ ٱلۡحَقِّۚ وَإِذَا سَأَلۡتُمُوهُنَّ مَتَٰعٗا فَسۡـَٔلُوهُنَّ مِن وَرَآءِ حِجَابٖۚ ذَٰلِكُمۡ أَطۡهَرُ لِقُلُوبِكُمۡ وَقُلُوبِهِنَّۚ وَمَا كَانَ لَكُمۡ أَن تُؤۡذُواْ رَسُولَ ٱللَّهِ وَلَآ أَن تَنكِحُوٓاْ أَزۡوَٰجَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦٓ أَبَدًاۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمًا
53. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryaha Nabiga in cunno la idiinku yeedho mooyee idinkoon sugeyn bislaadkeeda34. markase la idiin yeedho gala, markaad cuntaanna raashinka kala taga idinkoon sugeyn sheeko. Hubaal (arrin) kani waxay dhibi Nabiga, wuuse idinka xishoon (inuu idin bixiyo), Alle se kama xishoodo xaqa. Markaad weydiisanaysaan (haweenka Nabiga) wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin)kani baa u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiinna iyo quluubtoodaba. Xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Alle iyo inaad guursataanba xaasaskiisa gadaashi marnaba. Hubaal (arrin)kani Alle xaggi waa wax Daran oo denbi weyn ah.
34. Aayaddan waxay reebtay inay saxaabada soo galaan guriga Nabiga s.c.w. iyagoo sugaya intay cuntada ka bislaato oo la kariyo.
Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii laygu yeedho casumaad ah cudud waan ajiibayaa, haddiina la ii hadiyeeyo kolay ku tahay majin waan aqbalayaa, markaad se ka faaruqdaan wixii laydiinku yeedhay ka dul qaada qoyska guriga culeyska oo kala aada guryihiinna.”
Arabic explanations of the Qur’an:
إِن تُبۡدُواْ شَيۡـًٔا أَوۡ تُخۡفُوهُ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
54. Haddaad muujisaan wax ama qarisaan, hubaal Alle wax walba wuu Og yahay.
Arabic explanations of the Qur’an:
لَّا جُنَاحَ عَلَيۡهِنَّ فِيٓ ءَابَآئِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآئِهِنَّ وَلَآ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ أَخَوَٰتِهِنَّ وَلَا نِسَآئِهِنَّ وَلَا مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُنَّۗ وَٱتَّقِينَ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدًا
55. Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood35 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato, Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.
35. Way u bannaan tahay haweeni inay uga hor muuqato kuwaasi aan gayin abadkood iyadoo aan xirneyn xijaab kaamil ah, iyo inay la keliyowdo. Labada waalid walaalahood (adeerradda iyo abtiyada) waxay soo galayaan aabbayaasha.
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّ ٱللَّهَ وَمَلَٰٓئِكَتَهُۥ يُصَلُّونَ عَلَى ٱلنَّبِيِّۚ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ صَلُّواْ عَلَيۡهِ وَسَلِّمُواْ تَسۡلِيمًا
56. Alle iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga36, ee kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan37.
36. Ku sallinta uu Alle ku salliyo Nabigiisa waa inuu ammaano oo siiyo naxariistiisa oo barakeeyo, oo kor yeelo meeqaankiisa, salliga malaa’igtana waa inay u weydiiyaan denbi dhaaf Alle, tan mu’miniinta waa duco inuu Alle barakeeyo, u naxariisto.
37. Inuu ka nabad ahaado xumaan kasta.
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمۡ عَذَابٗا مُّهِينٗا
57. Kuwa ku dhiba Alle (shirki, xume fal iyo hadal xun) Rasuulkiisana (qowl ama ficil) - Alle wuu nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyey Cadaab dulleysa.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ بِغَيۡرِ مَا ٱكۡتَسَبُواْ فَقَدِ ٱحۡتَمَلُواْ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا
58. Kuwa ku dhibana mu’miniinta iyo mu’minaatka wax aanay muteysan, waxay dusha saarteen been abuurasho iyo denbi cad.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَآءِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ يُدۡنِينَ عَلَيۡهِنَّ مِن جَلَٰبِيبِهِنَّۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن يُعۡرَفۡنَ فَلَا يُؤۡذَيۡنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
59. Nabiyow! Ku dheh (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta inay isku dadaan xijaabkooda. (Arrin) kani baa roon oo wanaagsan si loogu aqoonsado, sidaas darteedna aan loo faduulin. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Arabic explanations of the Qur’an:
۞ لَّئِن لَّمۡ يَنتَهِ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡمُرۡجِفُونَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ لَنُغۡرِيَنَّكَ بِهِمۡ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَآ إِلَّا قَلِيلٗا
60. Haddayan munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka38 iyo kuwa gilgili (wararka beenta ah ku faafiya) magaalada joojinin (waxay ku jiraan), waanu kugu salladi oo ka adkaan, markaas kugulama deris ahaanayaan in yar ma’ahee.
38. Waxaa loola jeedaa kuwaasi jecel falidda zinada ama xumaha la midka ah.
Arabic explanations of the Qur’an:
مَّلۡعُونِينَۖ أَيۡنَمَا ثُقِفُوٓاْ أُخِذُواْ وَقُتِّلُواْ تَقۡتِيلٗا
61. Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban oo la layn leyn daran.
Arabic explanations of the Qur’an:
سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗا
62. Waa hannaankii Alle ee ku meel maray kuwii hore ee tagay, kamana heleysid hannaanka Alle wax is beddel ah.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَسۡـَٔلُكَ ٱلنَّاسُ عَنِ ٱلسَّاعَةِۖ قُلۡ إِنَّمَا عِلۡمُهَا عِندَ ٱللَّهِۚ وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ تَكُونُ قَرِيبًا
63. Dadku waxay wax kaa weydiin Saacad- da (Qiyaame goortay tahay), Dheh: Cilmi- geedu wuxuu la jiraa Alle. Miyaadse og tahay waa intaasoy Saacaddu dhowdahay.
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّ ٱللَّهَ لَعَنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَأَعَدَّ لَهُمۡ سَعِيرًا
64. Alle wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey Naar hur iyo olol badan.
Arabic explanations of the Qur’an:
خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heleyaan difaace iyo gargaare midna.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَوۡمَ تُقَلَّبُ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ يَقُولُونَ يَٰلَيۡتَنَآ أَطَعۡنَا ٱللَّهَ وَأَطَعۡنَا ٱلرَّسُولَا۠
66. Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi Naarta, waxay odhan: wayoo waye haddaanu adeeci lahayn Alle, adeecina lahayn Rasuulka.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَقَالُواْ رَبَّنَآ إِنَّآ أَطَعۡنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَآءَنَا فَأَضَلُّونَا ٱلسَّبِيلَا۠
67. Waxayna odhan: Rabbigayow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii39, oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).
39. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: “Kuweenna noogu weyn ee madaxda noo ah (culimadeenna) iyo amiirradeenna”.
Arabic explanations of the Qur’an:
رَبَّنَآ ءَاتِهِمۡ ضِعۡفَيۡنِ مِنَ ٱلۡعَذَابِ وَٱلۡعَنۡهُمۡ لَعۡنٗا كَبِيرٗا
68. Ee Rabbiyow sii cadaab labanlaab ah, nacladna naclad weyn.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ ءَاذَوۡاْ مُوسَىٰ فَبَرَّأَهُ ٱللَّهُ مِمَّا قَالُواْۚ وَكَانَ عِندَ ٱللَّهِ وَجِيهٗا
69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf).
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدٗا
70. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray) kuna hadla hadal toosan (oo run ah).
Arabic explanations of the Qur’an:
يُصۡلِحۡ لَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ فَازَ فَوۡزًا عَظِيمًا
71. Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, idiinna dhaafi dunuubtiinna. Qofkiina adeeca Alle iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad), wuxuu liibaani liibaan weyn 40.
40. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddaad heysato afar tilmaamood waxba kuuma dhimaan wixii ku dhaafa oo adduun ah: Dhowrista ammaanada, hadal run ah oo aad mar waliba ku hadasho, dabeecad san, iyo xalaal quudasho.”
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّا عَرَضۡنَا ٱلۡأَمَانَةَ عَلَى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱلۡجِبَالِ فَأَبَيۡنَ أَن يَحۡمِلۡنَهَا وَأَشۡفَقۡنَ مِنۡهَا وَحَمَلَهَا ٱلۡإِنسَٰنُۖ إِنَّهُۥ كَانَ ظَلُومٗا جَهُولٗا
72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen (Culeyska amaanada41). Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga42. Waa dulmi badane, jahli badan.
41. Aqbalaadda waajibyada iyo xilalka iyo adeecidda Alle iyo Rusushiisa.
42. Iyagoo u hanqal taagaya abaalgudkeeda, halka ay illoobaan ciqaabka gabidda qaadista xilka la saaray.
Arabic explanations of the Qur’an:
لِّيُعَذِّبَ ٱللَّهُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ وَيَتُوبَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمَۢا
73. Si uu Alle u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, ugana toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu’minaatka43, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
43. Waa sababta loogu oggolaaday dadka inay qaadaan amaanadaa.
Arabic explanations of the Qur’an:
 
Translation of the meanings Surah: Al-Ahzāb
Surahs’ Index Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali translation - Jacob - Translations’ Index

Translation of the meanings of the Noble Qur'an into the Somali language, translated by Abdullah Hasan Jacob.

close