external-link copy
22 : 35

وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَحۡيَآءُ وَلَا ٱلۡأَمۡوَٰتُۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُسۡمِعُ مَن يَشَآءُۖ وَمَآ أَنتَ بِمُسۡمِعٖ مَّن فِي ٱلۡقُبُورِ

22. Ma sinna kuwa nool iyo kuwa meydka ah [5]. Alle Wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono [6], adiguna wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha. info

[5]. Waa tusaalaha ay kala leeyihiin mu’minka iyo gaalka, noocyada kala duwan ee gaalnimada iyo iimaanka runta ah, Jannada iyo Naarta, hanuunka iyo habowga.
[6]. Alle wuxuu hanuuniyaa qofkuu doono, oo maqashiiyaa Xaqa qofkuu doono.

التفاسير: |