Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Yaqub * - Indice Traduzioni

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduzione dei significati Sura: Fussilat   Versetto:

Suurada Fussilat

حمٓ
1. Xaa Miim.2
1. Fussilat : (Aayado cad).Waxaa sidoo kale Suuraddan lagu magacaabaa Xaa Miim As-Sajdah.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
Esegesi in lingua araba:
تَنزِيلٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
2. Soo dejinta (Waxyigan) waa xagga (Alle) Naxariistaha, Naxariista Badan.
Esegesi in lingua araba:
كِتَٰبٞ فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
3. Waa Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah ciddii wax garan.
Esegesi in lingua araba:
بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا فَأَعۡرَضَ أَكۡثَرُهُمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ
4. Ugu bishaareynaya (Janno Qofkii rumeeya Towxiidka Alle oo camallo san fasha) una digaya (qofkii u shariig yeela Alle oo xuma fala), waase ka jeesadeen badankoodu, marka wax ma maqlaan.
Esegesi in lingua araba:
وَقَالُواْ قُلُوبُنَا فِيٓ أَكِنَّةٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ وَفِيٓ ءَاذَانِنَا وَقۡرٞ وَمِنۢ بَيۡنِنَا وَبَيۡنِكَ حِجَابٞ فَٱعۡمَلۡ إِنَّنَا عَٰمِلُونَ
5. Waxay yidhaahdeen: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxaad noogu yeedhi (Islaamka), waxaana ah culeys dhegahayaga, daah baana xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falan3.
3. U shaqeeya diintiinna, innaguna waynu u shaqeyn.
Esegesi in lingua araba:
قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ فَٱسۡتَقِيمُوٓاْ إِلَيۡهِ وَٱسۡتَغۡفِرُوهُۗ وَوَيۡلٞ لِّلۡمُشۡرِكِينَ
6. Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah keliya (Allaah aan wax shariig ah lahayn), ee raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, weydiistana denbi dhaaf, Hoogna waxaa leh Mushrikiinta.
Esegesi in lingua araba:
ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ
7.Kuwa aan (ka daahirin naftooda shirkiga, salaad tukan oo aan) bixin Zakada, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysnayn (iyo Janno iyo Naar).
Esegesi in lingua araba:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونٖ
8. Kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay leeyihiin abaal gud aan go’eynin (Janno).
Esegesi in lingua araba:
۞ قُلۡ أَئِنَّكُمۡ لَتَكۡفُرُونَ بِٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ فِي يَوۡمَيۡنِ وَتَجۡعَلُونَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ ذَٰلِكَ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
9. Dheh: Ma waxaad ku gaaloobeysaan Kan (Allaah ee) ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeleysaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uumanka.
Esegesi in lingua araba:
وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِيَ مِن فَوۡقِهَا وَبَٰرَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَآ أَقۡوَٰتَهَا فِيٓ أَرۡبَعَةِ أَيَّامٖ سَوَآءٗ لِّلسَّآئِلِينَ
10. Wuxuu yeelay dhulka dhexdiisa buuro ka kor ah, wuuna barakeeyey oo u qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood siman ciddii ku weydiisa(uunka).
Esegesi in lingua araba:
ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ وَهِيَ دُخَانٞ فَقَالَ لَهَا وَلِلۡأَرۡضِ ٱئۡتِيَا طَوۡعًا أَوۡ كَرۡهٗا قَالَتَآ أَتَيۡنَا طَآئِعِينَ
11. Kaddib Wuxuu u qasday xagga samada oo aheyd qiiq, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arlada: "Ku noqda (ahaada samo iyo arlo Amarkayga) oggolaan ama khasab; waxay yidhaahdeen: Waxaanu nimid innagoo ku adeecsan oo ku oggol.
Esegesi in lingua araba:
فَقَضَىٰهُنَّ سَبۡعَ سَمَٰوَاتٖ فِي يَوۡمَيۡنِ وَأَوۡحَىٰ فِي كُلِّ سَمَآءٍ أَمۡرَهَاۚ وَزَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَحِفۡظٗاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ
12. Wuxuu ku dhammeystiray toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, wuxuuna u waxyooday samo waliba arrinkeeda. Waxaanu ku qurxinnay samada soke xiddigo, isla markaana xafid u ah4. Arrinkaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sarreeya, Wax kasta Ogsoon.
4. Waxaa lagaga dhowray shayaadiinta isku daya inay ka soo maqlaan war malaa’igta cirka jira oo waxaa lagu soo ganaa dambaaburo dab ah.
Esegesi in lingua araba:
فَإِنۡ أَعۡرَضُواْ فَقُلۡ أَنذَرۡتُكُمۡ صَٰعِقَةٗ مِّثۡلَ صَٰعِقَةِ عَادٖ وَثَمُودَ
13. Hadday ka jeesadaan (Xaqa), markaa dheh: Waxaan idiinka digay cadaab daran la mid ah cadaabkii ku dhacay (reer) Caad iyo Thamuud.
Esegesi in lingua araba:
إِذۡ جَآءَتۡهُمُ ٱلرُّسُلُ مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۖ قَالُواْ لَوۡ شَآءَ رَبُّنَا لَأَنزَلَ مَلَٰٓئِكَةٗ فَإِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
14. Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashooda5 (iyagoo ku leh): Ha caabudina cidaan ahayn Alle. Waxay yidhaahdeen: Hadduu Rabbigayo doono6, wuxuu soo diri lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray waa ku gaalownay.
5. Waxa loola jeedaa hortooda iyo gadaashooda waxay uga yimaadeen dhinac kasta.
6. Inuu soo diro Rusul.
Esegesi in lingua araba:
فَأَمَّا عَادٞ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَقَالُواْ مَنۡ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةًۖ أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِي خَلَقَهُمۡ هُوَ أَشَدُّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗۖ وَكَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَجۡحَدُونَ
15. Ma Caad, waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo yidhaahdeen: Yaa naga xoog badan? Miyeyna arag in Alle ee abuuray uu ka xoog badan yahay? Waxayna ahaayeen kuwo Aayadahayaga dafira.
Esegesi in lingua araba:
فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِيٓ أَيَّامٖ نَّحِسَاتٖ لِّنُذِيقَهُمۡ عَذَابَ ٱلۡخِزۡيِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَخۡزَىٰۖ وَهُمۡ لَا يُنصَرُونَ
16. Markaasaan u dirnay dabeyl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan u dhadhansiinno cadaabka dulliga nolosha adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii dulli badan, loomana gargaaro.
Esegesi in lingua araba:
وَأَمَّا ثَمُودُ فَهَدَيۡنَٰهُمۡ فَٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡعَمَىٰ عَلَى ٱلۡهُدَىٰ فَأَخَذَتۡهُمۡ صَٰعِقَةُ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡهُونِ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
17. Ma Thamuud se, waxaan tusnay dhabbaha toosan (ee Islaamka), waxayse ka jeclaadeen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, markaasaa waxaa ku dhacay cadaab daran wax dulleysa waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).
Esegesi in lingua araba:
وَنَجَّيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ
18. Waxaana badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha ) ka dhowrsaday.
Esegesi in lingua araba:
وَيَوۡمَ يُحۡشَرُ أَعۡدَآءُ ٱللَّهِ إِلَى ٱلنَّارِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ
19. (Xus, Nabiyow) Maalinta cadowyada Alle (gaalada) loo soo wada kulmin Naarta, iyagoo loo wado saf saf oo is cidhiidhyi.
Esegesi in lingua araba:
حَتَّىٰٓ إِذَا مَا جَآءُوهَا شَهِدَ عَلَيۡهِمۡ سَمۡعُهُمۡ وَأَبۡصَٰرُهُمۡ وَجُلُودُهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
20. Markay yimaadaan (Naarta oo dafiraan denbiyadooda), waxaa ku marag furi maqalkooda iyo araggooda iyo haraggooda waxay fali jireen.
Esegesi in lingua araba:
وَقَالُواْ لِجُلُودِهِمۡ لِمَ شَهِدتُّمۡ عَلَيۡنَاۖ قَالُوٓاْ أَنطَقَنَا ٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَنطَقَ كُلَّ شَيۡءٖۚ وَهُوَ خَلَقَكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
21. Waxay ku odhan haraggooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Alle baa naga hadliyey ee ka hadliya wax walba, Isagaana idin abuuray kal horeba, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.
Esegesi in lingua araba:
وَمَا كُنتُمۡ تَسۡتَتِرُونَ أَن يَشۡهَدَ عَلَيۡكُمۡ سَمۡعُكُمۡ وَلَآ أَبۡصَٰرُكُمۡ وَلَا جُلُودُكُمۡ وَلَٰكِن ظَنَنتُمۡ أَنَّ ٱللَّهَ لَا يَعۡلَمُ كَثِيرٗا مِّمَّا تَعۡمَلُونَ
22. Ma aydaan ahayn kuwo isku astura (ka cabsashada Alle oo dhowrsada) si aysan maqalkiinnu iyo araggiinnu iyo haragiinnu idiinku markhaati furin7, waxaadse mooddeen inaanu Alle ogeyn in badan oo waxaad fashaan ah.
7. Ma dareensanayn in maqalkooda iyo araggooda iyo oogadooda ku marag furi doonaan waxay faleen oo dhan.
Esegesi in lingua araba:
وَذَٰلِكُمۡ ظَنُّكُمُ ٱلَّذِي ظَنَنتُم بِرَبِّكُمۡ أَرۡدَىٰكُمۡ فَأَصۡبَحۡتُم مِّنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
23. Kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, marka waad khasaarteen.
Esegesi in lingua araba:
فَإِن يَصۡبِرُواْ فَٱلنَّارُ مَثۡوٗى لَّهُمۡۖ وَإِن يَسۡتَعۡتِبُواْ فَمَا هُم مِّنَ ٱلۡمُعۡتَبِينَ
24. Marka hadday samri oo adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, haddayna dalbaan in loo cudur daaro, lagama aqbalo cudur daarasho.
Esegesi in lingua araba:
۞ وَقَيَّضۡنَا لَهُمۡ قُرَنَآءَ فَزَيَّنُواْ لَهُم مَّا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَحَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ فِيٓ أُمَمٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ خَٰسِرِينَ
25. Waxaana u yeellay (gaalada) saaxiibbo ku xidhiidha8, markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda (oo denbiyo) ah9, waxaana ku dhaboobay Qawlka (cadaabka) siduu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu yihiin kuwo khasaaraya.
8. Adduunkan gudahi ee ka mid ah jinka iyo dadka.
9. Waxa hortood ah ee leh macmacaanno, barwaaqooyin, waxaana loola jeedaa waxa gadaashood ah hididdiilooyin been ah.
Esegesi in lingua araba:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَسۡمَعُواْ لِهَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ وَٱلۡغَوۡاْ فِيهِ لَعَلَّكُمۡ تَغۡلِبُونَ
26. Kuwa gaaloobay waxay yiraahdeen: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq waa intaasoo aad adkaataane10.
10. Waxay arrintan uga dan lahaayeen inay dadka ka celiyaan dhageysiga ama fahmidda Qur’aanka
Esegesi in lingua araba:
فَلَنُذِيقَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَذَابٗا شَدِيدٗا وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَسۡوَأَ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
27. Waxaanu dhadhansiin kuwa gaalooba cadaab daran, waxaana u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen.
Esegesi in lingua araba:
ذَٰلِكَ جَزَآءُ أَعۡدَآءِ ٱللَّهِ ٱلنَّارُۖ لَهُمۡ فِيهَا دَارُ ٱلۡخُلۡدِ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَجۡحَدُونَ
28. Kaasu waa abaalka cadawyada Ilaahay (gaalada): Naar, ay ku leeyihiin daar lagu waaro, waa jazaha waxay Aayadahayaga beenin jireen darteed.
Esegesi in lingua araba:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ رَبَّنَآ أَرِنَا ٱلَّذَيۡنِ أَضَلَّانَا مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ نَجۡعَلۡهُمَا تَحۡتَ أَقۡدَامِنَا لِيَكُونَا مِنَ ٱلۡأَسۡفَلِينَ
29. Kuwa gaalooba waxay odhan: Rabbigayow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan halka ugu hooseeysa (Naarta)11.
11. Halka u hooseysa dabaqyada Naarta. Ama macnaha waa si aan cagta u marinno oo ugu dul soconno aar goosi ahaan.
Esegesi in lingua araba:
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُواْ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسۡتَقَٰمُواْ تَتَنَزَّلُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَلَّا تَخَافُواْ وَلَا تَحۡزَنُواْ وَأَبۡشِرُواْ بِٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
30. Kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan (ee Islaamka) malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadooda iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, kuna bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay.
Esegesi in lingua araba:
نَحۡنُ أَوۡلِيَآؤُكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَشۡتَهِيٓ أَنفُسُكُمۡ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَدَّعُونَ
31. Annagaa ah gargaarayaashiin nolosha adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaadna leedihiin gudaheeda waxay nafahiinnu doonaan, oo waxaad leedihiin gudaheeda waxaad dalabtaan.
Esegesi in lingua araba:
نُزُلٗا مِّنۡ غَفُورٖ رَّحِيمٖ
32. Waa martiqaad xagga (Alle) ah, Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
Esegesi in lingua araba:
وَمَنۡ أَحۡسَنُ قَوۡلٗا مِّمَّن دَعَآ إِلَى ٱللَّهِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
33. Yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Alle, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta.
Esegesi in lingua araba:
وَلَا تَسۡتَوِي ٱلۡحَسَنَةُ وَلَا ٱلسَّيِّئَةُۚ ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ فَإِذَا ٱلَّذِي بَيۡنَكَ وَبَيۡنَهُۥ عَدَٰوَةٞ كَأَنَّهُۥ وَلِيٌّ حَمِيمٞ
34. Ma sinna samaanta iyo xumaantu, ku qaabil (xumaha) waxa wax u wanaagsan (cafis iyo masaamax iyo asxaan fal), markaas eeg! Kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqonayaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin.
Esegesi in lingua araba:
وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٖ
35. Lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib weyn.
Esegesi in lingua araba:
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ نَزۡغٞ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
36. Hadduu ku waswaasiyo shaydaan waswaasin (kuugu yeedho xume fal ama kaa cadheysiiyo) ka magan gal Alle. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
Esegesi in lingua araba:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِ ٱلَّيۡلُ وَٱلنَّهَارُ وَٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُۚ لَا تَسۡجُدُواْ لِلشَّمۡسِ وَلَا لِلۡقَمَرِ وَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ ٱلَّذِي خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ
37. Calaamooyinka (Alle ee muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Alle (Keliya) ee abuuray, haddaad Isaga uun caabudi12.
12. Macnaha waa ha caabudina Alle idinkoo u maraya uumankiisa, e caabuda si toos ah Keligi idinkoo aan waxba la wadaajin cibaadada.
Esegesi in lingua araba:
فَإِنِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فَٱلَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ يُسَبِّحُونَ لَهُۥ بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَهُمۡ لَا يَسۡـَٔمُونَ۩
38. Hadday iska kibriyaan (cibaadada), kuwaa ah Rabbigaa agtiisa (malaa’igta) baa xurmo weyneeya oo u tasbiixsada (ka hufa xumaan) habeen iyo maalinba kamana daalaan (caabudiddiisa).
Esegesi in lingua araba:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنَّكَ تَرَى ٱلۡأَرۡضَ خَٰشِعَةٗ فَإِذَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهَا ٱلۡمَآءَ ٱهۡتَزَّتۡ وَرَبَتۡۚ إِنَّ ٱلَّذِيٓ أَحۡيَاهَا لَمُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰٓۚ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
39. Calaamooyinka Alle waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyo (roob) uu noolaado oo soo kor noqdo. Hubaal Kan (Allaah ee) nooleeya wuxuu nooleyn maytida. Hubaal wax walba wuu Karaa.
Esegesi in lingua araba:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُلۡحِدُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا لَا يَخۡفَوۡنَ عَلَيۡنَآۗ أَفَمَن يُلۡقَىٰ فِي ٱلنَّارِ خَيۡرٌ أَم مَّن يَأۡتِيٓ ءَامِنٗا يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ ٱعۡمَلُواْ مَا شِئۡتُمۡ إِنَّهُۥ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ
40. Kuwa iiliya Aayadahayaga13 nagama qarsoona. Ma mid lagu tuuri Naarta baa khayr badan, mise mid Iman isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan,(Alle)waxaad fashaan wuu arkaa.
13. Iyagoo u akhriyaya si leexsan ama u fasiraya si khaldan.
Esegesi in lingua araba:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِٱلذِّكۡرِ لَمَّا جَآءَهُمۡۖ وَإِنَّهُۥ لَكِتَٰبٌ عَزِيزٞ
41. Kuwa rumeyn diida Waanada14 (Qur’aanka) markuu u yimid (waa laga jazayn)15 oo (kani Qur’aanka) waa Kitaab sharaf weyn leh.
14. Kuwa diida xaqa ama door bida tafsiirka qalloocan Alle ma hanuuniyo. 15. Hadalka inta ka go’an waa la iska garan karaa oo waxaa weeye: Waxay la kulmi doonaan ciqaab aan la suureysan karin.”
Esegesi in lingua araba:
لَّا يَأۡتِيهِ ٱلۡبَٰطِلُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَلَا مِنۡ خَلۡفِهِۦۖ تَنزِيلٞ مِّنۡ حَكِيمٍ حَمِيدٖ
42. Baadil ugama yimaado hortiisa ama gadaashiisa16; waa Waxyi laga soo dejiyey xagga Xakiim, Ammaanan (Alle).
16. Aan isagoo kale la keeni karin, aan waxba looga qaadin in wax laga sheego, uuna yahay Kitaab uu Alle dhowray.
Esegesi in lingua araba:
مَّا يُقَالُ لَكَ إِلَّا مَا قَدۡ قِيلَ لِلرُّسُلِ مِن قَبۡلِكَۚ إِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغۡفِرَةٖ وَذُو عِقَابٍ أَلِيمٖ
43. Waxba lagu odhan maayo (Nabi Muxammadow) aan ka aheyn wixii lagu yidhi Rusushii kaa horreysay. Hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Denbi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan.
Esegesi in lingua araba:
وَلَوۡ جَعَلۡنَٰهُ قُرۡءَانًا أَعۡجَمِيّٗا لَّقَالُواْ لَوۡلَا فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥٓۖ ءَا۬عۡجَمِيّٞ وَعَرَبِيّٞۗ قُلۡ هُوَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ هُدٗى وَشِفَآءٞۚ وَٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ فِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٞ وَهُوَ عَلَيۡهِمۡ عَمًىۚ أُوْلَٰٓئِكَ يُنَادَوۡنَ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
44. Haddaan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. Kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda, waana ka indha la' yihiin, kuwaa waxaa looga yeedhaa meel fog.
Esegesi in lingua araba:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ فَٱخۡتُلِفَ فِيهِۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُ مُرِيبٖ
45. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay. Haddiina aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa (in dib loogu dhigo cadaabka) waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse ka qabaan (Qur’aanka) shaki walaac leh.
Esegesi in lingua araba:
مَّنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَسَآءَ فَعَلَيۡهَاۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ
46. Qofkii sama fala naftiisay (dan) u tahay, kii xumaan falana isagay u daran tahay, Rabbigaana (Alle) ma aha mid dulmiya addoomaha.
Esegesi in lingua araba:
۞ إِلَيۡهِ يُرَدُّ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِۚ وَمَا تَخۡرُجُ مِن ثَمَرَٰتٖ مِّنۡ أَكۡمَامِهَا وَمَا تَحۡمِلُ مِنۡ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلۡمِهِۦۚ وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ أَيۡنَ شُرَكَآءِي قَالُوٓاْ ءَاذَنَّٰكَ مَا مِنَّا مِن شَهِيدٖ
47. Xaggiisaa loo celiyaa cilmiga Saacadda (Qiyaame)17, kamana soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, mana jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Maalinta markuu u yeedhi: Meeye kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada)18? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiin naguma jiro mid ka markhaati kici (inay yihiin shariigyadaada).
17. Ma jiro axad ogsoon goorta ay dhici doonto Qiyaamaha aan ahayn Allaah.
18. Asnaamta waxay ka dhigeen kuwo la shuruko ah ama la siman Alle.
Esegesi in lingua araba:
وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَدۡعُونَ مِن قَبۡلُۖ وَظَنُّواْ مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٖ
48. Waxay waayi waxay horey ugu dhawaaqan jireen (oo ilaahyo been ah), waxayna yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan.
Esegesi in lingua araba:
لَّا يَسۡـَٔمُ ٱلۡإِنسَٰنُ مِن دُعَآءِ ٱلۡخَيۡرِ وَإِن مَّسَّهُ ٱلشَّرُّ فَيَـُٔوسٞ قَنُوطٞ
49. Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, hadduuse shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah.
Esegesi in lingua araba:
وَلَئِنۡ أَذَقۡنَٰهُ رَحۡمَةٗ مِّنَّا مِنۢ بَعۡدِ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُ لَيَقُولَنَّ هَٰذَا لِي وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةٗ وَلَئِن رُّجِعۡتُ إِلَىٰ رَبِّيٓ إِنَّ لِي عِندَهُۥ لَلۡحُسۡنَىٰۚ فَلَنُنَبِّئَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِمَا عَمِلُواْ وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنۡ عَذَابٍ غَلِيظٖ
50. Haddaan dhadhansiinno naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, wuxuu odhan: Kan anaa leh19, mana filayo inay dhici Saacadda (Qiyaame), haddii la ii celiyona xagga Rabbigay, waxaan ka heli agtiisa wanaag. Waxaan u sheegi kuwa gaaloobay waxay faleen, waxaana dhadhansiin Cadaab Adag.
19. Macnaha waa waxaan ku helay xoogsigeyga, aqoonteyda, iyo wanaagga aan leeyahay, fadliga aan dheerahay dadka kale darteed, iwm.
Esegesi in lingua araba:
وَإِذَآ أَنۡعَمۡنَا عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ أَعۡرَضَ وَنَـَٔا بِجَانِبِهِۦ وَإِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ فَذُو دُعَآءٍ عَرِيضٖ
51. Markaan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, markuuse dhib taabto, wuu baryootan badan yahay.
Esegesi in lingua araba:
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كَانَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ثُمَّ كَفَرۡتُم بِهِۦ مَنۡ أَضَلُّ مِمَّنۡ هُوَ فِي شِقَاقِۭ بَعِيدٖ
52. Dheh: Bal ka warrama hadduu ka yimid (Qur’aanka) xagga Alle, markaas aad ku gaalowdaan - yaa ka lunsanaan badan kan ku sugan gaalnimo iyo khilaaf fog.
Esegesi in lingua araba:
سَنُرِيهِمۡ ءَايَٰتِنَا فِي ٱلۡأٓفَاقِ وَفِيٓ أَنفُسِهِمۡ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمۡ أَنَّهُ ٱلۡحَقُّۗ أَوَلَمۡ يَكۡفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
53. Waxaan ka tusi doonnaa Calaamooyin- kayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Miyuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay marag.
Esegesi in lingua araba:
أَلَآ إِنَّهُمۡ فِي مِرۡيَةٖ مِّن لِّقَآءِ رَبِّهِمۡۗ أَلَآ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءٖ مُّحِيطُۢ
54. Ogaada, hubaal, Waxay (gaaladu) ka shaki qabaan la kulanka Rabbigood, ogaada, hubaal, (Alle) wuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay.
Esegesi in lingua araba:
 
Traduzione dei significati Sura: Fussilat
Indice delle Sure Numero di pagina
 
Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Yaqub - Indice Traduzioni

Traduzione dei significati del Nobile Corano in somalo a cura di Abdullah Hasan Yaqub

Chiudi