external-link copy
19 : 34

فَقَالُواْ رَبَّنَا بَٰعِدۡ بَيۡنَ أَسۡفَارِنَا وَظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَ وَمَزَّقۡنَٰهُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٖ

19. Waxayse yidhaahdeen, "Rabbigayow! Kala fogee safarka dhexdayada ah [10]," oo dulmiyeen nafahooda, markaasaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn dhan. Hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan [11]. info

[10]. Waxaa dhacday in magaalooyinkaa dhowaa baabba’een, waxayna u dhoofeen meelo fog fog, taasoo keentay inay kor u dhigaan sicirka badeecada si ay u helaan faa’ido munaasib ah.
[11]. Qisooyinka dadka waxaan ugu soo tebinnaa casharro iyo cibrad qaadasho ahaan.

التفاسير: |