Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: ユーヌス章   節:
أَلَآ إِنَّ أَوۡلِيَآءَ ٱللَّهِ لَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
62. Ogaada, hubaal, awliyada Alle ma ahaaneyso cabsi korkooda mana murugoonayaan9.
9. Abuu Saciid Al-Khudri a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle s.c.w. yidhi: Markii qofka la saaro meydkiisa alwaaxa janaazada (oo janaasadu tahay diyaar) oo raggu ku qaadaan garbahooda, haddii mowtanahu ahaa qof wanaagsan waxay tidhaahdaa: I dedejiya I dedejiya, haddiise uu ahaa qof aan wanaagsaneyn waxay odhan: Hooggeeda'e xaggee u siddaan. Waxaa maqla codkeeda wax walba aadanaha maahee, hadduu maqli lahaana waa uu suuxi lahaa." (W.w. Al-Bukhaari).
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ
63. (Waa) kuwa (Towxiidka) rumeysan ee iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale).
アラビア語 クルアーン注釈:
لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ لَا تَبۡدِيلَ لِكَلِمَٰتِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
64. Waxay leeyihiin bishaaro16 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddelaad ah Kelmadaha Alle (iyo baaqasho Ballankiisa). Arrinkaasi weeye Liibaanta Weyn.
16. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Riyada wanaagsan (ee dhabowda) uu ku riyooda qof wanaagsan ee Alle ka cabsada waa qayb ka mid ah afartan iyo lixdanka qaybood ee Nabinnimada. W.w.Al-Bukhaari
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّ ٱلۡعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًاۚ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
65. Yeysan ku murugo gelin (gaalada) hadalkoodu, Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَمَا يَتَّبِعُ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُرَكَآءَۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ
66. Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah kuwa barya cid kale Alle sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegayaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ
67. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana iftiin aad wax ku aragtaan. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax maqli.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۖ هُوَ ٱلۡغَنِيُّۖ لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ إِنۡ عِندَكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭ بِهَٰذَآۚ أَتَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
68. Waxay yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay ilmo17, Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan). waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Alle wax aydaan ogeyn?
17. Waa sida ay yidhaahdaan Yuhuudda, Kirishtaanka iyo mushrikiinta.
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلۡ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ لَا يُفۡلِحُونَ
69. Dheh: Kuwa Alle ka been sheega ma liibaanaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
مَتَٰعٞ فِي ٱلدُّنۡيَا ثُمَّ إِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ نُذِيقُهُمُ ٱلۡعَذَابَ ٱلشَّدِيدَ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ
70. Waa raaxo (yar) adduunkan gudahi, markaas Xaggayaga buu ahaan meel noqodkoodu, markaas baan dhadhansiin cadaab daran, gaalnimadooda darteed.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: ユーヌス章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる