Check out the new design

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಅಲ್ -ಅನ್ ಫಾಲ್   ಶ್ಲೋಕ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ لَمۡ يَكُ مُغَيِّرٗا نِّعۡمَةً أَنۡعَمَهَا عَلَىٰ قَوۡمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ
53. Arrinkaa wa inaan Alle marnaba beddelin nicmad uu siiyey qolo jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَغۡرَقۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَۚ وَكُلّٞ كَانُواْ ظَٰلِمِينَ
54. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan u halaagnay denbiyadoodii awgood, waxaana harqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen daalimiin.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
55. Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Alle agti waa gaalada, marka ma ay rumeynayaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ٱلَّذِينَ عَٰهَدتَّ مِنۡهُمۡ ثُمَّ يَنقُضُونَ عَهۡدَهُمۡ فِي كُلِّ مَرَّةٖ وَهُمۡ لَا يَتَّقُونَ
56. Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan iska jirin (Cadaabka Alle iyo Cadhadi).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَإِمَّا تَثۡقَفَنَّهُمۡ فِي ٱلۡحَرۡبِ فَشَرِّدۡ بِهِم مَّنۡ خَلۡفَهُمۡ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ
57. Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya16, bal inay waantoobaan.
16. Waa dila oo laaya oo tusaale ka dhiga lagu cibrad qaaato si aad u niyad jebisaan kuwa soo raaci lahaa.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوۡمٍ خِيَانَةٗ فَٱنۢبِذۡ إِلَيۡهِمۡ عَلَىٰ سَوَآءٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡخَآئِنِينَ
58. Haddaad ka cabsato khiyaano xagga qolo (axdi idinka dhexeeyey)17, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal, Alle ma jecla khaa’imiinta.
17. Markaad ka aragto calaamado muujinaysa khiyaano kuwaas aad la gashay heshiiska, ogeysii inaad ka baxday ballantii idiin dhexeysey si ay u ogaadaan halka ay istaagayaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ سَبَقُوٓاْۚ إِنَّهُمۡ لَا يُعۡجِزُونَ
59. Yeysan moodinna gaalada inay hormareen (macnaha waa ha ka cabsan ku hormarkooda heerarka adduun ama hubka). Hubaal (Alle) kama baxsan karaan (wuuna soo qaban meelay gaaraanba).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن قُوَّةٖ وَمِن رِّبَاطِ ٱلۡخَيۡلِ تُرۡهِبُونَ بِهِۦ عَدُوَّ ٱللَّهِ وَعَدُوَّكُمۡ وَءَاخَرِينَ مِن دُونِهِمۡ لَا تَعۡلَمُونَهُمُ ٱللَّهُ يَعۡلَمُهُمۡۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَيۡءٖ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ يُوَفَّ إِلَيۡكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تُظۡلَمُونَ
60. U diyaarsada waxaad kartaan oo xoog ah (sida sawaariikhda, gantaallada) iyo fardo u heegan ah (dagaal, gawaari gaashaaman, diyaarado iyo doomo dheereeya) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Alle iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Alle baase og. Waxaad ku bixisaanna Jidka Alle waa la idiin gudi si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmin.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
۞ وَإِن جَنَحُواْ لِلسَّلۡمِ فَٱجۡنَحۡ لَهَا وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
61. Hadday u iishaanna gaalada xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Alle. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಅಲ್ -ಅನ್ ಫಾಲ್
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ