Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub

A-lxadiid

external-link copy
1 : 57

سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

1. Waxaa xurmo weyneeya oo (ceeb iyo nuqsaan ka) hufa Alle Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada [1]. Waana Adkaadaha, Xikmadda Badan. info

[1]. Iyagoo ammaana oo caddeeya inuu ka hufan yahay xumaan oo dhan oo uusan laheyn xaas, ilmo, iyo shariig.

التفاسير: |

external-link copy
2 : 57

لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

2. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wax nooleeya oo dhinsiiya; Isagaana wax walba Kara. info
التفاسير: |

external-link copy
3 : 57

هُوَ ٱلۡأَوَّلُ وَٱلۡأٓخِرُ وَٱلظَّٰهِرُ وَٱلۡبَاطِنُۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ

3. Waa Isaga (Alle) Kan horreeyey iyo Kan dambeyn, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada, Carshigiisa dushiisa) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Isagaana Wax walba Ogsoon. info
التفاسير: |