Check out the new design

Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Abdullah Hasan Yaqub * - Indice Traduzioni

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduzione dei significati Sura: Al-Fath   Versetto:
قُل لِّلۡمُخَلَّفِينَ مِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ سَتُدۡعَوۡنَ إِلَىٰ قَوۡمٍ أُوْلِي بَأۡسٖ شَدِيدٖ تُقَٰتِلُونَهُمۡ أَوۡ يُسۡلِمُونَۖ فَإِن تُطِيعُواْ يُؤۡتِكُمُ ٱللَّهُ أَجۡرًا حَسَنٗاۖ وَإِن تَتَوَلَّوۡاْ كَمَا تَوَلَّيۡتُم مِّن قَبۡلُ يُعَذِّبۡكُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا
16. Ku dheh kuwaa reer miyiga ah ee ka hadhay jihaadka): Waxaa la idiinku yeedhi qolo dagaal aqoon daran leh, waa inaad la dirirtaan intay iska dhiibaan4, ee haddaad adeecdaan Alle Wuxuu idin siin abaalgud fiican, haddiise aad dhabarka jeedisaan sidaad horeyba ugu jeediseen dhabarka, Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan.
4. Intay isu dhiibaan Alle Muslimiin ahaan.
Esegesi in lingua araba:
لَّيۡسَ عَلَى ٱلۡأَعۡمَىٰ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡأَعۡرَجِ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡمَرِيضِ حَرَجٞۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدۡخِلۡهُ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَمَن يَتَوَلَّ يُعَذِّبۡهُ عَذَابًا أَلِيمٗا
17. Ma saarna eed indhoolaha, mana saarna wax eed ahi naafada, oo ma saarna eed bukaanka (haddayan u bixin Jihaadka Jidka Alle). Qofkiise adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu gelin Jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan, qofkiina dhabarka jeediya wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan.
Esegesi in lingua araba:
۞ لَّقَدۡ رَضِيَ ٱللَّهُ عَنِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ إِذۡ يُبَايِعُونَكَ تَحۡتَ ٱلشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِي قُلُوبِهِمۡ فَأَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ عَلَيۡهِمۡ وَأَثَٰبَهُمۡ فَتۡحٗا قَرِيبٗا
18. Alle wuxuu ka raalli noqday mu’miniinta markay wacad u hiillin (diinta ah) ay kugula galeen geedka hoostiisa, Alle wuxuu ogaa waxa ku jiray quluubtooda (oo iimaan iyo daacadnimo ah), markaasuu ku soo dejiyey xasilloooni korkooda, kuna abaal mariyey guul dhow5.
5. Kaasoo ahaa furashadii Khaybar, ee ka horreeyey furashadii Makkah.
Esegesi in lingua araba:
وَمَغَانِمَ كَثِيرَةٗ يَأۡخُذُونَهَاۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمٗا
19. Iyo qaniimooyin badan oo ay qaadan. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Esegesi in lingua araba:
وَعَدَكُمُ ٱللَّهُ مَغَانِمَ كَثِيرَةٗ تَأۡخُذُونَهَا فَعَجَّلَ لَكُمۡ هَٰذِهِۦ وَكَفَّ أَيۡدِيَ ٱلنَّاسِ عَنكُمۡ وَلِتَكُونَ ءَايَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ وَيَهۡدِيَكُمۡ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا
20. Allaah wuxuu idiin ballan qaaday qaniimooyin badan aad qaadaneysaan, markaasuu idiin soo dedejiyey middatan (qaniimada Khaybar), idinkana celiyey gacmihii dadka, si ay ugu ahaato calaamo mu’miniinta, idinkuna hanuuniyo Jid Toosan.
Esegesi in lingua araba:
وَأُخۡرَىٰ لَمۡ تَقۡدِرُواْ عَلَيۡهَا قَدۡ أَحَاطَ ٱللَّهُ بِهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٗا
21. Iyo (qaniimooyin) kale oo aydaan awooddeen6, Alle baa dhab ahaan koobay. Alle wax walba wuu Karaa.
6. Alle Idiin diyaariyey ama qaddaray.
Esegesi in lingua araba:
وَلَوۡ قَٰتَلَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوَلَّوُاْ ٱلۡأَدۡبَٰرَ ثُمَّ لَا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
22. Hadday kuwa gaalooba idinla daggaalamaan, waxay jeedin dhabarra(dooda) mana helayaan ilaaliye iyo gargaare midna.
Esegesi in lingua araba:
سُنَّةَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلُۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗا
23. Waa Hannaanka Alle ee dhab ahaan uga dhex jirey ummadahii hore ee tegay. Kama heleysid wax isbeddel ah Hannaanka iyo Hab raaca Alle.
Esegesi in lingua araba:
 
Traduzione dei significati Sura: Al-Fath
Indice delle Sure Numero di pagina
 
Traduzione dei Significati del Sacro Corano - Traduzione somala - Abdullah Hasan Yaqub - Indice Traduzioni

La sua traduzione a cura di Abdullah Hasan Yaqub.

Chiudi