[7]. Weedha durriyad halkan waxaa loola jeedaa fir (waa inay yihiin firkii Nuux) ee laga badbaadshay daadkii weynaa ee lagu halaagay qoonkii Nuux.
[8]. Waxaa loola jeedaa Aakhirada iyo cadaabkeeda iyo adduunka iyo xaaladahiisa kala duwan.
[9]. Macnaha way iska dhego tiraan waanooyinka oo dan u geli waayaan digniinaha.
[10]. Erey ahaan macnaha waa dhawaaq ama qeylo daran, waxaana loola jeedaa afuufka koowaad ee Buunka uu dhiman noole kasta oo dhulka jooga digniin hore la’aan.
[11]. Waxaa loola jeedaa afuufka labaad ee Buunka, markaasoo ay ka soo bixi doonaan qubuuraha iyagoo la soo nooleeyey.