Check out the new design

Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub * - Daftar isi terjemahan

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Terjemahan makna Surah: At-Taḥrīm   Ayah:

At-taxriim

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَۖ تَبۡتَغِي مَرۡضَاتَ أَزۡوَٰجِكَۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
1. Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) wuxuu Alle kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
1. At-Taxriim: Iska xaaraantinimeyn.
Tafsir berbahasa Arab:
قَدۡ فَرَضَ ٱللَّهُ لَكُمۡ تَحِلَّةَ أَيۡمَٰنِكُمۡۚ وَٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ
2. Wuxuu Alle horeyba idiinku jideeyey dhaar furyo2. Alle waa gargaarahiin, waana wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah.
2. Inaad sameysaan kafaara gud:. Xagga kafaara gudka la bixinayo: eeg Suuradda 5: Aayadda 89
Tafsir berbahasa Arab:
وَإِذۡ أَسَرَّ ٱلنَّبِيُّ إِلَىٰ بَعۡضِ أَزۡوَٰجِهِۦ حَدِيثٗا فَلَمَّا نَبَّأَتۡ بِهِۦ وَأَظۡهَرَهُ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ عَرَّفَ بَعۡضَهُۥ وَأَعۡرَضَ عَنۢ بَعۡضٖۖ فَلَمَّا نَبَّأَهَا بِهِۦ قَالَتۡ مَنۡ أَنۢبَأَكَ هَٰذَاۖ قَالَ نَبَّأَنِيَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
3. Markuu Nabigu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa (Xafsah a.k.r), markayse u sheegaty (mid kale, Caa'ishah a.k.r) warkaa, Allena u soo bandhigay (Nabiga), wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay arrinkani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay (Allaah) Wax walba Ogsoonaha, Xog Ogaalka ah.
Tafsir berbahasa Arab:
إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدۡ صَغَتۡ قُلُوبُكُمَاۖ وَإِن تَظَٰهَرَا عَلَيۡهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوۡلَىٰهُ وَجِبۡرِيلُ وَصَٰلِحُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ
4. Haddaad labadiinnu (Xafsah iyo Caa'ishah) Alle u noqotaan (oo tawbad
keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah.
Tafsir berbahasa Arab:
عَسَىٰ رَبُّهُۥٓ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبۡدِلَهُۥٓ أَزۡوَٰجًا خَيۡرٗا مِّنكُنَّ مُسۡلِمَٰتٖ مُّؤۡمِنَٰتٖ قَٰنِتَٰتٖ تَٰٓئِبَٰتٍ عَٰبِدَٰتٖ سَٰٓئِحَٰتٖ ثَيِّبَٰتٖ وَأَبۡكَارٗا
5. Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah, mu’minooyin, daacad, soo noqosho iyo tawbad keen badan, caabidooyin, soomanooyin3, leh garoobbo iyo gabdhaba bikrooyin ah.
3. Saa’ixaat waxaa lagu fasiray soomanooyin. Waxaa sidoo kale lagu fasiray kuwa u socda khayrka iyo fidinta diinta Alle (Islaamka).
Tafsir berbahasa Arab:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ وَأَهۡلِيكُمۡ نَارٗا وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلۡحِجَارَةُ عَلَيۡهَا مَلَٰٓئِكَةٌ غِلَاظٞ شِدَادٞ لَّا يَعۡصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمۡ وَيَفۡعَلُونَ مَا يُؤۡمَرُونَ
6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar lagu hurinaayo dad iyo dhagax, ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Alle wuxuu ku amraba, waxayna falaan wixii la amro.
Tafsir berbahasa Arab:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَعۡتَذِرُواْ ٱلۡيَوۡمَۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
7. Gaaloy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen.
Tafsir berbahasa Arab:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ تُوبُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ تَوۡبَةٗ نَّصُوحًا عَسَىٰ رَبُّكُمۡ أَن يُكَفِّرَ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَيُدۡخِلَكُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ يَوۡمَ لَا يُخۡزِي ٱللَّهُ ٱلنَّبِيَّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥۖ نُورُهُمۡ يَسۡعَىٰ بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَبِأَيۡمَٰنِهِمۡ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَتۡمِمۡ لَنَا نُورَنَا وَٱغۡفِرۡ لَنَآۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! U tawbad keena Alle tawbad san, si uu Rabbigiin idiinka tirtiro xumaatooyinkiinna, idiin geliyona Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Alle hoojineyn Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeeyey, Nuurkoodu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbigayow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo denbi dhaaf. Adigu wax walba waad Kartaaye.
Tafsir berbahasa Arab:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ جَٰهِدِ ٱلۡكُفَّارَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱغۡلُظۡ عَلَيۡهِمۡۚ وَمَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
9. Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta (nabad diidka ah), kuna adkow, hoygoodu waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado.
Tafsir berbahasa Arab:
ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱمۡرَأَتَ نُوحٖ وَٱمۡرَأَتَ لُوطٖۖ كَانَتَا تَحۡتَ عَبۡدَيۡنِ مِنۡ عِبَادِنَا صَٰلِحَيۡنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمۡ يُغۡنِيَا عَنۡهُمَا مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗا وَقِيلَ ٱدۡخُلَا ٱلنَّارَ مَعَ ٱلدَّٰخِلِينَ
10. Alle wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda4, marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Alle. Waxaana la yidhi: La gala Naarta kuwa gali.
4. Xagga arrimaha diinta ee ma aha gogosha, iwm.
Tafsir berbahasa Arab:
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱمۡرَأَتَ فِرۡعَوۡنَ إِذۡ قَالَتۡ رَبِّ ٱبۡنِ لِي عِندَكَ بَيۡتٗا فِي ٱلۡجَنَّةِ وَنَجِّنِي مِن فِرۡعَوۡنَ وَعَمَلِهِۦ وَنَجِّنِي مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
11. Wuxuuna Alle tusaale uga dhigay kuwa (Xaqa) rumeeyey, xaaskii Fircoon; markay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannada gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camal xumadiisa, igana samata bixi qoloda daalimiinta ah.
Tafsir berbahasa Arab:
وَمَرۡيَمَ ٱبۡنَتَ عِمۡرَٰنَ ٱلَّتِيٓ أَحۡصَنَتۡ فَرۡجَهَا فَنَفَخۡنَا فِيهِ مِن رُّوحِنَا وَصَدَّقَتۡ بِكَلِمَٰتِ رَبِّهَا وَكُتُبِهِۦ وَكَانَتۡ مِنَ ٱلۡقَٰنِتِينَ
12. Iyo sidoo kale Maryam, gabadhii Cimraan, taasoo xafidday farjigeeda; waxaana ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda uu ka afuufay malag Jabriil), waxayna rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisa, kana mid aheyd kuwa Alle adeeca.
Tafsir berbahasa Arab:
 
Terjemahan makna Surah: At-Taḥrīm
Daftar surah Nomor Halaman
 
Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub - Daftar isi terjemahan

Terjemahannya oleh Abdullah Hasan Yakub.

Tutup