Check out the new design

Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub * - Daftar isi terjemahan

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Terjemahan makna Surah: Al-Qalam   Ayah:

Al-qalam

نٓۚ وَٱلۡقَلَمِ وَمَا يَسۡطُرُونَ
1. Nuun2.
Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.
1. Al-Qalam: Qalinka, waxaa sidoo kale Suuraddan loo yaqaan Nuun.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
Tafsir berbahasa Arab:
مَآ أَنتَ بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ بِمَجۡنُونٖ
2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.
Tafsir berbahasa Arab:
وَإِنَّ لَكَ لَأَجۡرًا غَيۡرَ مَمۡنُونٖ
3.Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.
Tafsir berbahasa Arab:
وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٖ
4. Waxaa kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad san oo sare.
Tafsir berbahasa Arab:
فَسَتُبۡصِرُ وَيُبۡصِرُونَ
5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,
Tafsir berbahasa Arab:
بِأَييِّكُمُ ٱلۡمَفۡتُونُ
6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo).
Tafsir berbahasa Arab:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
7. Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan.
Tafsir berbahasa Arab:
فَلَا تُطِعِ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
8. Ee ha adeecin xaq beeniyayaasha (nabad diidka ah).
Tafsir berbahasa Arab:
وَدُّواْ لَوۡ تُدۡهِنُ فَيُدۡهِنُونَ
9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan.
Tafsir berbahasa Arab:
وَلَا تُطِعۡ كُلَّ حَلَّافٖ مَّهِينٍ
10. Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn.
Tafsir berbahasa Arab:
هَمَّازٖ مَّشَّآءِۭ بِنَمِيمٖ
11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah).
Tafsir berbahasa Arab:
مَّنَّاعٖ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ
12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan.
Tafsir berbahasa Arab:
عُتُلِّۭ بَعۡدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ
13. macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn).
Tafsir berbahasa Arab:
أَن كَانَ ذَا مَالٖ وَبَنِينَ
14. Haba lahaadee maal iyo wiilal.
Tafsir berbahasa Arab:
إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
15. Kaasoo marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore.
Tafsir berbahasa Arab:
سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلۡخُرۡطُومِ
16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa.
Tafsir berbahasa Arab:
إِنَّا بَلَوۡنَٰهُمۡ كَمَا بَلَوۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ إِذۡ أَقۡسَمُواْ لَيَصۡرِمُنَّهَا مُصۡبِحِينَ
17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaheeda aroorta hore.
Tafsir berbahasa Arab:
وَلَا يَسۡتَثۡنُونَ
18. Iyagoon dhihin inshaa Allaah (haddii Alle idmo, dooneyna inay qayb u dhigaan saboolka).
Tafsir berbahasa Arab:
فَطَافَ عَلَيۡهَا طَآئِفٞ مِّن رَّبِّكَ وَهُمۡ نَآئِمُونَ
19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen.
Tafsir berbahasa Arab:
فَأَصۡبَحَتۡ كَٱلصَّرِيمِ
20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.
Tafsir berbahasa Arab:
فَتَنَادَوۡاْ مُصۡبِحِينَ
21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,
Tafsir berbahasa Arab:
أَنِ ٱغۡدُواْ عَلَىٰ حَرۡثِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰرِمِينَ
22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.
Tafsir berbahasa Arab:
فَٱنطَلَقُواْ وَهُمۡ يَتَخَٰفَتُونَ
23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,
Tafsir berbahasa Arab:
أَن لَّا يَدۡخُلَنَّهَا ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكُم مِّسۡكِينٞ
24. Inuusan qof miskiin ah u soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).
Tafsir berbahasa Arab:
وَغَدَوۡاْ عَلَىٰ حَرۡدٖ قَٰدِرِينَ
25. Waxayna kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).
Tafsir berbahasa Arab:
فَلَمَّا رَأَوۡهَا قَالُوٓاْ إِنَّا لَضَآلُّونَ
26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: War xaqiiq waanu dhunnay.
Tafsir berbahasa Arab:
بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ
27. Mayee, waa la ina hoojiyey .
Tafsir berbahasa Arab:
قَالَ أَوۡسَطُهُمۡ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ لَوۡلَا تُسَبِّحُونَ
28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) u tasbiixsada oo hufa?
Tafsir berbahasa Arab:
قَالُواْ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Waxaanu nahay daalimiin.
Tafsir berbahasa Arab:
فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَلَٰوَمُونَ
30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.
Tafsir berbahasa Arab:
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ
31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.
Tafsir berbahasa Arab:
عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبۡدِلَنَا خَيۡرٗا مِّنۡهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ
32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu xaqiiq khayr ka rajeyne.
Tafsir berbahasa Arab:
كَذَٰلِكَ ٱلۡعَذَابُۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
33. Waa sidaas cadaabku. Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn. Hadday ogaan lahaayeen.
Tafsir berbahasa Arab:
إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
34. Kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa Jannooyin barwaaqo ah.
Tafsir berbahasa Arab:
أَفَنَجۡعَلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ كَٱلۡمُجۡرِمِينَ
35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.
Tafsir berbahasa Arab:
مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ
36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?
Tafsir berbahasa Arab:
أَمۡ لَكُمۡ كِتَٰبٞ فِيهِ تَدۡرُسُونَ
37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan -
Tafsir berbahasa Arab:
إِنَّ لَكُمۡ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ
38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?
Tafsir berbahasa Arab:
أَمۡ لَكُمۡ أَيۡمَٰنٌ عَلَيۡنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّ لَكُمۡ لَمَا تَحۡكُمُونَ
39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?
Tafsir berbahasa Arab:
سَلۡهُمۡ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ
40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.
Tafsir berbahasa Arab:
أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَآءُ فَلۡيَأۡتُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ
41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.
Tafsir berbahasa Arab:
يَوۡمَ يُكۡشَفُ عَن سَاقٖ وَيُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ
42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Alle)1 oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).
1. Dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada weyn, waa Maalinta Qiyaamaha).
Tafsir berbahasa Arab:
خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۖ وَقَدۡ كَانُواْ يُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمۡ سَٰلِمُونَ
43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow 'mase yeelin'.
Tafsir berbahasa Arab:
فَذَرۡنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِۖ سَنَسۡتَدۡرِجُهُم مِّنۡ حَيۡثُ لَا يَعۡلَمُونَ
44. Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan fileyn.
Tafsir berbahasa Arab:
وَأُمۡلِي لَهُمۡۚ إِنَّ كَيۡدِي مَتِينٌ
45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag.
Tafsir berbahasa Arab:
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ
46. Mise ma waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?
Tafsir berbahasa Arab:
أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ
47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?
Tafsir berbahasa Arab:
فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلۡحُوتِ إِذۡ نَادَىٰ وَهُوَ مَكۡظُومٞ
48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,
Tafsir berbahasa Arab:
لَّوۡلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعۡمَةٞ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ مَذۡمُومٞ
49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan.
Tafsir berbahasa Arab:
فَٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan.
Tafsir berbahasa Arab:
وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَيُزۡلِقُونَكَ بِأَبۡصَٰرِهِمۡ لَمَّا سَمِعُواْ ٱلذِّكۡرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجۡنُونٞ
51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole.
Tafsir berbahasa Arab:
وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan.
Tafsir berbahasa Arab:
 
Terjemahan makna Surah: Al-Qalam
Daftar surah Nomor Halaman
 
Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub - Daftar isi terjemahan

Terjemahannya oleh Abdullah Hasan Yakub.

Tutup