Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Yaqub * - Indice Traduzioni

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduzione dei significati Sura: Al-Qasas   Versetto:

Suurada Al-qisas

طسٓمٓ
1. Daa siin Miim1.
1. Xarfahan waa xuruuf ka mid ah alifbeetada afka Carabiga uu Qur’aanku ku soo degay, sidaas oo ay tahay ma jiro axad keeni kara xitaa Suuradda ugu kooban ee Qur’aanka Mucjisada weyn ah).
Esegesi in lingua araba:
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee cad.
Esegesi in lingua araba:
نَتۡلُواْ عَلَيۡكَ مِن نَّبَإِ مُوسَىٰ وَفِرۡعَوۡنَ بِٱلۡحَقِّ لِقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
3. Waxaan kugu akhrin wax ka mid ah warkii Muuse iyo Fircoon oo xaq ah ciddii rumayn.
Esegesi in lingua araba:
إِنَّ فِرۡعَوۡنَ عَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَجَعَلَ أَهۡلَهَا شِيَعٗا يَسۡتَضۡعِفُ طَآئِفَةٗ مِّنۡهُمۡ يُذَبِّحُ أَبۡنَآءَهُمۡ وَيَسۡتَحۡيِۦ نِسَآءَهُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
4. Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay dhulka (Masar), wuxuuna ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo dulleysan (dulmin) koox ka mid ah (ilmahii Israa’iil), gowracaya wiilashooda, una deynaya nolol haweenkooda (si ay ugu adeegtaan). hubaal, wuxuu ka mid ahaa kuwa wax fasaadiya (xumo wadayaasha).
Esegesi in lingua araba:
وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَنَجۡعَلَهُمۡ أَئِمَّةٗ وَنَجۡعَلَهُمُ ٱلۡوَٰرِثِينَ
5. Waxaana doonnay inaan u galno wanaag kuwii loo arkay daciif ee lagu dulleysanayey arlada, kana yeello hooggaamiyayaal, oo ka yeello iyaga dhaxlayaasha (arlada Masar).
Esegesi in lingua araba:
وَنُمَكِّنَ لَهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَنُرِيَ فِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَ وَجُنُودَهُمَا مِنۡهُم مَّا كَانُواْ يَحۡذَرُونَ
6. Oo aan ku awood siinno arlada (Masar iyo Shaam) oo tusinno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ka digtoonaayeen2.
2. Inaan ku caddibno isla gacanta kuway ku gardarroonayeen oo addoonsayeen.
Esegesi in lingua araba:
وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ أُمِّ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَرۡضِعِيهِۖ فَإِذَا خِفۡتِ عَلَيۡهِ فَأَلۡقِيهِ فِي ٱلۡيَمِّ وَلَا تَخَافِي وَلَا تَحۡزَنِيٓۖ إِنَّا رَآدُّوهُ إِلَيۡكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
7. Waxaan u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji (Muuse), markaadse u cabsato ku tuur webiga (Niil), ha cabsan, hana murugoon. Annagaa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha (Alle).
Esegesi in lingua araba:
فَٱلۡتَقَطَهُۥٓ ءَالُ فِرۡعَوۡنَ لِيَكُونَ لَهُمۡ عَدُوّٗا وَحَزَنًاۗ إِنَّ فِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَ وَجُنُودَهُمَا كَانُواْ خَٰطِـِٔينَ
8. Waxaa soo qaatay reer Fircoon isagoo u noqon cadow iyo (sabab u keenta ciil iyo) murugo. Hubaal Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen kuwo gef badan.
Esegesi in lingua araba:
وَقَالَتِ ٱمۡرَأَتُ فِرۡعَوۡنَ قُرَّتُ عَيۡنٖ لِّي وَلَكَۖ لَا تَقۡتُلُوهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوۡ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدٗا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
9. Marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, iyagoon dareensaneyn3.
3. Waxay noqon doonto cidhibta arrinkaasi.
Esegesi in lingua araba:
وَأَصۡبَحَ فُؤَادُ أُمِّ مُوسَىٰ فَٰرِغًاۖ إِن كَادَتۡ لَتُبۡدِي بِهِۦ لَوۡلَآ أَن رَّبَطۡنَا عَلَىٰ قَلۡبِهَا لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
10. Wuxuu ahaaday qalbigii Muuse hooyadi mid (ka) maran (arrin kaloo dhan ka fekerka wiilkeeda Muuse ma ahee) waxayna ku sigatay inay kashifto (arrinkiisa) haddaanaan adkaynin qalbigeeda si ay uga mid ahaato mu’miniinta.
Esegesi in lingua araba:
وَقَالَتۡ لِأُخۡتِهِۦ قُصِّيهِۖ فَبَصُرَتۡ بِهِۦ عَن جُنُبٖ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
11. Waxay ku tidhi walaashiis (Miriam): Raad raac, waxayna ka eegeysay dhinac fog si qarsoodi ah iyagoon dareemeyn.
Esegesi in lingua araba:
۞ وَحَرَّمۡنَا عَلَيۡهِ ٱلۡمَرَاضِعَ مِن قَبۡلُ فَقَالَتۡ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰٓ أَهۡلِ بَيۡتٖ يَكۡفُلُونَهُۥ لَكُمۡ وَهُمۡ لَهُۥ نَٰصِحُونَ
12. Waxaanu horey u qaddarnay inuu diido nuujiso (kale) oo dhan4, markaasay (walaashiis timid oo) tidhi: Ma idin tusaa reer idiin daryeelaya, oo iyagu u roonaan.
4. Muuse wuu diiday inay nuujiso haweeney kale oo dhan aan ahayn hooyadiis.
Esegesi in lingua araba:
فَرَدَدۡنَٰهُ إِلَىٰٓ أُمِّهِۦ كَيۡ تَقَرَّ عَيۡنُهَا وَلَا تَحۡزَنَ وَلِتَعۡلَمَ أَنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
13. Waxaana ku soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, una ogaato in wacadka Alle Xaq yahay, dadka badankiisuse ma ogsoona.
Esegesi in lingua araba:
وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَٱسۡتَوَىٰٓ ءَاتَيۡنَٰهُ حُكۡمٗا وَعِلۡمٗاۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
14. Markuu (Muuse) tabar galay oo buuxsamay (caqli ahaan), Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
Esegesi in lingua araba:
وَدَخَلَ ٱلۡمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفۡلَةٖ مِّنۡ أَهۡلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيۡنِ يَقۡتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِۦ وَهَٰذَا مِنۡ عَدُوِّهِۦۖ فَٱسۡتَغَٰثَهُ ٱلَّذِي مِن شِيعَتِهِۦ عَلَى ٱلَّذِي مِنۡ عَدُوِّهِۦ فَوَكَزَهُۥ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيۡهِۖ قَالَ هَٰذَا مِنۡ عَمَلِ ٱلشَّيۡطَٰنِۖ إِنَّهُۥ عَدُوّٞ مُّضِلّٞ مُّبِينٞ
15. Wuxuu soo galay magaaladii gooray war la' yihiin dadkeedu5, markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya - midi ka mid yahay qoladiisa6 (Muslim - ilmahii Israa’iil) kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaasuu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad.
5. Waxay aheyd harsiimadii goor Duhur ah ay dadku nasanayeen.
6. Muslim - ka mid ahaa ilmahii Israa’iil, kan kalena ee cadowgiisa ah wuxuu ahaa qoladii Fircoon Qibdi Masri ah.
Esegesi in lingua araba:
قَالَ رَبِّ إِنِّي ظَلَمۡتُ نَفۡسِي فَٱغۡفِرۡ لِي فَغَفَرَ لَهُۥٓۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
16. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dulmiyey naftayda ee ii denbi dhaaf, wuuna u denbi dhaafay. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
Esegesi in lingua araba:
قَالَ رَبِّ بِمَآ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ فَلَنۡ أَكُونَ ظَهِيرٗا لِّلۡمُجۡرِمِينَ
17. (Muuse) wuxuu yidhi:Rabbiyow!Waxaad igu galladeysatay darteed (oo denbi dhaaf ah), marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye denbiilayaasha.
Esegesi in lingua araba:
فَأَصۡبَحَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ خَآئِفٗا يَتَرَقَّبُ فَإِذَا ٱلَّذِي ٱسۡتَنصَرَهُۥ بِٱلۡأَمۡسِ يَسۡتَصۡرِخُهُۥۚ قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰٓ إِنَّكَ لَغَوِيّٞ مُّبِينٞ
18. Wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, digtoon, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu waxaad tahay baadiyeeye iska cad.
Esegesi in lingua araba:
فَلَمَّآ أَنۡ أَرَادَ أَن يَبۡطِشَ بِٱلَّذِي هُوَ عَدُوّٞ لَّهُمَا قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ أَتُرِيدُ أَن تَقۡتُلَنِي كَمَا قَتَلۡتَ نَفۡسَۢا بِٱلۡأَمۡسِۖ إِن تُرِيدُ إِلَّآ أَن تَكُونَ جَبَّارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا تُرِيدُ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلۡمُصۡلِحِينَ
19. Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa, wuxuu ( kii loo gargaarayey ama kii cadowgaada ahaa) yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidaad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto jujuubaa isla weyn arlada, mana dooneysid inaad ka mid ahaato kuwa wax hagaajiya7.
7. Waxaa sidaa yidhi ninkii israa’iiliga ahaa isagoo moodaya inuu Muuse doonayo inuu garaaco isaga.
Esegesi in lingua araba:
وَجَآءَ رَجُلٞ مِّنۡ أَقۡصَا ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡعَىٰ قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّ ٱلۡمَلَأَ يَأۡتَمِرُونَ بِكَ لِيَقۡتُلُوكَ فَٱخۡرُجۡ إِنِّي لَكَ مِنَ ٱلنَّٰصِحِينَ
20. Nin baa ka yimid magaalada xaggeeda shishe isagoo rooraya. Wuxuu yidhi: Muusow! Xildhibaannadii waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee baxso. Waxaan anigu kuu ahay daacade.
Esegesi in lingua araba:
فَخَرَجَ مِنۡهَا خَآئِفٗا يَتَرَقَّبُۖ قَالَ رَبِّ نَجِّنِي مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
21.Markaasuu (Muuse) ka baxay (magaalada) isagoo cabsanaya, digtoon. Wuxuuna yidhi: Rabbiyow! Iga badbaadi qolodaa daalimiinta (gar diidka) ah.
Esegesi in lingua araba:
وَلَمَّا تَوَجَّهَ تِلۡقَآءَ مَدۡيَنَ قَالَ عَسَىٰ رَبِّيٓ أَن يَهۡدِيَنِي سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ
22. Markuu u jahaystay xagga (arlada) Madyan wuxuu yidhi: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo dhabbo Toosan.
Esegesi in lingua araba:
وَلَمَّا وَرَدَ مَآءَ مَدۡيَنَ وَجَدَ عَلَيۡهِ أُمَّةٗ مِّنَ ٱلنَّاسِ يَسۡقُونَ وَوَجَدَ مِن دُونِهِمُ ٱمۡرَأَتَيۡنِ تَذُودَانِۖ قَالَ مَا خَطۡبُكُمَاۖ قَالَتَا لَا نَسۡقِي حَتَّىٰ يُصۡدِرَ ٱلرِّعَآءُۖ وَأَبُونَا شَيۡخٞ كَبِيرٞ
23. Markuu soo gaaray biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya (xoolahooda), sokadooda wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya (xoolahooda). (Muuse) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiinnu yahay? Waxay yidhaahdeen: Ma waraabinno (xoolaheenna) jeeray raacata- du fulaan oo kaxeystaan (xoolahooda), aabbaheennna waa oday weyn oo da' ah.
Esegesi in lingua araba:
فَسَقَىٰ لَهُمَا ثُمَّ تَوَلَّىٰٓ إِلَى ٱلظِّلِّ فَقَالَ رَبِّ إِنِّي لِمَآ أَنزَلۡتَ إِلَيَّ مِنۡ خَيۡرٖ فَقِيرٞ
24. Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), wuxuuna u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi: Rabbiyow! Waxaad I siiso oo khayr ah waan u baahnahay.
Esegesi in lingua araba:
فَجَآءَتۡهُ إِحۡدَىٰهُمَا تَمۡشِي عَلَى ٱسۡتِحۡيَآءٖ قَالَتۡ إِنَّ أَبِي يَدۡعُوكَ لِيَجۡزِيَكَ أَجۡرَ مَا سَقَيۡتَ لَنَاۚ فَلَمَّا جَآءَهُۥ وَقَصَّ عَلَيۡهِ ٱلۡقَصَصَ قَالَ لَا تَخَفۡۖ نَجَوۡتَ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
25. Markaasaa labadii gabdhood middood u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii darteed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Markuuna u yimid8 oo uga warramay qisadii dhacday, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
8. Wuxuu ahaa nin saalix ah, aabbaha labadaasi gabdhood la yidhaahdo Shucayb - Jethro.
Esegesi in lingua araba:
قَالَتۡ إِحۡدَىٰهُمَا يَٰٓأَبَتِ ٱسۡتَـٔۡجِرۡهُۖ إِنَّ خَيۡرَ مَنِ ٱسۡتَـٔۡجَرۡتَ ٱلۡقَوِيُّ ٱلۡأَمِينُ
26. Waxay tidhi middood (labadii gabdhood): Aabbow ijaaro! Hubaal waxaa u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aamminka ah*.
*Iyadoo u sheegtay inuu dhagax aad u weyn keligi ceelka afki ka qaaday, inuu ku yidhi, 'socda gadaasheyda', iyo inuu markay u imaneysay uu hoos madaxa u dhigay, oo aanu fiirinin.
Esegesi in lingua araba:
قَالَ إِنِّيٓ أُرِيدُ أَنۡ أُنكِحَكَ إِحۡدَى ٱبۡنَتَيَّ هَٰتَيۡنِ عَلَىٰٓ أَن تَأۡجُرَنِي ثَمَٰنِيَ حِجَجٖۖ فَإِنۡ أَتۡمَمۡتَ عَشۡرٗا فَمِنۡ عِندِكَۖ وَمَآ أُرِيدُ أَنۡ أَشُقَّ عَلَيۡكَۚ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
27. (Jethro - Shucayb) wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaa kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Alle idmo, waxaad heli (igu ogaan) inaan ka mid ahay kuwa wanaagsan.
Esegesi in lingua araba:
قَالَ ذَٰلِكَ بَيۡنِي وَبَيۡنَكَۖ أَيَّمَا ٱلۡأَجَلَيۡنِ قَضَيۡتُ فَلَا عُدۡوَٰنَ عَلَيَّۖ وَٱللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٞ
28. (Muuse) wuxuu yidhi: Sidaasi waa (ballan) dhexdeenna ah aniga iyo adiga midkaan labada muddo oofiyo, ma jiri doonto wax laygu colaadiyo, Alle baana ka damiin (markhaati) ah waxaanu leennahay.
Esegesi in lingua araba:
۞ فَلَمَّا قَضَىٰ مُوسَى ٱلۡأَجَلَ وَسَارَ بِأَهۡلِهِۦٓ ءَانَسَ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ نَارٗاۖ قَالَ لِأَهۡلِهِ ٱمۡكُثُوٓاْ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا لَّعَلِّيٓ ءَاتِيكُم مِّنۡهَا بِخَبَرٍ أَوۡ جَذۡوَةٖ مِّنَ ٱلنَّارِ لَعَلَّكُمۡ تَصۡطَلُونَ
29. Markuu dhammaystay Muuse muddadii (toban sano), oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya (u socda Masar) buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war (waddada loo maro Masar) ama dhimibil dab ah inaad kulaashaan.
Esegesi in lingua araba:
فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِيَ مِن شَٰطِيِٕ ٱلۡوَادِ ٱلۡأَيۡمَنِ فِي ٱلۡبُقۡعَةِ ٱلۡمُبَٰرَكَةِ مِنَ ٱلشَّجَرَةِ أَن يَٰمُوسَىٰٓ إِنِّيٓ أَنَا ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
30. Markuu yimid halkii (dabka), cod baa ka dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka9 leh: “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbigii uumanka.
9. Geedkaasoo dabka gudahiisa ahaa.
Esegesi in lingua araba:
وَأَنۡ أَلۡقِ عَصَاكَۚ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهۡتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنّٞ وَلَّىٰ مُدۡبِرٗا وَلَمۡ يُعَقِّبۡۚ يَٰمُوسَىٰٓ أَقۡبِلۡ وَلَا تَخَفۡۖ إِنَّكَ مِنَ ٱلۡأٓمِنِينَ
31. Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal. (Waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, hana cabsan, adigu waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah (nabad geli).
Esegesi in lingua araba:
ٱسۡلُكۡ يَدَكَ فِي جَيۡبِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٖ وَٱضۡمُمۡ إِلَيۡكَ جَنَاحَكَ مِنَ ٱلرَّهۡبِۖ فَذَٰنِكَ بُرۡهَٰنَانِ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
32. Geli gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, ku nabna gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida (aad ka qaadday maska, sidoo kalena gacantaadu waxay u noqon sideedii hore). Marka kuwakani waa labo caddaymo xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo xildhibaannadiisa, waa qolo caasiyaal ahe.
Esegesi in lingua araba:
قَالَ رَبِّ إِنِّي قَتَلۡتُ مِنۡهُمۡ نَفۡسٗا فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ
33. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dilay nin ka mid ah, waxaan ka cabsan inay i dilaan.
Esegesi in lingua araba:
وَأَخِي هَٰرُونُ هُوَ أَفۡصَحُ مِنِّي لِسَانٗا فَأَرۡسِلۡهُ مَعِيَ رِدۡءٗا يُصَدِّقُنِيٓۖ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
34. Walaalkay Haaruun baana iga faseexsan carrab (hadal ahaan) ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan ka cabsan inay I beeniyaan.
Esegesi in lingua araba:
قَالَ سَنَشُدُّ عَضُدَكَ بِأَخِيكَ وَنَجۡعَلُ لَكُمَا سُلۡطَٰنٗا فَلَا يَصِلُونَ إِلَيۡكُمَا بِـَٔايَٰتِنَآۚ أَنتُمَا وَمَنِ ٱتَّبَعَكُمَا ٱلۡغَٰلِبُونَ
35. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ku adkeyn cududdaada walaalkaa, waxaana idiin yeeli awood (xujo) marka idinma gaar siin karaan (wax dhib ah), Aayadahayaga dartood, idinka iyo intii idin raacda baa adkaan.
Esegesi in lingua araba:
فَلَمَّا جَآءَهُم مُّوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا بَيِّنَٰتٖ قَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّفۡتَرٗى وَمَا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِيٓ ءَابَآئِنَا ٱلۡأَوَّلِينَ
36.Markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood.
Esegesi in lingua araba:
وَقَالَ مُوسَىٰ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَن جَآءَ بِٱلۡهُدَىٰ مِنۡ عِندِهِۦ وَمَن تَكُونُ لَهُۥ عَٰقِبَةُ ٱلدَّارِۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلظَّٰلِمُونَ
37. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigay baa dhab u ogsoon kan kala yimid hanuun Xaggiisa iyo kan lahaan cidhibta wanaagsan ee Daarta 10. Hubaal daalimiintuna ma liibaanaan.
10. Waa adduunka ama Aakhirada
Esegesi in lingua araba:
وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَأُ مَا عَلِمۡتُ لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرِي فَأَوۡقِدۡ لِي يَٰهَٰمَٰنُ عَلَى ٱلطِّينِ فَٱجۡعَل لِّي صَرۡحٗا لَّعَلِّيٓ أَطَّلِعُ إِلَىٰٓ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُۥ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
38. Fircoonna wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee ii huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada11, markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo eego ilaaha Muuse; waxaan qabaa inuu ka mid yahay beenlowyada.
. 11. Ee laga sameeyo bulukeetiga.
Esegesi in lingua araba:
وَٱسۡتَكۡبَرَ هُوَ وَجُنُودُهُۥ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُمۡ إِلَيۡنَا لَا يُرۡجَعُونَ
39. Waxayna isku kibriyeen isaga iyo askartiisuba arlada xaq darro, waxayna moodeen inaan Xaggeenna loo soo celinayn.
Esegesi in lingua araba:
فَأَخَذۡنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلظَّٰلِمِينَ
40. Markaasaan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo ku tuurnay badda12, ee fiiri siday ahayd cidhibtii daalimiinta.
12. Alle s.w.t. wuxuu sababay inay dadkii Fircoon kaga soo tagaan gadaashooda waxay hanti iyo maal lahaayeen, oo soo galaan badda iyagoo ku jooga raadka ilmahii Israa’iil. Eeg Suuradda 26: Aayadaha 52- 66.
Esegesi in lingua araba:
وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَئِمَّةٗ يَدۡعُونَ إِلَى ٱلنَّارِۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا يُنصَرُونَ
41. Waxaana ka yeelnay madax13 wax ugu yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma gargaaro.
13. Macnaha waa tusaale, ama mataal xun ay raacaan diktaatoorrada oo dhan iyo madaxda khaa’imiinta ah.
Esegesi in lingua araba:
وَأَتۡبَعۡنَٰهُمۡ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا لَعۡنَةٗۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ هُم مِّنَ ٱلۡمَقۡبُوحِينَ
42. Waxaan raacinnay adduunyadan Lacnad, Maalinta Qiyaamahana waxay ka mid ahaan kuwa (laga yaqyaqsado) falalkooda xun (ee laga dheereeyey Naxariista Alle).
Esegesi in lingua araba:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ مِنۢ بَعۡدِ مَآ أَهۡلَكۡنَا ٱلۡقُرُونَ ٱلۡأُولَىٰ بَصَآئِرَ لِلنَّاسِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لَّعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ
43. Waxaana dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kaddib markaan halaagnay qaaruumihii hore, isagoo tusmooyin u ah dadka, iyo hanuun iyo naxariis inay xusuustaan (oo ku waantoobaan).
Esegesi in lingua araba:
وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلۡغَرۡبِيِّ إِذۡ قَضَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَى ٱلۡأَمۡرَ وَمَا كُنتَ مِنَ ٱلشَّٰهِدِينَ
44. Adigu (Nabi Muxammadow) ma aad joogin dhinaca galbeed (ee buurta), markaan siinnay Muuse amarka (Nabinnimada), mana aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga.
Esegesi in lingua araba:
وَلَٰكِنَّآ أَنشَأۡنَا قُرُونٗا فَتَطَاوَلَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡعُمُرُۚ وَمَا كُنتَ ثَاوِيٗا فِيٓ أَهۡلِ مَدۡيَنَ تَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِنَا وَلَٰكِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ
45. Waxaanse abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) waxaana ku dheeraaday cumrigii14. Adiguna ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan, adigoo u akhrinaya Aayadahayaga. Annaga baase ku soo dirnay (Rusuul ahaan )15.
14. Markaasay hilmaameen oo dayaceen amarradii Alle.
15. Nabigu s.c.w. ma heysto dariiq kale uu ku ogaado wararkan aan ahayn Waxyiga Alle u soo waxyooday.
Esegesi in lingua araba:
وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلطُّورِ إِذۡ نَادَيۡنَا وَلَٰكِن رَّحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٖ مِّن قَبۡلِكَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ
46. Mana aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u dhawaaqnay Muuse. (Waxaase laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto qolo uusan u imaan dige hortaa inay xusuustaan (oo waantoobaan).
Esegesi in lingua araba:
وَلَوۡلَآ أَن تُصِيبَهُم مُّصِيبَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ فَيَقُولُواْ رَبَّنَا لَوۡلَآ أَرۡسَلۡتَ إِلَيۡنَا رَسُولٗا فَنَتَّبِعَ ءَايَٰتِكَ وَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
47. Haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo denbiyo ah) darteed, markaasna ay yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta (waa la ciqaabi lahaa).
Esegesi in lingua araba:
فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ مِنۡ عِندِنَا قَالُواْ لَوۡلَآ أُوتِيَ مِثۡلَ مَآ أُوتِيَ مُوسَىٰٓۚ أَوَلَمۡ يَكۡفُرُواْ بِمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ مِن قَبۡلُۖ قَالُواْ سِحۡرَانِ تَظَٰهَرَا وَقَالُوٓاْ إِنَّا بِكُلّٖ كَٰفِرُونَ
48. Markiise uu Xaqa uga yimid Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen:“Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaystay16. Waxayna yidhaahdeen: Innagu dhammaan waan ku gaalownay.
16. Camalka labo sixir oo is kaalmaystay: Waxay gaaladii Quraysh ula jeedeen: Towraadda iyo Qur’aanka.
Esegesi in lingua araba:
قُلۡ فَأۡتُواْ بِكِتَٰبٖ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ هُوَ أَهۡدَىٰ مِنۡهُمَآ أَتَّبِعۡهُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
49. Dheh: Ka keena Kitaab (kale) xagga Alle, oo ka hanuun wanaagsan labadooda aan raacee haddaad run sheegaysaan.
Esegesi in lingua araba:
فَإِن لَّمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَكَ فَٱعۡلَمۡ أَنَّمَا يَتَّبِعُونَ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَمَنۡ أَضَلُّ مِمَّنِ ٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ بِغَيۡرِ هُدٗى مِّنَ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
50. Haddayna ku ajiibin, ogow inay uun raacaan hawadooda. Yaana ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Alle? Hubaal, Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (ee madaxa adag).
Esegesi in lingua araba:
۞ وَلَقَدۡ وَصَّلۡنَا لَهُمُ ٱلۡقَوۡلَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ
51. Waxaan si xidhiidhsan (oo qayb qayb ah) u soo gaarsiinnay Qowlka (Qur’aanka), inay xusuustaan (oo waantoobaan).
Esegesi in lingua araba:
ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِهِۦ هُم بِهِۦ يُؤۡمِنُونَ
52. Kuwaannu siinnay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka hor kani (Qur'aanka) - baa rumeyn17 waxa ku soo arooray (Qur’aanka).
17. Waa mu’miniinta daacadda ah ee ku jira ehlu kitaabka dhexdooda.
Esegesi in lingua araba:
وَإِذَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِهِۦٓ إِنَّهُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّنَآ إِنَّا كُنَّا مِن قَبۡلِهِۦ مُسۡلِمِينَ
53. Marka loo akhriyona (Qur'aanka), waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay. hubaal, waa Xaq ka yimid Rabbigayo. Waxaanu ahayn isaga ka horba Muslimiin.
Esegesi in lingua araba:
أُوْلَٰٓئِكَ يُؤۡتَوۡنَ أَجۡرَهُم مَّرَّتَيۡنِ بِمَا صَبَرُواْ وَيَدۡرَءُونَ بِٱلۡحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
54. Kuwaas waxaa la siin ajarkooda labo jeer samirkoodii darti, waxayna ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, waxaan ku irsaaqnona wax ka bixiyaan.
Esegesi in lingua araba:
وَإِذَا سَمِعُواْ ٱللَّغۡوَ أَعۡرَضُواْ عَنۡهُ وَقَالُواْ لَنَآ أَعۡمَٰلُنَا وَلَكُمۡ أَعۡمَٰلُكُمۡ سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمۡ لَا نَبۡتَغِي ٱلۡجَٰهِلِينَ
55. Markay maqlaanna hadal macno darro ah way ka jeesadaan, oo yidhaahdaan: Waxaanu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camalladiinna. Nabad gelyo18, ma rabno (dhaqanka) jaahiliinta.
18. Salaamu calaykum halkan loolama jeedo salaanta Muslimka, ee waxaa loola jeedaa waa ka nabad galeysaan afkayaga iyo addinkayaga qowl iyo ficilba oo wax xun inaan ku hadalno aamin iyo nabad baad ka tihiin, iyo inaan u dhaqanno sidiinna oo kale si jaahilnimo ah.
Esegesi in lingua araba:
إِنَّكَ لَا تَهۡدِي مَنۡ أَحۡبَبۡتَ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
56. Adigu (Nabi Muxammadow) Ma hanuu- nin kartid ciddaad jecleysato, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Isagaana dhab u ogsoon kuwa hanuunsan.
Esegesi in lingua araba:
وَقَالُوٓاْ إِن نَّتَّبِعِ ٱلۡهُدَىٰ مَعَكَ نُتَخَطَّفۡ مِنۡ أَرۡضِنَآۚ أَوَلَمۡ نُمَكِّن لَّهُمۡ حَرَمًا ءَامِنٗا يُجۡبَىٰٓ إِلَيۡهِ ثَمَرَٰتُ كُلِّ شَيۡءٖ رِّزۡقٗا مِّن لَّدُنَّا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
57.Waxay (gaaladii Makkaad) yidhaahdeen: Haddaan kula raacno hanuunka, waxaa nalaga dafi dhulkayaga19. Ma waannaan dejin Xaram aammin ah, oo midho nooc walba leh la keeno - risiq Xaggayaga ah, badankooduse ma oga.
19. Waxaa nagu soo xadgudabaya oo na kala dafaya qabiilooyinka kale ee Carabta.
Esegesi in lingua araba:
وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةِۭ بَطِرَتۡ مَعِيشَتَهَاۖ فَتِلۡكَ مَسَٰكِنُهُمۡ لَمۡ تُسۡكَن مِّنۢ بَعۡدِهِمۡ إِلَّا قَلِيلٗاۖ وَكُنَّا نَحۡنُ ٱلۡوَٰرِثِينَ
58. Badanaa intaan magaalo halaagnay, ku kibirtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusushiisa). Marka waa kuwan guryahoodii aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee20 waana Annaga dhaxlayaasha (u hadha).
20. Musaafiriinta doonaya meel ay degaan in yar oo markaa ka tagaan. Waxaana halkan loogu tilmaamayaa burburkii magaalooyinkaa ay arki jireen Quraysh markay halkaa socdaal ku marayaan.
Esegesi in lingua araba:
وَمَا كَانَ رَبُّكَ مُهۡلِكَ ٱلۡقُرَىٰ حَتَّىٰ يَبۡعَثَ فِيٓ أُمِّهَا رَسُولٗا يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِنَاۚ وَمَا كُنَّا مُهۡلِكِي ٱلۡقُرَىٰٓ إِلَّا وَأَهۡلُهَا ظَٰلِمُونَ
59. Ma aha Rabbigaana mid halaaga magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Ma halaagno magaalooyinka haddayan aheyn dadkeedu daalimiin (gar ma qaatayaal).
Esegesi in lingua araba:
وَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَيۡءٖ فَمَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَزِينَتُهَاۚ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
60. Waxa la idin siiyona oo wuxuun ah waa uun sahay nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase (Aakhirada) Alle agtiis ah baa khayr roon oo daa’insan. Ee mawaydaan fahmeyn?
Esegesi in lingua araba:
أَفَمَن وَعَدۡنَٰهُ وَعۡدًا حَسَنٗا فَهُوَ لَٰقِيهِ كَمَن مَّتَّعۡنَٰهُ مَتَٰعَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا ثُمَّ هُوَ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ
61. Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan (ee dhammaaneysa), markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon kuwa la soo xaadirnayo (la keenayo cadaabka)?
Esegesi in lingua araba:
وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ فَيَقُولُ أَيۡنَ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تَزۡعُمُونَ
62. (Ka dig) Maalinta uu (Alle) u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada) oo aad u heysateen inay yihiin shurakadeyda?
Esegesi in lingua araba:
قَالَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ رَبَّنَا هَٰٓؤُلَآءِ ٱلَّذِينَ أَغۡوَيۡنَآ أَغۡوَيۡنَٰهُمۡ كَمَا غَوَيۡنَاۖ تَبَرَّأۡنَآ إِلَيۡكَۖ مَا كَانُوٓاْ إِيَّانَا يَعۡبُدُونَ
63. Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi21 (in la cadaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwaan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidaan u habownay. Waxaan ka nahay barii Adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen22.
21. Loo qaddaray in la cadaabo.
22. Macnaha waxaa weeye ma aanu qasbin iyaga, mana ay na adeeceyn, ee waxay raacayeen oo adeecayeen keliya hawada nafahooda iyo waxa liita ay rabaan oo ay u iishaan.
Esegesi in lingua araba:
وَقِيلَ ٱدۡعُواْ شُرَكَآءَكُمۡ فَدَعَوۡهُمۡ فَلَمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَهُمۡ وَرَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۚ لَوۡ أَنَّهُمۡ كَانُواْ يَهۡتَدُونَ
64. Waxaana lagu odhan: U yeedha Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen (Alle), markaasay u yeedhan, mase ajiibayaan, waxayna arki cadaabka. Markaasay shallaayaan hadday uun hanuuni lahaayeen.
Esegesi in lingua araba:
وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ فَيَقُولُ مَاذَآ أَجَبۡتُمُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
65. (Xus) Maalinta uu (Alle) u yeedhi oo odhan: Maxaad ugu jawaabteen Rusushii?
Esegesi in lingua araba:
فَعَمِيَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَنۢبَآءُ يَوۡمَئِذٖ فَهُمۡ لَا يَتَسَآءَلُونَ
66. Markaasay waayi xujooyin 23 maalintaas, waxnana isma weydiinayaan.
23. Si ay been u sheegaan ama u cudur daartaan.
Esegesi in lingua araba:
فَأَمَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَعَسَىٰٓ أَن يَكُونَ مِنَ ٱلۡمُفۡلِحِينَ
67. Qofkii ka toobad keena (shirkiga iyo macaasida) oo (Xaqa) rumeeya oo raaca oo fala camallo wanaagsan (nolosha adduunkan) waa intaasoo uu ka mid ahaado liibaanayaasha.
Esegesi in lingua araba:
وَرَبُّكَ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُ وَيَخۡتَارُۗ مَا كَانَ لَهُمُ ٱلۡخِيَرَةُۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
68. Rabbigaana (Alle) wuxuu abuuraa wuxuu doono oo doortaa, ma leh iyaguse doorashada. Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.
Esegesi in lingua araba:
وَرَبُّكَ يَعۡلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمۡ وَمَا يُعۡلِنُونَ
69. Rabbigaana waa Ogsoon yahay waxay qarin laabahooda iyo waxay muujinba.
Esegesi in lingua araba:
وَهُوَ ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ لَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلۡأُولَىٰ وَٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَهُ ٱلۡحُكۡمُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
70. Waa Allaah (Macbuudka Xaqa ah), ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Isagaa leh ammaan oo idil iyo mahad tan hore (aduuunka) iyo tan dambe (Aakhirada), Isagaana leh Xukunka, Xaggiisaana idinkoo idil la idiin soo celin.
Esegesi in lingua araba:
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن جَعَلَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمُ ٱلَّيۡلَ سَرۡمَدًا إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَنۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَأۡتِيكُم بِضِيَآءٍۚ أَفَلَا تَسۡمَعُونَ
71. Dheh: bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara iftiin, miyeydaan wax maqleyn?.
Esegesi in lingua araba:
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن جَعَلَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمُ ٱلنَّهَارَ سَرۡمَدًا إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَنۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَأۡتِيكُم بِلَيۡلٖ تَسۡكُنُونَ فِيهِۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ
72. Dheh: Bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan, mawaydaan wax arkayn?
Esegesi in lingua araba:
وَمِن رَّحۡمَتِهِۦ جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
73. Waxaa ka mid ah Naxariista Alle inuu idiin yeelay habeenka si aad ugu nasataan, iyo maalinta si aad u doonataan Deeqdiisa, iyo inaad u mahad naqdaan (af, uur, iyo addinba).
Esegesi in lingua araba:
وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ فَيَقُولُ أَيۡنَ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تَزۡعُمُونَ
74. (Ka dig) Maalinta aan u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad u heysateen inay yihiin shurakadeyda ee aad ila wadaajiseen cibaadada?
Esegesi in lingua araba:
وَنَزَعۡنَا مِن كُلِّ أُمَّةٖ شَهِيدٗا فَقُلۡنَا هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ فَعَلِمُوٓاْ أَنَّ ٱلۡحَقَّ لِلَّهِ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
75. Waxaanu ka soo saari ummad walba markhaati, oo odhan: Keena xujadiinna. Markaasay ogaan inuu Garta leeyahay Alle (Keliya), wayna waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo ah).
Esegesi in lingua araba:
۞ إِنَّ قَٰرُونَ كَانَ مِن قَوۡمِ مُوسَىٰ فَبَغَىٰ عَلَيۡهِمۡۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡكُنُوزِ مَآ إِنَّ مَفَاتِحَهُۥ لَتَنُوٓأُ بِٱلۡعُصۡبَةِ أُوْلِي ٱلۡقُوَّةِ إِذۡ قَالَ لَهُۥ قَوۡمُهُۥ لَا تَفۡرَحۡۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡفَرِحِينَ
76. Qaaruun wuxuu ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, waxaana ka siinnay kaydadka (maalka) wax aad u tiro badan heer furayaashoodu cusleyneysay jirka rag xoog leh. Markay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (kibrin), Alle ma jecla kuwa farxa (kibree).
Esegesi in lingua araba:
وَٱبۡتَغِ فِيمَآ ءَاتَىٰكَ ٱللَّهُ ٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَۖ وَلَا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ ٱلدُّنۡيَاۖ وَأَحۡسِن كَمَآ أَحۡسَنَ ٱللَّهُ إِلَيۡكَۖ وَلَا تَبۡغِ ٱلۡفَسَادَ فِي ٱلۡأَرۡضِۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
77. Oo ku doono waxa (khayr ah) uu Alle ku siiyey Daarta Aakhiro, hana halmaamin qaybtaada ah adduunka, oo sama fal sida uuba Alle kuugu sama falay, hana la doonin fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa wax fasaadiya (halleeya).
Esegesi in lingua araba:
قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلۡمٍ عِندِيٓۚ أَوَلَمۡ يَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ قَدۡ أَهۡلَكَ مِن قَبۡلِهِۦ مِنَ ٱلۡقُرُونِ مَنۡ هُوَ أَشَدُّ مِنۡهُ قُوَّةٗ وَأَكۡثَرُ جَمۡعٗاۚ وَلَا يُسۡـَٔلُ عَن ذُنُوبِهِمُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
78. Wuxuu yidhi: Waxaa la igu siiyey maalkan oo keliya aqoonteyda. Miyuusan ogayn inuu Alle halaagay horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan waxay isu keeneen. Lamana weydiiyo denbiyadooda denbiilayaasha.
Esegesi in lingua araba:
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ فِي زِينَتِهِۦۖ قَالَ ٱلَّذِينَ يُرِيدُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا يَٰلَيۡتَ لَنَا مِثۡلَ مَآ أُوتِيَ قَٰرُونُ إِنَّهُۥ لَذُو حَظٍّ عَظِيمٖ
79. Markaasuu u soo baxay qolodiisii isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayey nolosha adduunkan waxay yidhaahdeen: “Wayoo waye, haddaanu lahaan lahayn wax la mid ah waxa Qaaruun la siiyey? Wuu nasiib badan yahaye.
Esegesi in lingua araba:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ وَيۡلَكُمۡ ثَوَابُ ٱللَّهِ خَيۡرٞ لِّمَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗاۚ وَلَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلصَّٰبِرُونَ
80. Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Alle (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama fala , lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa samra.
Esegesi in lingua araba:
فَخَسَفۡنَا بِهِۦ وَبِدَارِهِ ٱلۡأَرۡضَ فَمَا كَانَ لَهُۥ مِن فِئَةٖ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُنتَصِرِينَ
81. Markaasaan la goynay isagii (Qaaruun) iyo daartiisiiba dhulka. Mana uusan helin koox u gargaarta Alle ka sokow, mana ahayn mid is difaaci kara.
Esegesi in lingua araba:
وَأَصۡبَحَ ٱلَّذِينَ تَمَنَّوۡاْ مَكَانَهُۥ بِٱلۡأَمۡسِ يَقُولُونَ وَيۡكَأَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُۖ لَوۡلَآ أَن مَّنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا لَخَسَفَ بِنَاۖ وَيۡكَأَنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡكَٰفِرُونَ
82. Kuwii u hanqal taagayey (meeqaan la mid) meeqaankiisa maalintii horreysay waxay billaabeen inay yidhaahdaan: Shaki ma leh waa Alle Kan u fidiya risiqa qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa ama ku cidhiidhiya. Haddii aysan jirteen in Alle yahay mid noo Roonaan badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka (sidoo kale). Shaki ma leh, ma liibaanto gaalo.
Esegesi in lingua araba:
تِلۡكَ ٱلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ نَجۡعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوّٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فَسَادٗاۚ وَٱلۡعَٰقِبَةُ لِلۡمُتَّقِينَ
83. Taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaanu dhaxalsiin kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, aanna ku falin fasahaad. Cidhibta wanaagsanna waxaa leh kuwa iska jira(xumaha ee dhowra amarrada Alle).
Esegesi in lingua araba:
مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيۡرٞ مِّنۡهَاۖ وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَلَا يُجۡزَى ٱلَّذِينَ عَمِلُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ إِلَّا مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
84.Qofkii la yimaada wanaag (Towxiid iyo camallo san oo sharciga waafaqsan), wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (waxaa lagu abaal marin Janno), qofkiise la yimaada xumaan (shirki iyo macaasi), laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay falayeen (wax la mid ah oo xumaan ah).
Esegesi in lingua araba:
إِنَّ ٱلَّذِي فَرَضَ عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ لَرَآدُّكَ إِلَىٰ مَعَادٖۚ قُل رَّبِّيٓ أَعۡلَمُ مَن جَآءَ بِٱلۡهُدَىٰ وَمَنۡ هُوَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
85. Hubaal (Alle ee) kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu dib kuugu soo celin Xagga halkii ballantu ahayd24. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow cad.
24. Waxaa loolaa jeedaa Makkah (noloshan adduunka) ama Jannada (Aakhirada).
Esegesi in lingua araba:
وَمَا كُنتَ تَرۡجُوٓاْ أَن يُلۡقَىٰٓ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبُ إِلَّا رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۖ فَلَا تَكُونَنَّ ظَهِيرٗا لِّلۡكَٰفِرِينَ
86. Ma aad aheyn (Nabiyow) mid rajeyn in lagugu soo dejiyo Kitaabka (Qur’aanka), hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada25.
25. Ha ugu kaalmeyn diintooda adigoo waafaqaya caqiidadooda ama ansixinaya.
Esegesi in lingua araba:
وَلَا يَصُدُّنَّكَ عَنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بَعۡدَ إِذۡ أُنزِلَتۡ إِلَيۡكَۖ وَٱدۡعُ إِلَىٰ رَبِّكَۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
87. Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Alle kaddib marka lagagu soo dejiyey, uguna yeedh xagga Rabbigaa, oo ha ka mid noqonnin Mushrikiinta.
Esegesi in lingua araba:
وَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۘ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ كُلُّ شَيۡءٍ هَالِكٌ إِلَّا وَجۡهَهُۥۚ لَهُ ٱلۡحُكۡمُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
88. Ha baryin (caabudin) la jirka Alle ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wax waliba way halaagsami Wejgiisa maahee26. Isagaa leh xukunka, Xaggiisaana la idiin soo celin.
26. Waa (Alle) maahee.
Esegesi in lingua araba:
 
Traduzione dei significati Sura: Al-Qasas
Indice delle Sure Numero di pagina
 
Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Yaqub - Indice Traduzioni

Traduzione dei significati del Nobile Corano in somalo a cura di Abdullah Hasan Yaqub

Chiudi