Check out the new design

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಶ್ಲೋಕ: (23) ಅಧ್ಯಾಯ: ಅನ್ನಿಸಾಅ್
حُرِّمَتۡ عَلَيۡكُمۡ أُمَّهَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُمۡ وَعَمَّٰتُكُمۡ وَخَٰلَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُ ٱلۡأَخِ وَبَنَاتُ ٱلۡأُخۡتِ وَأُمَّهَٰتُكُمُ ٱلَّٰتِيٓ أَرۡضَعۡنَكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُم مِّنَ ٱلرَّضَٰعَةِ وَأُمَّهَٰتُ نِسَآئِكُمۡ وَرَبَٰٓئِبُكُمُ ٱلَّٰتِي فِي حُجُورِكُم مِّن نِّسَآئِكُمُ ٱلَّٰتِي دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَإِن لَّمۡ تَكُونُواْ دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ وَحَلَٰٓئِلُ أَبۡنَآئِكُمُ ٱلَّذِينَ مِنۡ أَصۡلَٰبِكُمۡ وَأَن تَجۡمَعُواْ بَيۡنَ ٱلۡأُخۡتَيۡنِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
23. Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin [16] iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga [17] oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan [18], wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan [19].
16. Hooyooyinkiin: sida hooyo, hooyo hooyadeed, ayeeyo hooyadeed, ku wad, gabadhahiinna : sida gabadha aad dhashay iyo wiilka aad dhashay gabadhi iyo gabadheed, ku wad,
17. Rabaa’ib gabdhaha xaasaskiinna ee gurigiinna jooga, waxay badi mufasiriinta qabaan inay sidoo kale soo galayaan rabaabita aan guryahooda joogin.
18. Islaamka ka hor. Kaddib markuu Alle soo dejiyey Aayaddan, waxaa la amray ragga inay sii daayaan dumarkaa aan xalaasha u aheyn sida xaaska aabbihi, hadduu isla qabo labo gabdhood oo walaalo ah waa inuu mid sii daayo, ama hadduu leeyahay xaasas tiro ahaan ka badan afar, waa inuu afar keliya ka doorto. Isla xukunkan oo kale baa saaran marka uu nin soo galo islaamka.
19. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxay toddobo ku xarrimantay xigto ahaan, toddobana xidid ahaan, sidoo kale cidda wax nuujisa iyo tan kula nuugta. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa ku reebban nuugmada naaska waxa ku reebban nasabka, waase inay ahaato shan nuugmo. Sidoo kale waxaa xaaraan ah guursiga haweeney la qabo.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಶ್ಲೋಕ: (23) ಅಧ್ಯಾಯ: ಅನ್ನಿಸಾಅ್
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ