Check out the new design

Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub * - Daftar isi terjemahan

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Terjemahan makna Surah: An-Naba`   Ayah:

An-naba'a

عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ
1. Maxay isweydiinayaan (gaaladu)?
Tafsir berbahasa Arab:
عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلۡعَظِيمِ
2. Ma Warka Weyn (Qur’aanka ama Qiyaamada).
Tafsir berbahasa Arab:
ٱلَّذِي هُمۡ فِيهِ مُخۡتَلِفُونَ
3. Ay isku khilaafsan yihiin (mid rumeysan iyo mid beeninaya)?
Tafsir berbahasa Arab:
كَلَّا سَيَعۡلَمُونَ
4. Mayee, way ogaan doonaan (waxa ku dhaca beenintooda Xaqa darteed).
Tafsir berbahasa Arab:
ثُمَّ كَلَّا سَيَعۡلَمُونَ
5. Misna, mayee way ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
Tafsir berbahasa Arab:
أَلَمۡ نَجۡعَلِ ٱلۡأَرۡضَ مِهَٰدٗا
6. Miyaanaan ka yeelin dhulka gogol?
Tafsir berbahasa Arab:
وَٱلۡجِبَالَ أَوۡتَادٗا
7. Buurahana tiirar (dhulka lagu adkeeyey)?
Tafsir berbahasa Arab:
وَخَلَقۡنَٰكُمۡ أَزۡوَٰجٗا
8. Oo idinka abuurin noocyo (lab iyo dheddig)?,
Tafsir berbahasa Arab:
وَجَعَلۡنَا نَوۡمَكُمۡ سُبَاتٗا
9. oo ka yeelin hurdadiinna nasiino?,
Tafsir berbahasa Arab:
وَجَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ لِبَاسٗا
10. Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale (idinku daboola mugdigiisa)?,
Tafsir berbahasa Arab:
وَجَعَلۡنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشٗا
11.Oo ka dhigin maalinta maciishad raadin,
Tafsir berbahasa Arab:
وَبَنَيۡنَا فَوۡقَكُمۡ سَبۡعٗا شِدَادٗا
12. Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag?.
Tafsir berbahasa Arab:
وَجَعَلۡنَا سِرَاجٗا وَهَّاجٗا
13. Oo yeelin nal shidan aad u ifi (qorrax)?.
Tafsir berbahasa Arab:
وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلۡمُعۡصِرَٰتِ مَآءٗ ثَجَّاجٗا
14. Oo ka soo dejinin daruuraha biyo badan oo shubmaya (roob)?.
Tafsir berbahasa Arab:
لِّنُخۡرِجَ بِهِۦ حَبّٗا وَنَبَاتٗا
15. Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq.
Tafsir berbahasa Arab:
وَجَنَّٰتٍ أَلۡفَافًا
16. Iyo beero isku maran.
Tafsir berbahasa Arab:
إِنَّ يَوۡمَ ٱلۡفَصۡلِ كَانَ مِيقَٰتٗا
17. Maalinka kala baxu (Qiyaamaha) waa waqti go’an.
Tafsir berbahasa Arab:
يَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِ فَتَأۡتُونَ أَفۡوَاجٗا
18.Maalinka marka Buunka la afuufi, oo aad iman idinkoo ummado kala duwan ah;
Tafsir berbahasa Arab:
وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتۡ أَبۡوَٰبٗا
19. Samada la furi oo yeelan albaabbo.
Tafsir berbahasa Arab:
وَسُيِّرَتِ ٱلۡجِبَالُ فَكَانَتۡ سَرَابًا
20. Buuraha la rujin oo noqon dhalanteed oo kale.
Tafsir berbahasa Arab:
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتۡ مِرۡصَادٗا
21. Naartu waa heegan sugeysa,
Tafsir berbahasa Arab:
لِّلطَّٰغِينَ مَـَٔابٗا
22. Xad gudbayaasha, meel noqod u ah.
Tafsir berbahasa Arab:
لَّٰبِثِينَ فِيهَآ أَحۡقَابٗا
23. Iyagoo ku negaadi waayo badan,
Tafsir berbahasa Arab:
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرۡدٗا وَلَا شَرَابًا
24. Ma ku dhadhaminayaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna.
Tafsir berbahasa Arab:
إِلَّا حَمِيمٗا وَغَسَّاقٗا
25. Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee (dhacaanka ehlu Naarka ah)
Tafsir berbahasa Arab:
جَزَآءٗ وِفَاقًا
26.Waa abaal marin ku habboon (gaalada).
Tafsir berbahasa Arab:
إِنَّهُمۡ كَانُواْ لَا يَرۡجُونَ حِسَابٗا
27. Waxay ahaayeen kuwo aan fileyn Xisaab (Aakhiro).
Tafsir berbahasa Arab:
وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا كِذَّابٗا
28. Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga beenin cad.
Tafsir berbahasa Arab:
وَكُلَّ شَيۡءٍ أَحۡصَيۡنَٰهُ كِتَٰبٗا
29. Wax walba se (oo camalladooda ah) waxaan ku koobnay qoraal.
Tafsir berbahasa Arab:
فَذُوقُواْ فَلَن نَّزِيدَكُمۡ إِلَّا عَذَابًا
30. Ee dhadhamiya (ciqaabka); idiinma kordhineyno waxaan ahayn Cadaab.
Tafsir berbahasa Arab:
 
Terjemahan makna Surah: An-Naba`
Daftar surah Nomor Halaman
 
Terjemahan makna Alquran Alkarim - Terjemahan Berbahasa Somalia - Abdullah Hasan Yakub - Daftar isi terjemahan

Terjemahannya oleh Abdullah Hasan Yakub.

Tutup