Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 相談章   節:
فَاطِرُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ جَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٰجٗا وَمِنَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ أَزۡوَٰجٗا يَذۡرَؤُكُمۡ فِيهِۚ لَيۡسَ كَمِثۡلِهِۦ شَيۡءٞۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ
11. (Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna noocyo (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) noocyo. Sidaasuu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah7, waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
7. Ma jiro wax isu ekaansho ah haba yaraatee ee ka dhexeeya Abuuraha iyo uunkiisa xag kasta, tilmaamo iyo camallo ahaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
12. (Alle) baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasiciyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), wax walbana (Alle) wuu Og yahay.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ شَرَعَ لَكُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا وَصَّىٰ بِهِۦ نُوحٗا وَٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ وَمَا وَصَّيۡنَا بِهِۦٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَىٰٓۖ أَنۡ أَقِيمُواْ ٱلدِّينَ وَلَا تَتَفَرَّقُواْ فِيهِۚ كَبُرَ عَلَى ٱلۡمُشۡرِكِينَ مَا تَدۡعُوهُمۡ إِلَيۡهِۚ ٱللَّهُ يَجۡتَبِيٓ إِلَيۡهِ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِيٓ إِلَيۡهِ مَن يُنِيبُ
13. Wuxuu idiin jideeyey xagga diinta wuxuu u dardaarmay Nuux, iyo waxaan kuu waxyoonnay, iyo waxaan u dardaarannay Ibraahiim, Muuse, iyo Ciise: Inaad oogtaan diinta oo ku kala qaybsamin. Waa ku adag tahay mushrikiinta waxaad (Towxiidka) aad ugu yeedhaan. Alle wuxuu u doortaa Xaggiiisa qofkuu doono, wuxuuna u hanuuniyaa Xaggiiisa kan u soo laabadka badiya (xusid iyo tawbad ahaan).
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَا تَفَرَّقُوٓاْ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى لَّقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ أُورِثُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُ مُرِيبٖ
14. Ma ay noqon kuwo kala qaybsan (xagga diinta) markuu u yimid cilmiga kaddib mahee xasad darti dhexdooda ah. Haddii aysan jirteenna Kelmed uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah (in lala sugo Qiyaamada), waa la kala xukumi lahaa dhexdooda. Kuwana la dhaxal siiyey Kitaabka iyaga kaddib (Yuhuudda iyo Nasaarada) shaki weyn bay ka qabaan (diinta).
アラビア語 クルアーン注釈:
فَلِذَٰلِكَ فَٱدۡعُۖ وَٱسۡتَقِمۡ كَمَآ أُمِرۡتَۖ وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَهُمۡۖ وَقُلۡ ءَامَنتُ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِن كِتَٰبٖۖ وَأُمِرۡتُ لِأَعۡدِلَ بَيۡنَكُمُۖ ٱللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمۡۖ لَنَآ أَعۡمَٰلُنَا وَلَكُمۡ أَعۡمَٰلُكُمۡۖ لَا حُجَّةَ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمُۖ ٱللَّهُ يَجۡمَعُ بَيۡنَنَاۖ وَإِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ
15. Arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amray8, hana raacin hawadooda (xun) oo dheh: Waxaan rumeynay wuxuu Alle soo dejiyey oo Kitaab ah, waxaana la i amray inaan falo caddaalad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaan mudan acmaashayada idinkuna waxaad mudan acmaashiinna9, xujo (hadda) inama dhex taallo10. Allaah baa ina soo kulmin innagoo dhan, waana Xaggiisa meel noqodka dambe.
8. Inta ka go’an hadalka waa ugu yeedh inay tawbad keenaan.
9. Waa natiijada camalladooda.
10. Marba haddii laga yeelay Xaqa caddaan, kuwaasi Xaqa diida waxay sidaasi u yeelaan oo keliya kibir darti iyo u xilasho dano adduun.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 相談章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる