Check out the new design

Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Abdullah Hasan Yaqub * - Indice Traduzioni

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduzione dei significati Versetto: (142) Sura: Al-Baqarah
۞ سَيَقُولُ ٱلسُّفَهَآءُ مِنَ ٱلنَّاسِ مَا وَلَّىٰهُمۡ عَن قِبۡلَتِهِمُ ٱلَّتِي كَانُواْ عَلَيۡهَاۚ قُل لِّلَّهِ ٱلۡمَشۡرِقُ وَٱلۡمَغۡرِبُۚ يَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
142. Maangaabyada ku dhex jira dadka (Yuhuudda iyo mushrikiinta qaarkood) waxay odhan: Maxaa ka duway qibladdooda ay lahaayeen [27]? Dheh: Bariga iyo galbeedkaba waxaa leh Allaah; Wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka).
27. Ka hor amarka ku soo arooray Aayadda 144 in Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa u jeedsadaan Kacbada Makkah ku taal markay tukanayaan, waxay u jeesan jireen Muslimiinta Qudus oo xagga waqooyiga ah. Hirgelinta beddelidda qiblada waxaa lagu xusay Aayadaha xiga.
Esegesi in lingua araba:
 
Traduzione dei significati Versetto: (142) Sura: Al-Baqarah
Indice delle Sure Numero di pagina
 
Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Abdullah Hasan Yaqub - Indice Traduzioni

La sua traduzione a cura di Abdullah Hasan Yaqub.

Chiudi