Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 信仰者たち章   節:
۞ وَلَوۡ رَحِمۡنَٰهُمۡ وَكَشَفۡنَا مَا بِهِم مِّن ضُرّٖ لَّلَجُّواْ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
75. Haddaan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya oo dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda iyagoo ku indha la’.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَقَدۡ أَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡعَذَابِ فَمَا ٱسۡتَكَانُواْ لِرَبِّهِمۡ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ
76. Waxaanu ku qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, umana baryin si khushuuc leh.
アラビア語 クルアーン注釈:
حَتَّىٰٓ إِذَا فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا ذَا عَذَابٖ شَدِيدٍ إِذَا هُمۡ فِيهِ مُبۡلِسُونَ
77. Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaasay quustaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
78. (Alle) waa Kan idiin unkay dhegaha, indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad mahdisaan (Alle).
アラビア語 クルアーン注釈:
وَهُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
79. Waana Isaga Kan idinku fidiyey dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَهُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ وَلَهُ ٱخۡتِلَٰفُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
80. Waa Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (Agaasinka) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan wax fahmeyn.
アラビア語 クルアーン注釈:
بَلۡ قَالُواْ مِثۡلَ مَا قَالَ ٱلۡأَوَّلُونَ
81. Waxayse yidhaahdeen wax la mid ah waxay dadkii hore yidhaahdeen.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالُوٓاْ أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ
82. Waxay yidhaahdeen: “Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin?
アラビア語 クルアーン注釈:
لَقَدۡ وُعِدۡنَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا هَٰذَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
83.Waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kani ma aha waxaan ahayn warkii dadkii hore.
アラビア語 クルアーン注釈:
قُل لِّمَنِ ٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهَآ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
84. Dheh: “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddaad garaneysaan?!’’
アラビア語 クルアーン注釈:
سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
85. Waxay (gaaladu) odhan: "Allaah!” Dheh: Miyaydaan haddaba waansameyn?
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلۡ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلسَّبۡعِ وَرَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ
86. Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn14?.
14. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Xaalka Alle waa ka weyn yahay sidaas, Carshigiisuna waa sidaas, wuxuu ku tilmaamay gacantiisa sida qubbad”.
アラビア語 クルアーン注釈:
سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ
87. Waxay odhan: “Allaah.” Dheh: Miyeydaan iska jireyn Cadaabkiisa?.
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلۡ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيۡهِ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
88. Dheh: “Yey Gacantiisa ku jiraan mulkiga iyo maamulka wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddaad garanaysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ فَأَنَّىٰ تُسۡحَرُونَ
89. Waxay odhan: "Allaah". Dheh: “ Xaggee baa haddaba la idiin sixray?”
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 信仰者たち章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる